{"id":115776,"date":"2025-06-24T21:58:14","date_gmt":"2025-06-24T18:58:14","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=115776"},"modified":"2025-06-24T23:11:48","modified_gmt":"2025-06-24T20:11:48","slug":"madaxweynaha-dalka-mareykanka-doland-trump-oo-ku-dhawaaqay-xabad-joojin-ka-dhaqan-gasha-bariga-dhexe","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/06\/madaxweynaha-dalka-mareykanka-doland-trump-oo-ku-dhawaaqay-xabad-joojin-ka-dhaqan-gasha-bariga-dhexe\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Dalka Mareykanka Doland Trump oo Ku Dhawaaqay Xabad Joojin Ka Dhaqan gasha Bariga Dhexe."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in xabad joojin rasmi ah la gaadhay, taasoo dhex martay dalalka Israa\u2019iil iyo Iran, kadib 12 maalmood oo dagaal xoogan ah oo gobolka Bariga Dhexe gilgilay socday. Trump ayaa sheegay in heshiiska xabad joojintu u dhici doono si tillaabo-tillaabo ah muddo 24 saacadood gudahood ah.<\/p>\n<p>Trump ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku yidhi:\u201cWaxay isku raaceen Israa&#8217;iil iyo Iran in ay xabad joojin buuxda gaadhaan qiyaastii 6 saacadood imika kadib.&#8221;<\/p>\n<p>Heshiiskan ayaa yimid kadib weerar gantaallo ah oo Iran ku qaaday saldhigga weyn ee ciidamada Mareykanka ee Al Udeid ee ku yaalla magaalada Doxa ee dalka Qatar. Iran ayaa sheegtay in weerarkani uu ahaa aargoosi ku wajahan duqeyntii Mareykanku uu Axaddii la beegsaday xarumaha nukliyeerka ee ku yaalla gudaha Iran ee Fordow, Natanz iyo Isfahan.<\/p>\n<p><b>Qatar Oo Ka Hadashay Weerarka Iran Ayaa ku Tilmaantay Xadgudub Ka Dhan ah Madaxbannaanideeda<\/b><\/p>\n<p>Dowladda Qatar ayaa cambaareysay weerarka Iran ku qaaday dhulkeeda, iyadoo ku tilmaantay inuu xadgudub ku yahay madax-bannaanideeda. Dowladda Qatar waxay sheegtay in ay &#8220;xaqq u leedahay in ay ka jawaabto&#8221; weerarka Iran, waxayna xaqiijisay in nidaamka difaaca cirka ee dalkeedu uu ku guuleystay in uu soo rido badanka gantaalada lasoo tuuray. Lama soo sheegin wax khasaare ah oo nafeed ama dhaawac ah.<\/p>\n<p>Saxafiga Dorsa Jabbari oo ka tirsan Al Jazeera ayaa sheegay in Qatar ay ahayd \u201cbadhtilmaameedka muuqda\u201d ee Iran, maadaama ay hoy u tahay saldhigga ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe. Iran ayaa sidoo kale weerartay saldhiga Maraykanka ee dalka Ciraaq.<\/p>\n<p><b>Waa Sidee Xaaladda Iran Iyo Israa\u2019iil Kadib Xabad Joojinta uu Trump ku Dhawaaqay?<\/b><\/p>\n<p>Kadib markii Trump uu ku dhawaaqay xabad joojinta dowlada Iran ayaa dhankeeda si dadban ugu dhawaaqday in ay xabada joojisay, &#8220;Hawlgalkii milateri ee ciidamadayada awooda badan waxay Israa&#8217;iil ku ciqaabeen gardaradeedii ilaa saacadii u danbaysay oo ah 4 subaxnimo&#8221; Wasiirka\u00a0 Arrimaha Dibadda Iran, Sayyed Cabas Araghchi, ayaa sida ku yidhi qoraal uu ku baahiyay bartiisa X.<\/p>\n<p>&#8220;Inaga oo isku duuban waxaynu u mahadcelinaynaa ciidamadeena geesiyaasha ah, ee u taagnaa in ay difaacaan dhulkeena qaaliga ah ilaa ay dhibicdooda dhiiga ah ee u danbaysa ay dhulka ku dhacayso, kuwaas oo ka jawaabay dagaalkasta oo uu cadawgu soo qaaday ilaa daqiiqadii u danbaysay.&#8221;<\/p>\n<p>Dhanka Israa&#8217;iil wali wax war ah oo rasmi ah kama soo bixin, taasoo keenaysa shaki ku saabsan sida uu heshiisku u dhaqan gali doono. Warbaahinta Iran, gaar ahaan wakaaladda Tasnim, ayaa sheegtay in isla xalay la maqlay dhowr qarax oo ka dhacay caasimadda Tehran iyo magaalada Karaj. Sidoo kale, laamaha ammaanka Iran ayaa hawlgaliyay nidaamka difaaca cirka, iyadoo warbixintu sheegtay in diyaarado dagaal oo Israa\u2019iili leedahay ay weerarro cusub\u00a0 ku qaadeen Iran.<\/p>\n<p>Warbaahinta gudaha Iran waxay sidoo kale sheegtay in qaar kamid ah diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Israa\u2019iil lagu soo riday hawada sare ee Tehran. Dhanka kale, Israa\u2019iil ayaa sii wadda duqeymo ay ka gaysanayso Qasa, iyadoo la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 43 qof oo ay ku jiraan 13 qof oo sugayay gargaar bini\u2019aadanimo, sida ay qortay Al Jazeera.<\/p>\n<p><b>Falcelinta Dalalka Gobolka ee Weerarka Iraan Ku Qaaday Saldhigayada Maraykanka<\/b><\/p>\n<p>Weerarka Iran ay ku qaaday saldhiggyada Mareykanka ee Qatar iyo Ciraaq ayaa si weyn looga falceliyay. Dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Soomaaliya, Baxrayn, Kuwayt, Cumaan, Qatar, Sacuudiga, Imaaraadka, Masar, Morocco, Urdun, Lubnaan, Turkiga, Yemen (dowladda rasmiga ah, ee aan ahayn Xuutiyiinta), iyo Falastiin (ma ahan Xamaas) ayaa si rasmi ah u cambaareeyay tallaabada Iran, iyagoo ugu yeedhay &#8220;mid halis ku ah xasilloonida gobolka&#8221;.<\/p>\n<p>Inkasta oo Trump uu sheegayo guul diblomaasiyadeed iyo dhammaad dagaal, haddana xaaladdu wali waa mid kacsan, iyadoo labada dhinac ee Isra\u2019iil iyo Iran aanay weli si rasmi ah u xaqiijin heshiiska xabad joojinta. Dadka ku dhaqan gobolka, gaar ahaan gudaha Iran iyo Israa\u2019iil, wali waxay wajahayaan cabsi iyo qalalaase, iyadoo xaaladdu u muuqato mid wali halis ah haddii heshiiska xabad joojinta aanu dhaqangal noqonin.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in xabad joojin rasmi ah la gaadhay, taasoo dhex martay dalalka Israa\u2019iil iyo Iran, kadib 12 maalmood oo dagaal xoogan ah oo gobolka Bariga Dhexe gilgilay socday. Trump ayaa sheegay in heshiiska xabad joojintu u dhici doono si tillaabo-tillaabo ah muddo 24 saacadood gudahood ah. Trump ayaa qoraal [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":115764,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-115776","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/115776","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=115776"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/115776\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":115796,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/115776\/revisions\/115796"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/115764"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=115776"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=115776"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=115776"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}