{"id":114597,"date":"2025-05-08T00:21:05","date_gmt":"2025-05-07T21:21:05","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=114597"},"modified":"2025-05-08T02:48:22","modified_gmt":"2025-05-07T23:48:22","slug":"dalka-india-oo-weeraro-cirka-ah-ku-qaaday-dalka-muranka-dhuleed-kala-dhaxeeyo-ee-pakistan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/05\/dalka-india-oo-weeraro-cirka-ah-ku-qaaday-dalka-muranka-dhuleed-kala-dhaxeeyo-ee-pakistan\/","title":{"rendered":"Dalka India oo Weeraro Cirka ah Ku Qaaday Dalka Muranka Dhuleed kala Dhaxeeyo ee Pakistan."},"content":{"rendered":"<p>Ugu yaraan 8 qof ayaa ku naf waayay, 35 kalena way ku dhaawacmeen kaddib weerarro cirka ah oo ay Hindiya xalay ka fulisay gudaha Pakistan.<\/p>\n<p>Hindiya ayaa sheegtay in weerarradan lagu beegsaday xeryo argagixiso oo ay sheegtay inay ku yaallaan gudaha Pakistan. Weerarradan ayaa yimid kaddib markii ay Hindiya ku eedaysay Pakistan inay ku lug lahayd weerar ay dablay hubaysan 22-kii Abriil ku dishay 26 dalxiise oo ku sugnaa Kashmirta ay Hindiya maamusho, taas oo sababtay in xiisadda labada dal cirka isku shareerto.<\/p>\n<p>&#8220;Kadib markii aan helnay xog sheegaysa in kooxo argagixiso ah oo deggan Pakistan ay ku lug lahaayeen weerarkii argagixiso ee bishii hore lagu qaaday goob dalxiis oo ku taalla Kashmir, waxaanu qaadnay tallaabo qorshaysan oo lagu beegsaday xeryo argagixiso oo la yaqaan,&#8221; ayuu yidhi militariga Hindiya.<\/p>\n<p>Dowladda Pakistan ayaa weerarrada Hindiya ku tilmaantay dagaal qaawan oo aan marnaba loo qiil dayi karin, kaasi oo ay sheegtay in Hindiya ku xadgudubtay madaxbannaanideeda. Waxay ballanqaadday inay ka jawaabi doonto weerarradaas wakhtigeeda, isla markaana ay xulan doonto goobo ay iyadu weerarro ku qaaddo.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Pakistan ayaa sheegtay inay soo ridday ilaa 5 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay leedahay Hindiya, kuwaas oo kala ahaa saddex diyaaradood oo Rafale ah, hal MiG-29 ah iyo hal SU-30 ah, kuwaas oo la beegsaday intii uu socday weerarka ay Hindiya ku qaaday gudaha Pakistan.<\/p>\n<p>Tan iyo markii uu dhacay weerarkii argagixiso ee lagu laayay dalxiisayaasha, waxa sii xoogeystay cadaawadda u dhexeysa labada dal, iyadoo kooxaha xagjirka Hinduuga ah ee taageera xisbiga talada haya ee Hindiya ay ku baaqayeen in Delhi ay si adag uga jawaabto weerarkaas.<\/p>\n<p>Ciidamada Hindiya iyo Pakistan ee ku sugan xuduudda ayaa sidoo kale Arbacadii isweydaarsaday tacshiirad kahor inta aanu dhicin weerarka ay Hindiya xalay ku qaaday guddaha Pakistan.<\/p>\n<p>Ugu yaraan afar dagaal oo waaweyn ayaa dhexmaray Hindiya iyo Pakistan tan iyo markii ay xornimada ka qaateen Boqortooyadii Ingiriiska sannadihii 1947, 1965, 1971, iyo 1999. Colaadooda ayaa salka ku haysa maamulka gobolka Kashmir oo qayb ka mid ah ay Hindiya gacanta ku hayso, qaybna Pakistan.<\/p>\n<p>Hindiya oo ah waddan ay dadka Hinduuga ahi ku badan yihiin ayaa mar walba ku eedeysa Pakistan oo ah dal Muslim ah, inay taageerto kooxo argagixiso ah oo kasoo horjeeda midnimada Hindiya. Delhi ayaa dhowr jeer hore ugu eedaysay Islamabad inay lug ku leedahay weerarro ka dhacay gudaha Hindiya.<\/p>\n<p>Labada waddan oo hal dal ahaan jiray ka hor intii aanu Ingiriisku kala qaybin sannadkii 1947, ayaa waxa sidoo kale ka dhexeeya tartan hubka nukliyeerka ah, iyadoo labada dhinacba ay haystaan hubkan wax gumaada ee halista ah.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ugu yaraan 8 qof ayaa ku naf waayay, 35 kalena way ku dhaawacmeen kaddib weerarro cirka ah oo ay Hindiya xalay ka fulisay gudaha Pakistan. Hindiya ayaa sheegtay in weerarradan lagu beegsaday xeryo argagixiso oo ay sheegtay inay ku yaallaan gudaha Pakistan. Weerarradan ayaa yimid kaddib markii ay Hindiya ku eedaysay Pakistan inay ku lug [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":114598,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-114597","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114597","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=114597"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114597\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":114617,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114597\/revisions\/114617"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/114598"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=114597"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=114597"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=114597"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}