{"id":11486,"date":"2013-01-08T20:15:40","date_gmt":"2013-01-08T17:15:40","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=11486"},"modified":"2013-01-09T02:41:07","modified_gmt":"2013-01-08T23:41:07","slug":"ceydiid-ilka-xanaf-oo-lagu-eedeyey-inuu-musuq-maasuq-ku-sii-daayey-gacan-ku-dhiiglayaal","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2013\/01\/ceydiid-ilka-xanaf-oo-lagu-eedeyey-inuu-musuq-maasuq-ku-sii-daayey-gacan-ku-dhiiglayaal\/","title":{"rendered":"Ceydiid Ilka Xanaf Oo Lagu Eedeyey Inuu Si Musuq Maasuq Ah Ku Sii Daayey Maxaabiis Gacan Ku Dhiiglayaal."},"content":{"rendered":"<p>Bishii November Ee Sanadkii 2011 ayey ahayd markii laba kamid ah shaqaalaha Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF lagudiley magaalada Muqdisho Xarun Ay Ku Lahayeen.<\/p>\n<p>Ninka dilka geystey ayaa ahaa askeri u shaqeynayey hay\u2019adaas oo shaqada laga cayriyey kaas oo maalin kadib ku diley laba kamid ah shaqaalaha kadib markii uu si xoog ah ku soo galay dhismaha ay ku jireen, waxaana boolisku kuguuleysteen in ay soo xiraan.<\/p>\n<p>Horey Ayaa Waxaa xabsiga looga sii daayey ninkii dilka geystey, sidoo kale waxaa jirtey in xubno muhimah oo ka tirsan xarakada al-Shabaab iyagana xabsiga laga sii daayey kadib markii saraakiil ka tirsan nabad sugida iyo maxkamadda sare ay qaateen laaluush.<\/p>\n<p>Dhawaan ayaa xabsiga la dhigey qaar ka mid ah saarkiishii ka danbeysey si dayntaas, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen saddex Garyaqaan oo u shaqeynaayey maxkmadda Sare Ee Gobolka Banaadir.<\/p>\n<p>Caydiid Ilkaxanaf Gudoomiyaha Maxkamada Sare ayaa la sheegay in isagu uu yahay ninka saxiixay warqadda saraakiishan lagu sii daayey taas oo lagu tilmaamey in ay ahayd sharci darro isla markaana Guddoomiyaha lagu bilaabey baaritaan.<\/p>\n<p>Philippe Havet iyo Andrias Karel oo lagu diley magaalada Muqdisho ayaa u kala dhashey dalalka Biljimka iyo Indonusia, waxaana ay ka mid ahaayeen shaqaalaha MSF Holand Ee Ka Howlgala Magaalada Muqdisho.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Bishii November Ee Sanadkii 2011 ayey ahayd markii laba kamid ah shaqaalaha Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF lagudiley magaalada Muqdisho Xarun Ay Ku Lahayeen. Ninka dilka geystey ayaa ahaa askeri u shaqeynayey hay\u2019adaas oo shaqada laga cayriyey kaas oo maalin kadib ku diley laba kamid ah shaqaalaha kadib markii uu si xoog ah ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-11486","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11486","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=11486"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11486\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":11503,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/11486\/revisions\/11503"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=11486"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=11486"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=11486"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}