{"id":116069,"date":"2025-07-07T21:57:57","date_gmt":"2025-07-07T18:57:57","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=116069"},"modified":"2025-07-08T01:34:36","modified_gmt":"2025-07-07T22:34:36","slug":"dawladaha-kuwait-iyo-uk-oo-kala-saxiixday-heshiis-deeq-gargaar-biniaadanimo-loogu-talagaley-soomaaliya-iyo-suudaan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/07\/dawladaha-kuwait-iyo-uk-oo-kala-saxiixday-heshiis-deeq-gargaar-biniaadanimo-loogu-talagaley-soomaaliya-iyo-suudaan\/","title":{"rendered":"Dawladaha Kuwait iyo UK oo Kala Saxiixday Heshiis Deeq Gargaar Bini&#8217;aadanimo Loogu Talagaley Soomaaliya iyo Suudaan."},"content":{"rendered":"<p>Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee Kuwait ayaa laba heshiis oo iskaashi horumarineed ah la gashay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee UK, si gargaar degdeg ah oo bani\u2019aadamnimo loogu fidiyo dadka ay saameeyeen colaadaha ka taagan Jamhuuriyadaha Sudan iyo Soomaaliya.<\/p>\n<p>Sida lagu sheegay bayaan uu faafiyey wakaaladda wararka Kuwait ee KUNA, labada dhinac ayaa heshiiskan cusub ku ballamay in la bixiyo deeq bani\u2019aadamnimo oo gaareysa $10 milyan oo doolar Mareykan ah.<\/p>\n<p>Labada dhinac midkiiba waxa uu bixin doonaa $5 milyan, Lacagtaasi waxay taageeraysaa hay\u2019adda UNICEF si loo sii wado bixinta adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka, nafaqeynta, biyaha, fayadhowrka iyo ilaalinta carruurta ee dalka Suudaan.<\/p>\n<p>Sidoo kale, labada dhinac ayaa bixin doona deeq dheeraad ah oo ah $5 milyan, midkiiba $2.5 milyan, taasoo lagu maalgelinayo mashruuc ay iska kaashanayaan oo lagu taageerayo shaqada Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wakiilka ku meel gaarka ah ee Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Kuwait, Walid Al-Bahar, ayaa sheegay in saxiixa heshiisyadan uu muujinayo sida sanduuqu uga go\u2019an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee la xiriira horumarinta, nabadda iyo gar-gaarka bani\u2019aadamnimo.<\/p>\n<p>Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in iskaashigan lala yeelanayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK uu horseedi doono isdhaafsiga khibradaha iyo mideynta dadaallada lagu taageerayo bulshooyinka ugu nugul ee ku sugan Sudan iyo Soomaaliya.<\/p>\n<p>Waxa uu sidoo kale tilmaamay in arrintani ay adkeynayso doorka hormuudnimo ee Kuwait ee gobolka iyo caalamkaba.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, Madaxa Xafiiska Gobolka ee ICRC ee wadamada Golaha Iskaashiga Khaliijka, Mamadou Sow, ayaa sheegay in iskaashiga u dhaxeeya Kuwait iyo UK uu yahay mid muujinaya ballanqaad mideysan oo bani\u2019aadamnimo.<\/p>\n<p>Wuxuu xusay in deeqdan aysan ahayn oo keliya taageero dhaqaale, balse ay tahay fariin cad oo muujinaysa garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la doonayo in la soo celiyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, kuwaasoo muddo dheer ku noolaa xaalado ba\u2019an oo saboolnimo.<\/p>\n<p>Labadan heshiis waxay qeyb ka yihiin is-afgarad hore oo labada dhinac ku gaareen bishii Febraayo 2020, kaasoo lagu aas-aasay qaab dhismeedka iskaashi ee lagu bixinayo gargaar bani\u2019aadamnimo si loo hagaajiyo xaaladda nololeed ee qaxootiga, dadka barakacay iyo bulshooyinka ay saameeyeen musiibooyinka dabiiciga ah iyo colaadaha, guud ahaan dunida.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee Kuwait ayaa laba heshiis oo iskaashi horumarineed ah la gashay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee UK, si gargaar degdeg ah oo bani\u2019aadamnimo loogu fidiyo dadka ay saameeyeen colaadaha ka taagan Jamhuuriyadaha Sudan iyo Soomaaliya. Sida lagu sheegay bayaan uu faafiyey wakaaladda wararka Kuwait ee KUNA, labada dhinac ayaa heshiiskan cusub ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":116071,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-116069","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/116069","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=116069"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/116069\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":116082,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/116069\/revisions\/116082"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/116071"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=116069"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=116069"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=116069"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}