{"id":116396,"date":"2025-07-19T23:03:20","date_gmt":"2025-07-19T20:03:20","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=116396"},"modified":"2025-07-20T01:17:43","modified_gmt":"2025-07-19T22:17:43","slug":"xabad-joojin-uu-mareykanku-hormuud-ka-ahaa-oo-ka-hirgashey-dawladaha-suuriya-iyo-israaiil","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/07\/xabad-joojin-uu-mareykanku-hormuud-ka-ahaa-oo-ka-hirgashey-dawladaha-suuriya-iyo-israaiil\/","title":{"rendered":"Xabad Joojin uu Mareykanku Hormuud ka ahaa oo ka Hirgashey Dawladaha Suuriya iyo Israa&#8217;iil."},"content":{"rendered":"<p>Suuriya iyo Israa\u2019iil ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin uu dhexdhexaadiyay Mareykanku, sida uu sheegay Danjiraha Mareykanka u fadhiya Turkiga, Tom Barrack. Heshiiskan ayaa yimid kadib weeraro cirka ah oo ciidamada Israa&#8217;iil ay ka gaysteen guddaha Suuriya, iyaga oo sheegay in ay u hiilinayaan qabiil lagu magacaabo Duruus oo ay dowlada Suuriya is hayaan.<\/p>\n<p>Danjire Barrack ayaa qoraal uu saaka hore ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in xabbad-joojinta uu Mareykanku taageersanyahay, islamarkaana ay \u201csoo dhaweeyeen\u201d waddamada Turkiga, Urdun iyo deriska kale ee Suuriya. Wuxuu ugu baaqay beelaha kala duwan ee ku nool Suuriya sida Duruus, Baduuga, Sunniga, iyo qowmiyadaha kale \u2013 in ay hubka dhigaan, oo ay si nabad ah uga shaqeeyaan dhismaha qaran mideeya shacabka Suuriya.<\/p>\n<p>Weli wax war ah kama soo bixin dowladda Suuriya ama Israa\u2019iil si rasmi ah, balse ilo xog-ogaal ah oo Israeli ah ayaa sheegay in Israa\u2019iil ay aqbashay in ciidamada nabadgelyada gudaha ee Suuriya si ku-meelgaadh ah loogu oggolaado in ay galaan gobolka Suwayda muddo 48 saacadood ah, si loo dejiyo xaaladda.<\/p>\n<p>Arbacadii lasoo dhaafay, Israa\u2019iil waxay duqeymo xooggan ku beegsatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Suuriya ee magaalada Dimishiq, iyo sidoo kale saldhigyo ciidan oo ku yaalla Suwayda. Israa\u2019iil waxay sheegtay in weeraradaasi ay u fuliyeen si ay u difaacaan bulshada laga tirada badan yahay ee Duruus, kuwaas oo ay sheegtay in lagu beegsaday dagaal beeleedyo u dhaxeeya kooxo hubaysan oo Duruus ah,\u00a0 beelaha Baduug, iyo sidoo kale ciidamada dowladda.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Israa\u2019iil Benjamin Netanyahu ayaa bulshada Duruus ku tilmaamay &#8220;walaalo&#8221;, isagoo xusay in Israa\u2019iil ay daryeelayso danahooda. Qiyaastii hal milyan oo ka mid ah beesha Duruus ayaa ku nool Suuriya, badankoodna waxay ku sugan yihiin Suwayda, halka ku dhowaad 150,000 oo kale ay ku nool yihiin Israa\u2019iil.<\/p>\n<p>Inkastoo heshiis xabbad-joojin ah ay Arbacadii gaadheen beesha Duruus iyo dowladda Suuriya, haddana Israa\u2019iil ayaa isla maalintaas weerar kale qaaday oo sababay dhimashada ugu yaraan saddex qof iyo dhaawaca 34 kale. Madaxweynaha ku-meelgaadhka ah ee Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa Khamiistii hore hadal telefishinka laga sii daayay ku sheegay in ilaalinta xuquuqda iyo nolosha shacabka Duruus ay tahay mudnaanta koowaad ee dowladdiisa.<\/p>\n<p>Wuxuu intaas ku daray in Suuriya ayna doonayn in ay dagaal la gasho Israa\u2019iil, balse aysan cabsi ka qabin haddii la isku dayo in dalka la kala furo furo. Jimcihii shalay, dagaal kale oo culus ayaa mar kale ka qarxay Suwayda, gaar ahaan beelaha Duruus iyo Baduuga, taas oo keentay in dowladda Dimishiq ay ciidamo gaar ah u dirto gobolka si loo xakameeyo xaaladda.<\/p>\n<p>Heshiiskan cusub ee la gaadhay ayaa la rajaynaya in uu noqdo mid loo dhan yahay, loogana faa\u2019iideeyo xasiloonida gobolka iyo in la yareeyo daadinta dhiigga shacabka. Inkastoo ay jirto cabsi sii kordheysa, haddana beesha caalamku waxay ku boorinaysa dhammaan dhinacyada in ay ka shaqeeyaan nabad waarta.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Suuriya iyo Israa\u2019iil ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin uu dhexdhexaadiyay Mareykanku, sida uu sheegay Danjiraha Mareykanka u fadhiya Turkiga, Tom Barrack. Heshiiskan ayaa yimid kadib weeraro cirka ah oo ciidamada Israa&#8217;iil ay ka gaysteen guddaha Suuriya, iyaga oo sheegay in ay u hiilinayaan qabiil lagu magacaabo Duruus oo ay dowlada Suuriya is hayaan. Danjire Barrack ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":116397,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-116396","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/116396","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=116396"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/116396\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":116416,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/116396\/revisions\/116416"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/116397"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=116396"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=116396"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=116396"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}