{"id":113999,"date":"2025-04-14T23:43:34","date_gmt":"2025-04-14T20:43:34","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=113999"},"modified":"2025-04-15T01:09:12","modified_gmt":"2025-04-14T22:09:12","slug":"isticmaalka-dekedo-muhiim-ah-oo-soomaaliya-u-soo-bandhigtay-dawladda-mareykanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/04\/isticmaalka-dekedo-muhiim-ah-oo-soomaaliya-u-soo-bandhigtay-dawladda-mareykanka\/","title":{"rendered":"Isticmaalka Dekedo Muhiim ah oo Soomaaliya u soo Bandhigtay Dawladda Mareykanka."},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maraykanka u soo bandhigtay in uu la wareego maamulka dekedaha Berbera, Muqdisho iyo Kismaayo, xilli ay dadaal ugu jirto sidii ay u hor istaagi lahayd aqoonsiga Somaliland.<\/p>\n<p>Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar &#8216;Cali Balcad&#8217;, oo lagu wareystay barnaamijka One on One ee ka baxa warbaahinta TRT World, ayaa xaqiijiyay in ay Maraykanka u soo bandhigeen isticmaalka dekedahan.<\/p>\n<p>Sida uu sheegay Wasiir Cali Balcad, dowladda Soomaaliya waxay Maraykanka ka codsatay in dib loo cusbooneysiiyo heshiis ay Soomaaliya iyo Maraykanku gaadheen 1980-meeyadii, kaas oo u ogolaanayay Washington in ay isticmaasho dekedahan iyo garoonka milatariga ee magaalada Berbera.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan hadda ka codsanay Maraykanka in la cusboonaysiiyo heshiiskaas ku saabsan isticmaalka saddexda dekadood, haddii ay kuwo kale u baahdaan, way isticmaali karaan. Waa xeelad aan ku doonayno in aan ugu dhowaanno Maraykanka, sababtoo ah Maraykanku waa u muhiim dagaalka aan kula jirno Al-Shabaab, taageeradiisana aad ayaan ugu baahannahay, hadda na wuu na taageeraa,\u201d ayuu yidhi Cali Balcad.<\/p>\n<p>Warbaahinta Maraykanka ayaa dhowaan baahisay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu warqad u diray Madaxweyne Donald Trump, taas oo uu kaga codsaday in Washington ay la wareegto maamulka dekedaha iyo garoomada Berbera iyo Boosaaso, beddelkeedana aysan aanu aqoonsan Somaliland<\/p>\n<p>Hase yeeshee marka laga yimaado yaboohda dowladda Soomaaliya ay u samaysay Maraykanka, gacanta kuma hayso maamulka dekedaha Berbera iyo Kismaayo ee uu Wasiir Cali Balcad xusay. Berbera waxay ku taallaa Somaliland oo 34 sano ka hor sheegtay inay ka go\u2019day Soomaaliya, halka Kismaayo ay ku taallo Jubbaland, oo aan xidhiidh wanaagsan la lahayn dowladda dhexe.<\/p>\n<p>Dowladda Maraykanka weli kamay jawaabin codsiga Soomaaliya, waxaana J. Peter Pham, oo ahaa ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa arrimaha Afrika, isla markaana ka mid ah dadka aadka ugu dhow Trump, uu sheegay in Soomaaliya ay ku yaboohday dekedo ayna maamulin, taas oo uu ku tilmaamay arrin yasitaan ku ah caqliga dadka Maraykanka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi &#8216;Cirro&#8217;, oo wareysi siiyay The New York Times, ayaa Trump ku tilmaamay nin lala xaajoon karo oo leh maskax ganacsi, isaga oo sheegay in dib u doorashada Trump ay tahay fursaddii ugu weynayd ee Somaliland soo marta. Hadalkan ayaa loo fasirtay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay Maraykanka siiso saldhig ciidan si ay uga hesho aqoonsi rasmi ah.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maraykanka u soo bandhigtay in uu la wareego maamulka dekedaha Berbera, Muqdisho iyo Kismaayo, xilli ay dadaal ugu jirto sidii ay u hor istaagi lahayd aqoonsiga Somaliland. Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar &#8216;Cali Balcad&#8217;, oo lagu wareystay barnaamijka One on One ee ka baxa warbaahinta TRT World, ayaa xaqiijiyay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":114000,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-113999","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113999","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=113999"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113999\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":114030,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113999\/revisions\/114030"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/114000"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=113999"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=113999"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=113999"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}