{"id":110777,"date":"2024-12-19T23:15:59","date_gmt":"2024-12-19T20:15:59","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=110777"},"modified":"2024-12-22T23:49:00","modified_gmt":"2024-12-22T20:49:00","slug":"baabiinta-hawlgalka-atmis-ee-soomaaliya-oo-midowga-africa-la-filayo-in-uu-ku-dhawaaqo-maanta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2024\/12\/baabiinta-hawlgalka-atmis-ee-soomaaliya-oo-midowga-africa-la-filayo-in-uu-ku-dhawaaqo-maanta\/","title":{"rendered":"Baabi&#8217;inta Hawlgalka ATMIS ee Soomaaliya oo Midowga Africa La Filayo in uu ku Dhawaaqo Maanta.."},"content":{"rendered":"<p>Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa lagu wadaa inuu maanta yeesho kalfadhiggii 1253-aad ee heer wasiir, kaasoo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya iyo qabanqaabada amniga ee howlgalka ATMIS-ka kaddib.<\/p>\n<p>fadhiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in lagu baabi\u2019iyo howlgalka ATMIS-ka, si loogu gudbo dhismaha howlgalka cusub ee AUSSOM. Waxaa kaloo laga doodi doonaa ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalkan iyo awood-bixiyeyaasha loo baahan yahay.<\/p>\n<p>Caqabadda ugu weyn ee hortaagnayd qodobbada ugu waaweyn ee lagu dhameystirayo heshiiska dhismaha AUSSOM, ayaa ahayd khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya. Hase ahaatee, Midowga Afrika ayaa fursad weyn u arka heshiiskii Ankara, kaasoo iskusoo dhoweeyay labada dal.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda ee Waaxda Nabadda iyo Amniga ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, ayaa la filayaa inuu soo jeediyo warbixin ku saabsan codsiyada ka soo baxay kalfadhiga 1225-aad ee Golaha.<\/p>\n<p>Waxaa sidoo kale laga yaabaa inay Golaha warbixin ka dhegaystaan Mohamed El-Amine Souef, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, iyo Donald Kaberuka, Wakiilka Sare ee Guddoomiyaha Guddiga Sanduuqa Nabadda.<\/p>\n<p>Natiijada kalfadhiga laga filayo ayaa ah war-murtiyeed. Waxaa la filayaa in PSC ay hoosta ka xariiqdo muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda iyo guulaha amni ee laga gaaray AMISOM iyo ATMIS ayna ku celiyaan sida ay uga go\u2019an tahay Midowga Afrika in ay taageeraan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.<\/p>\n<p>Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) ayaa laga yaabaa inay walaac ka muujiyaan dhacdooyinkii amni ee u dambeeyay ee u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Jubbaland, waxayna ku boorin doonaan inay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadkooda si looga fogaado khatarta ah in xaaladda ay horseeddo dib u dhac amni. Sidoo kale, waxaa laga yaabaa in ay soo dhaweeyaan heshiiska Ankara ee Itoobiya iyo Soomaaliya.<\/p>\n<p>Si kastaba ha ahaatee, muddo labo todobaad ah ayaa ka harsan waqtigii loo qorsheeyay in lasoo gabagabeeyo howlgalka ATMIS, lana bilaabo howlgalka cusub ee AUSSOM.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa lagu wadaa inuu maanta yeesho kalfadhiggii 1253-aad ee heer wasiir, kaasoo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya iyo qabanqaabada amniga ee howlgalka ATMIS-ka kaddib. fadhiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in lagu baabi\u2019iyo howlgalka ATMIS-ka, si loogu gudbo dhismaha howlgalka cusub ee AUSSOM. Waxaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":110778,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-110777","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/110777","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=110777"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/110777\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":110819,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/110777\/revisions\/110819"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/110778"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=110777"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=110777"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=110777"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}