{"id":116451,"date":"2025-07-22T00:18:06","date_gmt":"2025-07-21T21:18:06","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=116451"},"modified":"2025-07-22T04:16:14","modified_gmt":"2025-07-22T01:16:14","slug":"cali-jeyte-madaxa-ciidamada-deegaanka-oo-ka-hadlay-sababta-uu-magaalada-jigjiga-safar-ugu-ambabaxey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/07\/cali-jeyte-madaxa-ciidamada-deegaanka-oo-ka-hadlay-sababta-uu-magaalada-jigjiga-safar-ugu-ambabaxey\/","title":{"rendered":"Cali Jeyte Cismaan Madaxa Ciidamada Deegaanka oo Ka Hadlay Sababta uu Magaalada Jigjiga Safar ugu Ambabaxey."},"content":{"rendered":"<p>U qeybsanaha xafiiska Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee arrimaha ciidanka difaaca deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda Cali Jeyte Cismaan ayaa si dareen leh uga sheegay xaflad soo dhaweyn aheyd oo loogu sameeyay magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida inuu ka yimid dadka reer Hiiraan oo uu dhiigbax ku socdo.<\/p>\n<p>Hoggaamiye Cali Jeyte Cismaan oo todobaadkii hore gaaray magaalada Jigjiga ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa aysan booqasho u imaan Jigjiga oo ay ka soo taggeen dad dhiig baxaya, islamarkaana qorshahoodu yahay iney u helaan gurmadka ay u baahan yihiin.<\/p>\n<p>\u201cBooqasho maanan ahayn, waxaanu ka soo tagnay dad dhiig baxaya oo xaalad adag ku jira, illaa muddo afar sano ah gaareysa dagaal ku jiray, dad shacab ah oo hal reerna ah, runtii way dadaaleen, si weyn bayna u dadaaleen, yacni sacrifice bay sameeyeen baa la dhihi karaa, waana walaalihiinoo waad garaneysaan\u201d Ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.<\/p>\n<p>Wuxuu sidoo kale tilmaamay hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda Soomaaliya im dadka reer Hiiraan ay muujiyeen doorkooda ku aadan ciribtirka Al-shabaab, islamarkaana haatan waxa kaloya ay u baahan yihiin ay tahay gurmad walaalnimo.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan idiin kula dardaarmayaa waxa dadkaas dhibaato haysta, sidii aad gacan uga gaysan lahaydeen inaad gacan uga gaysataan, idiinkuna aad ka taxadartaan shacab ahaan ama reer ahaanta aad hadda halkan ku fadhisaan inaad nabadgelyada ka shaqeysaan oo aad dowladdiina kala shaqeysaan.\u201d ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.<\/p>\n<p>Cali Jeyte ayaa dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda Itoobiya uga mahadceliyay qaabilaadda ay u sameeyeen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay gacan uga gaystaan la dagaalanka maleeshiyada Al-shabaab, isagoo xusay in horeyna ay u taageereen, hadana ay diyaar u yihiin in taageero kale inay siiyaan dadka reer Hiiraan.<\/p>\n<p>Sagaalkii bishaan July ayaa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxay saanad ciidan ku wareejiyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ay wehlinayeen qaar ka mid ah waxgaradka gobolka, waxaana hubkaas iyo saanada ciidan ugu talagaleen ciidamada la dagaalamaya beesha Xawaadlle ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii guud ahaan dadka Soomaaliyeed ayaa si gaar ah indhaha ugu wada haaya natiijada kasoo bixi doonto kulamo uu ka wado hoggaamiyaha ciidanka Macawiisleeyda Soomaaliya labadii todobaad ee u dambeysay gudaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>U qeybsanaha xafiiska Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee arrimaha ciidanka difaaca deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda Cali Jeyte Cismaan ayaa si dareen leh uga sheegay xaflad soo dhaweyn aheyd oo loogu sameeyay magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida inuu ka yimid dadka reer Hiiraan oo uu dhiigbax ku socdo. Hoggaamiye Cali Jeyte Cismaan oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":116452,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-116451","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/116451","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=116451"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/116451\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":116474,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/116451\/revisions\/116474"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/116452"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=116451"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=116451"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=116451"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}