{"id":115313,"date":"2025-06-02T23:41:27","date_gmt":"2025-06-02T20:41:27","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=115313"},"modified":"2025-06-03T00:49:47","modified_gmt":"2025-06-02T21:49:47","slug":"korarka-xawliga-ah-ee-argagixisada-daacish-ee-bariga-africa-oo-ciidamada-africom-ka-digeen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/06\/korarka-xawliga-ah-ee-argagixisada-daacish-ee-bariga-africa-oo-ciidamada-africom-ka-digeen\/","title":{"rendered":"Korarka Xawliga ah ee Argagixisada Daacish ee Africa oo Ciidamada AFRICOM Ka Digeen."},"content":{"rendered":"<p>Wargeyska Stars and Stripes ayaa qoray in walaaca sii kordhaya ee ku aaddan weerarrada kooxaha argagixisada gaar ahaan Daacish ee ka dhaca Galbeedka Afrika iyo xaaladda murugsan ee Soomaaliya ay sabab u noqdeen in Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) dib u eegto istaraatiijiyaddeeda Afrika.<\/p>\n<p>Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Janaraal Michael Langley, ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ee ka howlgala gobolka Saaxil ay si xawli ah u kordheen saddexdii sano ee la soo dhaafay. Wuxuu uga digay in haddii aan wax laga qaban kooxahan ay dhawaan heli karaan awood ay weerarro kaga fuliyaan gudaha Mareykanka.<\/p>\n<p>In kasta oo Janaraal Langley uusan si cad u sheegin in Mareykanku yareynayo tirada ciidamadiisa ku sugan Afrika, haddana wuxuu carrabka ku adkeeyay in mas\u2019uuliyadda sugidda amniga ay tahay mid ay tahay in ciidamada Afrikaanka ah si buuxda u qaataan.<\/p>\n<p>\u201cIstaraatiijiyaddeennu waxay ku dhisan tahay iskaashi. Waa yool wadaag ah oo lagu sugaayo amniga dalalkayaga iyo kuwa saaxiibadeenaba,\u201d ayuu yiri. \u201cWaa dhisidda awood waarta, ma aha ku tiirsanaan. Waa maalgashi lagu sameynayo awoodda Afrika ee xalinta dhibaatooyinka Afrika.\u201d<\/p>\n<p>Janaraal Langley, oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Mareykanka islamarkaana hoggaaminaya AFRICOM tan iyo 2022, ayaa tilmaamay in gobolka Saaxil uu hadda noqday \u201cxuddunta\u201d argagixisada Afrika. Wuxuu sheegay in kooxaha Al-Qaacida iyo Daacish ay si firfircoon uga howlgalaan dalalka Burkina Faso, Mali, Niger, iyo Nigeria.<\/p>\n<p>\u201cMid ka mid ah yoolalka cusub ee kooxaha argagixisadu waa inay helaan marin xeebeed oo ay uga gudbaan Galbeedka Afrika,\u201d ayuu yiri Langley, isagoo la hadlayay weriyeyaasha.<\/p>\n<p>Sidoo kale wuxuu sheegay in xaaladdan ay si weyn u kordhin karto halista ah in weerarro lagu qaado xeebaha Mareykanka.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan luminay awooddii aan si dhow ula socon jirnay dhaqdhaqaaqyada kooxaha argagixisada,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>Jimcihii la soo dhaafay, Janaraal Langley wuxuu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay taliyayaal ciidan oo Afrikaan ah, shir looga hadlayay xaaladda amni ee qaaradda Afrika.<\/p>\n<p>Isagoo ka hadlayay arrimaha Soomaaliya, Langley wuxuu sheegay in AFRICOM ay laba jibbaartay weerarrada cirka ah ee ay halkaas ka fuliso sanadkan. Wuxuu xusay in in ka badan 25 weerar la qaaday, taasoo ka badan tiradii sanadkii hore oo dhan.<\/p>\n<p>Si kastaba, wuxuu hoosta ka xariiqay in guusha waarta aysan ku imaan karin keliya awood ciidan, balse loo baahan yahay istaraatiijiyad ballaaran oo wax ka qabata sababaha salka u ah xasillooni darrada.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wargeyska Stars and Stripes ayaa qoray in walaaca sii kordhaya ee ku aaddan weerarrada kooxaha argagixisada gaar ahaan Daacish ee ka dhaca Galbeedka Afrika iyo xaaladda murugsan ee Soomaaliya ay sabab u noqdeen in Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) dib u eegto istaraatiijiyaddeeda Afrika. Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Janaraal Michael Langley, ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":115314,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-115313","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/115313","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=115313"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/115313\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":115340,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/115313\/revisions\/115340"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/115314"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=115313"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=115313"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=115313"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}