{"id":113738,"date":"2025-04-04T23:05:36","date_gmt":"2025-04-04T20:05:36","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=113738"},"modified":"2025-04-05T01:40:03","modified_gmt":"2025-04-04T22:40:03","slug":"samafale-cabdimaalik-coldoon-oo-shaley-khamiistii-markale-lagu-xiray-magaalada-berbera","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/04\/samafale-cabdimaalik-coldoon-oo-shaley-khamiistii-markale-lagu-xiray-magaalada-berbera\/","title":{"rendered":"Samafale Cabdimaalik Coldoon oo Shaley Khamiistii Markale Lagu Xiray Magaalada Berbera."},"content":{"rendered":"<p>Mar kale, waxa shalay oo Khamiis ahayd lagu xidhay magaalada Berbera Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo ah shaqsi ka shaqeeya arrimaha samafalka ee Somaliland, inkasta oo aan si cad loo shaacin waxa lagu haysto.<\/p>\n<p>Cabdimaalik ayaa 22-kii Maarso ka baxsaday magaalada Burco oo uu deggen yahay, kadib markii uu sheegay inuu helay war sheegaya in la doonayo in la xidh xidhayo isaga oo muddo dhowr maalmood ah ku sugnaa deegaanka Bohol. Bulshada iyo qoyskiisa ayaa ka codsaday inuu dib ugu soo laabto Burco, iyaga oo u sheegay inaan la xidhaynin balse uu iska shakiyay uun.<\/p>\n<p>&#8220;Cabdimaalik Muuse Coldoon, walaal wax dhiba ma jiraan ee dadkaaga dhinac ka raac markaad wax dhaliilayso si asluub leh u dhaliil,&#8221; ayuu kula taliyay, Cabdiraxmaan Muuse Coldoon, oo ay walaalo yihiin. \u201cXafiiska Cabdiraxmaan Cirro wuu kuu furan yahay. Wixii aad qoonsato waad ula tegi kartaa. Waa nin wanaagsan oo deggan, dadka dhegeysta.&#8221;<\/p>\n<p>Intaa kadib, Cabdimaalik wuxuu kusoo laabtay magaalada Burco, hase yeeshee shalay ayaa lagu xidhay magaalada Berbera kadib safar uu kaga yimid Burco. Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin sababta loo xidhay, hadana waxaa jiray warar sheegaya in sababtu ahayd faallo uu ka bixiyay warbixin ay Al Jazeera Carabi baahisay oo sheegaysay in Somaliland ay qaadanayso qaxootiga reer Qasa.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan kasoo jeedaa Soomaaliya, wasiirkana nama matalo. Wuxuu matalaa dowlad calooshood u shaqeystayaal ah, reer Falastiin waa walaalaheen, dadka Gaza-na waxay sii ahaan doonaan kuwo sabir iyo adkaysi ku jooga dhulkooda,\u201d ayuu Coldoon ku yidhi faalada laga shaki qabo in xukuumadu ku qoonsatay.<\/p>\n<p>Inkasta oo aanay laamaha amnigu si rasmi ah u sheegin waxa loo haysto Coldoon, xisbiga Waddani ee hadda talada haya ayaa horay marar badan uga hadlay dhowr jeer oo Coldoon la xidhay xiligii xukuumaddii hore ee Biixi, iyagoo xadhigiisa ku tilmaamay sharci darro, islamarkaana si adag u garab istaagay. Waxay sheegeen in xadhigiisu yahay mid ka hor imaanaya xorriyadda hadalka ee uu qaanuunku damaanad qaaday.<\/p>\n<p>\u201cCabdimaalik waxa lagu haystaa arragtidiisa iyo xorriyadda hadalka ee uu cabiray, taasoo uu xaq u leeyahay muwaadinku. Dastuurkuna wuxuu xaq u siinayaa in uu wax dhaliilo ama taageero. Xadhigiisu waa sharci darro, waxaanu ugu baaqaynaa cidda qafaalatay in ay siidayso,\u201d ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladda, Yoonis Axmed Yoonis, oo ahaa Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga Waddani, laba sano kahor mark la xidhay Coldoon.<\/p>\n<p>Cabdimaalik waxa hore loogu xidhay eedo la xidhiidha magac-dil iyo faafin been abuur ah oo la sheegay inuu u geystay Iskuulka Abaarso iyo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Eedahaas oo marna lagu xukumay marna lagu waayay.<\/p>\n<p>Colaadda ka dhaxaysa Coldoon iyo xukuumada Somaliland ayaa bilaabantay sannadkii 2017, xilligaa oo uu taageero u muujiyay madaxweynihii Soomaaliya ee la doortay, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, isagoo markaa ahaa saxafi.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Mar kale, waxa shalay oo Khamiis ahayd lagu xidhay magaalada Berbera Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo ah shaqsi ka shaqeeya arrimaha samafalka ee Somaliland, inkasta oo aan si cad loo shaacin waxa lagu haysto. Cabdimaalik ayaa 22-kii Maarso ka baxsaday magaalada Burco oo uu deggen yahay, kadib markii uu sheegay inuu helay war sheegaya in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":113741,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-113738","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113738","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=113738"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113738\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":113766,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113738\/revisions\/113766"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/113741"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=113738"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=113738"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=113738"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}