{"id":116597,"date":"2025-07-25T22:19:31","date_gmt":"2025-07-25T19:19:31","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=116597"},"modified":"2025-07-25T22:43:27","modified_gmt":"2025-07-25T19:43:27","slug":"dawladda-faransiiska-oo-sheegtay-in-ay-aqoonsato-dawlad-ay-leeyihiin-dadka-falastiin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/07\/dawladda-faransiiska-oo-sheegtay-in-ay-aqoonsato-dawlad-ay-leeyihiin-dadka-falastiin\/","title":{"rendered":"Dawladda Faransiiska oo Sheegtay in ay Aqoonsato Dawlad ay Leeyihiin Dadka Falastiin."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu si rasmi ah bisha Sembtember u aqoonsandoono dawlad madax-bannaan oo reer Falastiin ah, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo lagama maarmaan u ah xal nabadeed oo waara.<\/p>\n<p>Go\u2019aankan ayaa yimid xilli xiisadda Qasa ay gaadhay heer musiibo bani\u2019aadannimo ah, halka ay sidoo kale kor u kacday taageerada caalamiga ah ee loo hayo qadiyadda Falastiin.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Britain, Sir Keir Starmer, ayaa isna Khamiistii sheegay in madax-bannaanida Falastiin ay tahay \u201cxaq aan laga gorgortami karin,\u201d isagoo intaa ku daray in xabbad-joojin degdeg ahi ay horseedi karto waddo loo maro aqoonsiga dawlad Falastiin ah iyo xal laba dowladood ah oo nabad loogu abuuro labada dhinac.<\/p>\n<p>Starmer wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay inuu si degdeg ah xidhiidh ula yeelanayo hoggaamiyeyaasha Faransiiska iyo Jarmalka si looga wada hadlo sidii loo joojin lahaa dhiigga daadanaya, loona fududayn lahaa gaadhsiinta gargaar bini\u2019aadannimo oo degdeg ah.<\/p>\n<p>Dabayaaqadii Jimcaha, Guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Britain ayaa ugu baaqay dawladda in ay si rasmi ah u aqoonsato dawlad Falastiin ah \u201cinta ay goori goor tahay.\u201d Warbixin ay soo saareen waxay ku sheegeen in \u201cxaq aan la dafiri karin aan loo dhigi karin shuruudo siyaasadeed.\u201d<\/p>\n<p>Dhanka Qaaradda Aasiya, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa si diirran u soo dhawaysay go\u2019aanka Faransiiska, iyagoo sheegay inuu muujinayo isku raaca caalamka ee ku aaddan xaqa shacabka Falastiin u leeyahay is-maamul iyo qaran madax-bannaan.<\/p>\n<p>Xamaas, oo ah xoogga ugu weyn ee ka taliya Marinka Qasa, ayaa go\u2019aanka Faransiiska ku tilmaantay \u201ctallaabo togan oo u socota jihada saxda ah,\u201d waxayna ugu baaqeen dhammaan dalalka kale in ay raacaan dariiqa Faransiiska.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Israa\u2019iil, Benjamin Netanyahu, ayaa si adag u cambaareeyay go\u2019aanka Faransiiska. Qoraal uu soo dhigay barta X (Twitter) ayuu ku yidhi: \u201cDowladda Falastiin oo la aqoonsado\u00a0 waxay noqon doontaa saldhig lagu weeraro Israa\u2019iil, halkii ay noqon lahayd mid nabad kula noolaata.\u201d Wuxuu intaa ku daray in \u201cdadka reer Falastiin aysan rabin in ay daris la noqdaan Israa&#8217;iil, balse ay rabaan mid Israa\u2019iil beddesha.\u201d<\/p>\n<p>Xogta Qaramada Midoobay waxay muujinaysaa in in ka badan 140 dal oo ka tirsan xubnaha Qaramada Midoobay\u00a0 ay si rasmi ah u aqoonsadeen dawlad Falastiin ah, waxaana ku jira dalal ka tirsan Midowga Yurub sida Isbayn iyo Ireland.<\/p>\n<p>Tan iyo weerarkii Xamaas ku qaaday Israa\u2019iil bishii October 2023 oo ay ku dhinteen 1,200 qof, ciidamada Israa\u2019iil ayaa bilaabay duqeyn ba\u2019an oo ku weerareen Marinka Qasa. Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 59,106 Falastiiniyiin ah lagu dilay, badidooduna ay yihiin haween iyo carruur.<\/p>\n<p>Wasaaradda caafimaadka ee Qasa waxay sheegtay in burburka kaabeyaasha nolosha iyo isbitaallada uu sababay in malaayiin qof ay la ildaran yihiin gaajo, biyo la\u2019aan iyo adeeg caafimaad oo liita. UNRWA ayaa Khamiistii sheegtay in saddexdii caruurta ah ee Qasa ku nool uu mid ka mid ah noqday nafaqo-darro ba\u2019an, tiraduna sii kordhayso maalin kasta.<\/p>\n<p>In ka badan 100 hay\u2019adood oo caalami ah iyo ururro xuquuqda aadanaha ah ayaa si wadajir ah u sheegay in Qasa ay wajahayso khatar gaajo guud ah, waxayna ugu baaqeen dowladaha caalamka in ay si degdeg ah u qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu si rasmi ah bisha Sembtember u aqoonsandoono dawlad madax-bannaan oo reer Falastiin ah, taasoo uu ku tilmaamay tallaabo lagama maarmaan u ah xal nabadeed oo waara. Go\u2019aankan ayaa yimid xilli xiisadda Qasa ay gaadhay heer musiibo bani\u2019aadannimo ah, halka ay sidoo kale kor u kacday [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":116598,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-116597","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/116597","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=116597"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/116597\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":116608,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/116597\/revisions\/116608"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/116598"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=116597"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=116597"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=116597"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}