{"id":114167,"date":"2025-04-21T01:44:45","date_gmt":"2025-04-20T22:44:45","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=114167"},"modified":"2025-04-21T01:56:57","modified_gmt":"2025-04-20T22:56:57","slug":"caruur-dhagoole-ahaa-oo-wasaaradda-caafimaadka-soomaaliya-alle-mahadi-soo-dhaweysay-in-ay-maqalkoodi-dib-u-heleen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/04\/caruur-dhagoole-ahaa-oo-wasaaradda-caafimaadka-soomaaliya-alle-mahadi-soo-dhaweysay-in-ay-maqalkoodi-dib-u-heleen\/","title":{"rendered":"Caruur Dhagoole ahaa oo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Alle Mahadi Soo Dhaweysay in ay Maqalkoodi dib u heleen."},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam iyo mas&#8217;uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda ayaa Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho kusoo Dhaweeyay 15 Carruur Soomaaliyeed oo ku dhashey maqal la&#8217;aan ku waasoo dib loogu habeeyey maqalkooda ka dib qaliimo guuleystey oo lagu sameeyey.<\/p>\n<p>Carruurtan, oo da\u2019doodu u dhaxeyso 3 ilaa 6 sano jir, ayaa qaliin Caafimaad loogu sameeyey dalka dibadiisa, taasoo kutimid ka dib dadaal dheer ah oo ay bixisey Wasaaradda Caafimaadka oo garabsaneysa Hey&#8217;adda King Salmaan oo kaalin mug leh ka qaadatey qabsoomidda howshan heerka Qaran ah.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Aden ayaa arrintan ku tilmaamey natiijo horudhac u ah tallaabooyin kale oo fursado Caafimaad lagu siinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u baahan daryeelka Caafimaadka, Wasiirka ayaana u mahadceliyey Hey&#8217;adda King Salmaan door muhiim ah ka qaadatey howshan.<\/p>\n<p>Waxa uu sidoo kale Wasiirka sheegay in canug waliba oo qaliinkaan lagu sameeyay ay ku baxday Kharash dhan $25,000 waxaana uu ku tilmaamay fursad muhiim u ah waalidiinta Soomaaliyeed ee ilmahoodi dhagoolnimada la nool inay isbitaalada geeyaan si loogu diinwaageliyo hadii fursadahaan oo kale yimaadan.<\/p>\n<p>Wasaaradda Caafimaadka ayaa dhowaanahaanba ku howlaneed xal u helidda baahiyaha bulshada gaar ahaan kuwa aadka u nugul sida Caruurta Haweenka iyo waayeelka si loo xaqiijiyo yoolka guud ee Wasaaradda kaasoo ah Caafimaad dhameystiran oo laga heli karo goobkasta iyo goorkasta dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam iyo mas&#8217;uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda ayaa Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho kusoo Dhaweeyay 15 Carruur Soomaaliyeed oo ku dhashey maqal la&#8217;aan ku waasoo dib loogu habeeyey maqalkooda ka dib qaliimo guuleystey oo lagu sameeyey. Carruurtan, oo da\u2019doodu u dhaxeyso 3 ilaa 6 sano jir, ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":114169,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-114167","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114167","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=114167"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114167\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":114168,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114167\/revisions\/114168"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/114169"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=114167"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=114167"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=114167"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}