{"id":114494,"date":"2025-05-02T23:59:35","date_gmt":"2025-05-02T20:59:35","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=114494"},"modified":"2025-05-03T02:09:42","modified_gmt":"2025-05-02T23:09:42","slug":"maamulka-somaliland-oo-si-kulul-u-cambaareysay-xayiraada-soomaaliya-kusoo-rogtay-basaboorka-taiwan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/05\/maamulka-somaliland-oo-si-kulul-u-cambaareysay-xayiraada-soomaaliya-kusoo-rogtay-basaboorka-taiwan\/","title":{"rendered":"Maamulka Somaliland oo Si Kulul u Cambaareysay Xayiraada Soomaaliya kusoo Rogtay Basaboorka Taiwan."},"content":{"rendered":"<p>Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay tallaabada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku mamnuucday in dal-ku-gal lagu bixiyo baasaboorka Taiwan, xilli uu sii xoogaysanayo xidhiidhka u dhexeeya Muqdisho iyo Beijing.<\/p>\n<p>Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay kasoo horjeedo xayiraadda baasaboorka, iyo in dowladda Soomaaliya ay wax awood ah ku leedahay maamulka hawada Somaliland.<\/p>\n<p>\u201cWasaaradda Arrimaha Dibaddu waxay si adag uga soo horjeeddaa qoraalkii ay dowladda Soomaaliya ku mamnuucday baasaboorka Taiwan 22-kii Abriil 2025, isla markaana si aan sharci ahayn ugu sheegatay maamulka hawada Somaliland,\u201d ayaa lagu yidhi qoraalka.<\/p>\n<p>Somaliland waxay sheegtay in xayiraadda baasaboorka Taiwan ay khatar ku tahay nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka. Waxay sidoo kale sheegtay in ay iyadu si buuxda u maamusho hawadeeda, isla markaana Soomaaliya aysan ku lahayn awood sharci iyo mid maamul toona gudaha Somaliland.<\/p>\n<p>\u201cXidhiidhada laba geesoodka ah ee ay Somaliland la leedahay dalalka sida Jamhuuriyadda Shiinaha (Taiwan), waxay ku salaysan yihiin is-ixtiraam, waxaana lagu dhaqaa xeerarka caalamiga ah. Isku day kasta oo lagu khalkhalgelinayo ama lagu diiddan yahay dookha siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland lama aqbali karo.\u201d<\/p>\n<p>Dowladda Taiwan oo dhankeeda ka hadashay xayiraadda Soomaaliya ay saartay dadka sita baasaboorkeeda, ayaa tallaabadaas ku tilmaantay mid uu Shiinuhu ku qasbay Soomaaliya. Waxay sidoo kale xayiraad kusoo rogtay dadka sita baasaboorka Soomaaliya, iyadoo ka mamnuucday safarka dhulkeeda.<\/p>\n<p>Shiinaha ayaa isagu soo dhaweeyay xayiraadda ay Soomaaliya saartay baasaboorka Taiwan, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muujinaysa u hoggaansanaanta Soomaaliya ee siyaasadda midnimada Shiinaha.<\/p>\n<p>Xidhiidhka u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sii xoogaysanaya maalinba maalinta ka dambaysa, waxayna labadoodu ku mideysan yihiin in la joojiyo xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland, iyagoo u arka mid khatar ku ah madaxbannaanidooda.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay tallaabada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku mamnuucday in dal-ku-gal lagu bixiyo baasaboorka Taiwan, xilli uu sii xoogaysanayo xidhiidhka u dhexeeya Muqdisho iyo Beijing. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay kasoo horjeedo xayiraadda baasaboorka, iyo in dowladda Soomaaliya ay wax awood ah ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":114496,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-114494","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114494","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=114494"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114494\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":114513,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114494\/revisions\/114513"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/114496"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=114494"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=114494"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=114494"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}