{"id":113053,"date":"2025-03-10T01:14:25","date_gmt":"2025-03-09T22:14:25","guid":{"rendered":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=113053"},"modified":"2025-03-10T02:29:41","modified_gmt":"2025-03-09T23:29:41","slug":"wasiirka-awqaafta-iyo-arrimaha-islaamka-sheekh-muqtaar-roobow-oo-sheegay-in-muqdisho-noqoneyn-kaabuul-iyo-dimishiq-al-shabaabna-aysan-qabsan-karin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2025\/03\/wasiirka-awqaafta-iyo-arrimaha-islaamka-sheekh-muqtaar-roobow-oo-sheegay-in-muqdisho-noqoneyn-kaabuul-iyo-dimishiq-al-shabaabna-aysan-qabsan-karin\/","title":{"rendered":"Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Sheekh Muqtaar Roobow oo Sheegay in Muqdisho Noqoneyn Kaabuul iyo Dimishiq Al-shabaabna aysan Qabsan karin."},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta si kulul uga hadlay howlgalada dalka looga ciribtirayo kooxda\u00a0 Al-shabaab.<\/p>\n<p>Wasiirka oo shir jaraa\u2019id u qabtay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn si adag u sheegay in kooxda Al-shabaab awoodeeda aysan aheyn sidii hore, islamarkaana aysan laheyn awood ay ku qabsan karto magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiir Rooboow inaan kooxda Al-shabaab lala barbar dhigi karin kooxda qabsatay dalka Siiriya ee uu hoggaamiyo Axmed Sharaac.<\/p>\n<p>\u201cMuqdisho Kaabuul maaha, Dimishiqna maahan, Axmed kiinana ee Axmed Diiriye, ma ahan Axmed Sharaac oo kale, qof aan ogoleyn cidna inuu la tacaamulo dal ma xukumi karo, taas ayaga u sheegayaa, kaliya waxay u baahan tahay Khawaariijta\u00a0 in la midoobo iyo in la iska dhiciyo kaliya\u201d ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Mukhtaar Rooboow Cali.<\/p>\n<p>Wasiir Rooboow ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda iyo Culimada oo isku duuban ay garab taagan yihiin ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jiro ciribtirka Al-shabaab.<\/p>\n<p>\u201cAniga idinla hadlaya gabar walaalkey qabo ayay bishii Shacbaan afduubteen, waxay nuujineysay cunug 5 bilood jira oo ay cidlo uga tageen, inay arxan laawayaal yihiin, taas ayaa cadeyneysa, waxaan leeyahay arxan laawayaasha Alle ka cabsada ee ka towbad keena waxa aad ku jirtaan&#8221; ayuu yiri Wasiir Mukhtaar Rooboow.<\/p>\n<p>Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed shirka jaraa&#8217;id ka hadashay ayaa\u00a0 dhankiisa sheegay in mooqifka culimada ee dagaalka Al-shabaab inuu yahay in loo istaago dowlad iyo shacaba sidii dalka looga xoreeyn lahaa kooxda oo ka been sheegtay Diinta iyo dhaqanka suuban ee Islaamka.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta iyo Culimada kale shirka jaraa\u2019id la qabtay ayaa bogaadiyay guulaha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ka gaareen dagaalka dalka looga xureynaayo Al-shabaab.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta si kulul uga hadlay howlgalada dalka looga ciribtirayo kooxda\u00a0 Al-shabaab. Wasiirka oo shir jaraa\u2019id u qabtay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn si adag u sheegay in kooxda Al-shabaab awoodeeda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":113054,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-113053","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113053","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=113053"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113053\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":113061,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/113053\/revisions\/113061"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/113054"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=113053"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=113053"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=113053"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}