{"id":116714,"date":"2025-07-29T21:44:38","date_gmt":"2025-07-29T18:44:38","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=116714"},"modified":"2025-07-30T00:48:40","modified_gmt":"2025-07-29T21:48:40","slug":"iskaashi-caalami-ah-lagu-taageerayo-soomaaliya-oo-dawladda-dalka-kuwait-ku-baaqday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/07\/iskaashi-caalami-ah-lagu-taageerayo-soomaaliya-oo-dawladda-dalka-kuwait-ku-baaqday\/","title":{"rendered":"Iskaashi Caalami ah Lagu Taageerayo Soomaaliya oo Dawladda Dalka Kuwait Ku Baaqday."},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Kuweyt ayaa shalay ku baaqday in la isku xiro dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo taageero qorshayaasha dowladda Soomaaliya ee dib-u-dhiska dalka, heshiisiinta qaran, iyo dhismaha hay\u2019adaha dowladeed.<\/p>\n<p>Baaqan ayaa yimid xilli uu hadlayey qunsulka guud ee Kuweyt ee magaalada Jidda ahna wakiilka joogtada ah ee Kuweyt u fadhiya Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Yuusuf Al-Tunayan, intii lagu guda jiray shirkii heerka wasiirrada ee kooxda xiriirka ee OIC ee u qaabilsan Soomaaliya, kaas oo ka furmay magaalada Dooxa ee dalka Qadar.<\/p>\n<p>Al-Tunayan wuxuu sheegay in taageerada Soomaaliya xilligan muhiimka ah ay tahay tijaabo dhab ah oo lagu cabbiri karo kartida dowladaha xubnaha ka ah OIC in ay u beddelaan mabaadi&#8217;dii ururka lagu aasaasay ficil muuqda, Wuxuu hoosta ka xariiqay in Kuweyt ay si joogto ah u taageerto midnimada dhuleed, madax-bannaanida siyaasadeed, iyo qarannimada Soomaaliya.<\/p>\n<p>Sidoo kale, wuxuu muujiyay sida ay Kuweyt uga mahadcelinayso dadaallada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto dhismaha hay\u2019adaha dowladeed, xoojinta amniga, iyo suurtagalinta sharciga, inkasta oo ay jiraan caqabado badan gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo cimilada.<\/p>\n<p>Al-Tunayan wuxuu sidoo kale hambalyo u diray Soomaaliya kaddib markii ay ku guuleysatay kursiga xubinimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay muddo laba sano ah (2025\u20132026).<\/p>\n<p>Wuxuu intaas ku daray in Kuweyt ay si diirran u soo dhaweynayso horumarka ay Soomaaliya sameyneyso iyo go\u2019aannada Bangiga Adduunka ee ku saabsan in laga cafiyo deymaha dibadda taas oo uu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo u gogol xaaraysa xasillooni dhaqaale, koboc dhaqaale, ballaarinta adeegyada asaaska ah, iyo fursado horumarineed oo cusub.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, Al-Tunayan wuxuu xusay in Kuweyt ay sanadihii u dambeeyay sii waday bixinta gargaar bani\u2019aadannimo iyo mid horumarineed oo loo marayo hay\u2019adaha rasmiga ah iyo kuwa samafalka, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha, amniga cunnada, iyo horumarinta dhalinyarada iyo bulshooyinka maxalliga ah iyada oo aaminsan in horumar waara uu saldhig u yahay nabad waarta.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Kuweyt ayaa shalay ku baaqday in la isku xiro dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo taageero qorshayaasha dowladda Soomaaliya ee dib-u-dhiska dalka, heshiisiinta qaran, iyo dhismaha hay\u2019adaha dowladeed. Baaqan ayaa yimid xilli uu hadlayey qunsulka guud ee Kuweyt ee magaalada Jidda ahna wakiilka joogtada ah ee Kuweyt u fadhiya Ururka Iskaashiga Islaamka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":116715,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-116714","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/116714","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=116714"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/116714\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":116732,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/116714\/revisions\/116732"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/116715"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=116714"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=116714"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=116714"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}