{"id":11565,"date":"2013-01-13T00:47:53","date_gmt":"2013-01-12T21:47:53","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=11565"},"modified":"2013-01-13T00:47:53","modified_gmt":"2013-01-12T21:47:53","slug":"faransiiska-oo-ceeb-iyo-guul-darro-kala-kulmey-hawl-gal-ay-ku-rabeen-in-ay-kusoo-furtaan-sarkaal-sadex-sano-laga-heystey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/01\/faransiiska-oo-ceeb-iyo-guul-darro-kala-kulmey-hawl-gal-ay-ku-rabeen-in-ay-kusoo-furtaan-sarkaal-sadex-sano-laga-heystey\/","title":{"rendered":"Faransiiska oo ceeb iyo guul darro kala kulmey hawl-gal ay ku rabeen in ay kusoo furtaan sarkaal sadex sano laga heystey!!"},"content":{"rendered":"<p>Ciidamada ay reer galbeedku ku sheegaan kumandaws aad u tababaran kana tirsan dawlada faransiiska ayaa abaarihii 08:00-09:00 habeenimo weerar ku qaadey degmada buul mareer ee dalka soomaaliya guri ku yaal,kaas oo ay kala kulmeen wax aysan filaneyn iyo iska caabin aad u culus.<\/p>\n<p>Dagaalka ayaa socdey mudo 45 daqiiqo ah kaas oo kala dhacey labo waqti oo isu dhaw,waxaana markii uu soo idlaadey ay sheegtey dawlada faransiisku in ay dagaalkaas ku guul dareysteen ayna ku waayeen hal askeri halna kaga dhintey iyagoo sheegey in nink\u00eci laga heystey denes alexes uu isna dhintey oo ay ragii heystey toogteen.<\/p>\n<p>Dhanka kale xarakada dagaalyahanada alshabaab ayaa sheegey in warka faransiisku been yahey,ayna hayaan ninki hore iyo mid kale oo ay dagaalka ku qabsadeen sidaas awgeedna ay 2maalmood gudahood go&#8217;aan uga gaarayaan raga hada gacanta ugu jira,iyagoo hada kahor shuruudo ad adag ku xirey sii daynta ninkan sadexda sano laga heystey,dad ku sugan meesha dagaalku ka dhacey ayaa xaqiijiyey in goobta la weerarey aysan aheyn halki lagu hayey sarkaalka faransiiska ah ayna ciidamada faransiisku dileen dad gaaraya ilaa 26 qof oo rayid ah ay burburiyeen 3 guri oo goobta ku wada yaaley.<\/p>\n<p>Maahan marki ugu horeysey oo ay faransiisku ku xadgudbaan hawada badda iyo ciida soomaaliya hada ka horna waxey weerareen dad reer guuraa ah degmada garacad ee gobolka mudug iyagoo ka watey rag ilaa lix nin ah kuwaas oo ay dhaheen waa burcad badeed lacag madax furasho ah laga siiyey doon dalxiis ah oo faransiiska laga leeyahey kadibna la sheegey in maxkamadi xukuntey laguna xirey faransiiska iyagoon cadaalad iyo qareen midna helin,ma jiro wax war ah oo kasoo baxey xukuumada waqtigan jirta ee uu saacid hugaamiyo waxeyna u egtahey in ay ceeb iyo waji gabax ku tahey in ay shacabka la hadasho ama ka shaafiso waxa dadka rayidka soomaaliya loo diley iyo waxa ay ka ogtaheyba.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ciidamada ay reer galbeedku ku sheegaan kumandaws aad u tababaran kana tirsan dawlada faransiiska ayaa abaarihii 08:00-09:00 habeenimo weerar ku qaadey degmada buul mareer ee dalka soomaaliya guri ku yaal,kaas oo ay kala kulmeen wax aysan filaneyn iyo iska caabin aad u culus. Dagaalka ayaa socdey mudo 45 daqiiqo ah kaas oo kala dhacey labo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-11565","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11565","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=11565"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11565\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11576,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11565\/revisions\/11576"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=11565"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=11565"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=11565"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}