{"id":116293,"date":"2025-07-15T23:05:19","date_gmt":"2025-07-15T20:05:19","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=116293"},"modified":"2025-07-15T23:53:26","modified_gmt":"2025-07-15T20:53:26","slug":"mucaaradka-iyo-xukuumada-soomaliland-oo-ka-wada-hadlay-xaaladda-gobolada-sool-iyo-sanaag-iyo-doorashooyinka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/07\/mucaaradka-iyo-xukuumada-soomaliland-oo-ka-wada-hadlay-xaaladda-gobolada-sool-iyo-sanaag-iyo-doorashooyinka\/","title":{"rendered":"Mucaaradka iyo Xukuumada Soomaliland oo ka Wada hadlay Xaaladda Gobolada Sool iyo Sanaag iyo Doorashooyinka."},"content":{"rendered":"<div>\n<p>Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda saddexda xisbi ayaa yeeshay shir ay kaga tashadeen mawqifka ay ka istaagayaan shirka ka socda xarunta SSC-Khaatumo ee Laascaanood, doorashooyinka soo socda, iyo safaradii uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ku tagay dibadda.<\/p>\n<p>Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu yidhi: &#8220;Shirka waxa si adag loogu cambaareeyey faragelinta qaawan ee masuuliyad darrada ah ee ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ku hayso Bariga Gobolka Sool ee Somaliland, taasoo gobolka ka abuuraysa qalalaase siyaasadeed.&#8221;<\/p>\n<div class=\"inline-ad\">\n<div><\/div>\n<\/div>\n<p>Dhanka kale, Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Kulmiye, Mustafe Shiine, ayaa sheegay in ay ka wadatashadeen in si qoto dheer dib loogu eego shirka ka socda magaalada Laascaanood.<\/p>\n<\/div>\n<div><\/div>\n<div>\n<p>&#8220;Arrimaha Bariga Sool oo aad ogaydeen in muddooyinkii u dambeeyey xaalad kacsani ka taagnayd magaalada Laascaanood, waxa laysla qaatay in dib layskula eego, laga wada xaajoodo oo go\u2019aan midaysan laga gaadho,&#8221; ayuu yidhi Shiine.<\/p>\n<p>Waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda iyo xisbiyadu ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta la filayo in la qabto ka hor doorashooyinka golaha wakiillada iyo deegaanka, oo loo muddeeyey 31 ka bisha May ee sannadka 2026.<\/p>\n<p>&#8220;Waxa laysla qaatay in xisbiyada iyo guddida doorashooyinku ay go\u2019aan kama dambays ah ka gaadhaan arrimaha diiwaangelinta,&#8221; ayuu Shiine hadalkiisa sio raaciyey.<\/p>\n<p>Intaa ka dib, mucaaradku waxay Madaxweyne Cirro wax ka weydiiyeen safaradiisii ugu dambeeyey ee uu ku tagay Kenya iyo Qatar, kuwaasoo ay sheegeen inay saluug ka qabaan. Madaxweynaha ayaa ballanqaaday inuu bulshada la wadaagi doono warbixin faahfaahsan oo ku saabsan safarradaasi.<\/p>\n<p>Xukuumadda Somaliland ayaa beesha caalamka ugu baaqday inay si dhaw ula socoto waxa ay ku tilmaantay hurin colaadeed oo ay sheegtay in uu dhiig badani ku daadan karo. Waxay si gaar ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu eedaysay inuu qalalaase ka wado deegaano ka tirsan Somaliland, taasoo ay xukuumaddu ku sheegtay duullaan ka dhan ah jiritaanka Somaliland.<\/p>\n<p>Magaalada Laascaanood, oo ah xarunta SSC-Khaatumo kana baxday gacanta Somaliland laba sano ka hor, ayaa waxa ka socda shir lagu doonayo in maamul gaar ah loogu sameeyo gobollada Sool iyo Sanaag. Somaliland iyo Puntland labaduba waxay kasoo horjeedaan qorshahan, iyadoo lagu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay gadaal ka riixayso.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda saddexda xisbi ayaa yeeshay shir ay kaga tashadeen mawqifka ay ka istaagayaan shirka ka socda xarunta SSC-Khaatumo ee Laascaanood, doorashooyinka soo socda, iyo safaradii uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ku tagay dibadda. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu yidhi: &#8220;Shirka waxa si adag loogu cambaareeyey faragelinta qaawan ee masuuliyad darrada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":116294,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-116293","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/116293","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=116293"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/116293\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":116311,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/116293\/revisions\/116311"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/116294"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=116293"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=116293"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=116293"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}