{"id":114017,"date":"2025-04-15T00:38:20","date_gmt":"2025-04-14T21:38:20","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=114017"},"modified":"2025-04-15T01:16:07","modified_gmt":"2025-04-14T22:16:07","slug":"maxaabiis-ka-soo-jeeda-somaliland-ee-ku-xiran-magaalada-laascaanood-ee-xarunta-ssc-khaatumo-oo-la-filayo-in-la-siidaayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/04\/maxaabiis-ka-soo-jeeda-somaliland-ee-ku-xiran-magaalada-laascaanood-ee-xarunta-ssc-khaatumo-oo-la-filayo-in-la-siidaayo\/","title":{"rendered":"Maxaabiis Ka Soo Jeeda Somaliland ee ku Xiran Magaalada Laascaanood ee Xarunta SSC-Khaatumo oo La Filayo in La Siidaayo."},"content":{"rendered":"<p>Waxaa jira warar sheegaya in ay suuragal tahay in qayb kamid ah maxaabiista Somaliland ee ku xidhan magaalada Laascaanood la sii daayo, kadib socdaalkii uu Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ku tagay magaaladaasi.<\/p>\n<p>In kasta oo maamulka SSC-Khaatumo aanu si rasmi ah u caddayn jiritaanka warkan, hadana Xildhibaan Axmed Keyse oo ka tirsan Baarlamaanka SSC-Khaatumo ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook kaga hadlay suuragalnimada tallaabadan.<\/p>\n<p>\u201cRaysal Wasaare Seyid Xamse waa masuul qaran, oo SSC-Khaatumo ku metela awood qaybsiga Dowladda Federaalka. Waa naga mudan yahay in lagu sharfo sii daynta qayb kamid ah maxaabiista,\u201d ayuu yidhi xildhibaanku.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye, ayaa sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay inuu nabad shuruud la\u2019aan ah la yeesho Somaliland, isaga oo Dowladda Federaalka ka codsaday in ay dhexdhexaadiso maamulkiisa iyo Somaliland. Hadalkan ayaa muujinaya suuragalnimada in SSC-Khaatumo ogolaatay in ay sii deyso maxaabiis hor dhac ah.<\/p>\n<p>\u201cLaga soo bilaabo 25-kii August 2023-kii, waxaanu ku baaqnay nabad, welina waan ku taagan nahay. Nabad aanay shuruud ku xidhnayn ayaan diyaar u nahay. Laakiin aqbali mayno nabad wax u dhimaysa doonistayada. Dowladda Federaalka hana dhexdhexaadiso,\u201d ayuu yidhi Firdhiye.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hadal uu ka jeediyay madal uu kaga qaybgalay dalka Turkiga ku sheegay in Raysal Wasaare Xamse uu Laascaanood u joogo sidii uu xal ugu heli lahaa xiisadda u dhaxaysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo, isaga oo sheegay in labada dhinac weli kala haystaan maxaabiis.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, uma badna in Somaliland aqbasho dhexdhexaadin ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dhex samayso Somaliland iyo SSC-Khaatumo, maadaama oo anay xidhiidh wanaagsan la lahayn Somaliland isla markaana Xukuumadda Somaliland ayaa si weyn uga cadhootay socdaalkii Raysal Wasaaruhu ku tagay Laascaanood, iyada oo ku tilmaantay xadgudub.<\/p>\n<p>Somaliland waxay xiisadda Laascaanood u aragtaa mid gudaha ah oo u baahan in si nidaam gudeed ah loo xalliyo, iyada oo ay wada hadlayaan dadka deegaanka Sool iyo waxgaradka Somaliland. Arrintan ayaana caqabad ku noqonaysa suuragalnimada in Dowladda Federaalku ay labada dhinac dhexdhexaadiso.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa jira warar sheegaya in ay suuragal tahay in qayb kamid ah maxaabiista Somaliland ee ku xidhan magaalada Laascaanood la sii daayo, kadib socdaalkii uu Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ku tagay magaaladaasi. In kasta oo maamulka SSC-Khaatumo aanu si rasmi ah u caddayn jiritaanka warkan, hadana Xildhibaan Axmed Keyse oo ka tirsan Baarlamaanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":114018,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-114017","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114017","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=114017"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114017\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":114037,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/114017\/revisions\/114037"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/114018"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=114017"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=114017"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=114017"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}