{"id":110944,"date":"2024-12-27T22:47:35","date_gmt":"2024-12-27T19:47:35","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=110944"},"modified":"2024-12-28T00:56:25","modified_gmt":"2024-12-27T21:56:25","slug":"weerarkii-ceel-baraf-ee-lagu-laayey-askarta-ciidanka-qaranka-ka-tirsanaa-oo-xildhibaano-barlamaan-ka-hadleen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2024\/12\/weerarkii-ceel-baraf-ee-lagu-laayey-askarta-ciidanka-qaranka-ka-tirsanaa-oo-xildhibaano-barlamaan-ka-hadleen\/","title":{"rendered":"Weerarkii Ceel-baraf ee Lagu Laayey Askarta Ciidanka Qaranka ka Tirsanaa oo Xildhibaano Barlamaan Ka Hadleen."},"content":{"rendered":"<div align=\"justify\">\n<p>Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan ayaa si adag uga hadlay falkii Shalay ka dhacay deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee lagu dilay Askar ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka.<\/p>\n<p>Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala oo ka hadlay falkaasi ayaa tilmaamay iney geysteen Al-shabaab ku dhex jira dadka shacabka ah, si ay isaga horkeenaan beelahaha walaalaha ah.<\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\">\n<p>&#8220;Maanta waxaa Ceel Baraf lagu dilay Ciidan ka tirsan Xooga Dalka Soomaaliyeed. Ciidankaas dadka dilay ayaga ayaa cadeeymaha iska duubay,sawiro iska qaaday. Waana la garanayaa. Waa Al-Shabaab ku dhex jiro shacabka. Ma adkaan doonto in si dhaqso ah sharciga loo horkeeno. Waxaan xasuusinayaa dadka aan metelo in Al- Shabaab ay noocyo badan yihiin. Sidaas darteedna ay ka shaqeeynayaan in ay Beelaha Walaalaha ah iska hor keenaan. Falka dhacay maanta waxaa geystay Al- Shabaab. Waana la soo qabanayaa In Sha Allah&#8221; ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala.Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dadka uu ku\u00a0 matalo Baarlamaamka Soomaaliya ineysan qaadin wax talaabo ah oo ay ka war sugaan\u00a0 Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>&#8220;Argagixisado waxey rabtaa in Jihaadkii aan la galnay ay u bedelaan dagaal beeleed. Taasna waa in aan ka wada hortaagnaa&#8221; ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala.<\/p>\n<p>Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorto gobolka Hiiraan ayaa dhankiisa ku tilmaamay weerarkii Ceel baraf mid gumaad ahaa.<\/p>\n<p>&#8220;Allaha u naxariisto askarta shuhadada ah ee sida arxan darada ah loogu gumaaday Ceel baraf, taliska xoogga Dalka waxaa laga rabaa jawaab deg deg ah in ay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaasha arxanka daran ee falkaas geystay si looga badbaado dhiig kale oo daata&#8221; ayuu yiri Xildhibaan Buraale.<\/p>\n<p>Xildhibaan Buraale ayaa sidoo kale maamulka Hirshabeelle ku eedeeyay inuu qeyb ka yahay colaadaha kusoo laablaabtay deegaanada maamulkaas.<\/p>\n<p>&#8220;Waxaan aad uga xumahay kuwa sheegta maamul ku sheega Hirshabelle ee qeybta ka ah colaadaha iyo isku dirka dadka walaalaha ah hadane dhahaayo nabadeyn ayaan wadnaa in bulshada ay ka fogaadaan dhagartooda, inta ay bulshadaas hor fadhiyaan waxaas iyo wax kadaran ayaa ka imaan doono&#8221; ayuu yiri\u00a0 Xildhibaan Buraale.<\/p>\n<\/div>\n<div align=\"justify\"><\/div>\n<div align=\"justify\">Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa ugu baaqay Taliska Xoogga Dalka in ay tallaabo deg-deg ah ka qaadaan gacan ku dhiiglayaasha si loo xaqiijiyo caddaalada, loogana hortago in aan la baneysan dhiigga askarta u taagan la dagaalanka Alshabaab.<\/div>\n<div align=\"justify\">Hadaladaan kasoo yeeray Xildhibaanadaan kasoo jeeda beesha Xawaadle ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay galab deegaanka Ceel baraf lagu dilay ilaa 6 askari oo ka tirsana Militariga Soomaaliya oo aano qabiil loogu dilay iyagoo kusii jeeday gobolka Hiiraan.<\/div>\n<div align=\"justify\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan ayaa si adag uga hadlay falkii Shalay ka dhacay deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee lagu dilay Askar ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka. Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala oo ka hadlay falkaasi ayaa tilmaamay iney geysteen Al-shabaab ku dhex jira dadka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":110945,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-110944","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/110944","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=110944"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/110944\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":110976,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/110944\/revisions\/110976"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/110945"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=110944"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=110944"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=110944"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}