{"id":10875,"date":"2012-12-07T00:20:07","date_gmt":"2012-12-06T21:20:07","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=10875"},"modified":"2012-12-07T00:39:56","modified_gmt":"2012-12-06T21:39:56","slug":"radio-shabeelle-oo-weerar-afka-ah-ku-qaadey-dawlada-turkiga-iyo-kambaniga-dhismaha-tika-kadib-biro-laamiga-fujiyey-awgeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/12\/radio-shabeelle-oo-weerar-afka-ah-ku-qaadey-dawlada-turkiga-iyo-kambaniga-dhismaha-tika-kadib-biro-laamiga-fujiyey-awgeed\/","title":{"rendered":"Kambaniga TiKA ee dalka turkiga oo radio shabeelle uu weerar afka ah ku qaadey kadib biro laamiga hareertiisa laga fujiyey awgeed&#8230;"},"content":{"rendered":"<p>Kadib markii kambaniga tika ee dalka turkiga laga leeyahey uu beryahan ka wadey dib u dhis iyo hagaajin wadooyinka ku dhaw dhaw airporka ayaa waxa ay kambaniga fujiyeen biro lagu mud mudey laamiga hareertiisa oo ay mud mudeen shaqaalaha radio shabeele si wadada loo balaariyo.<\/p>\n<p>Radio shabeelle ayaa isaga oo aan abaarin hey&#8217;adaha sharciga weerar afka ah ku qaadey dawlada turkiga iyo kambanigii dhismaha ka wadey dalka dibna u hagaajinayey jidad aan helin dayactir mudo ka badan 20 sano,radiyaha ayaa u hadley sida in uu yahey xukuumada dalka maamusha sheegeyna in joogitaanka dawlada turkigu uu gabi ahaanba sharci daro yahey taas oo xadgudub ku ah xukuumada dalka hada ka jirta iyo dawlada turkigaba,radiyuhu kama hadli jirin wax la xiriira dawlada turkiga balse markii laga jabiyey biro sharci daro ay laamiga uga taagtey shabeelle waxey bilawdey in ay baahiso warar salka ku haya iska horkeenka shacabka soomaaliyeed iyo dawlad saaxiib dhaw la ah dalka hadana madaxweynihii qaranka soomaaliya prof xasan sh maxamuud uu booqasho ku joogo.<\/p>\n<p>Sharci yaqaano ay la xiriirtey wakaalada wararka warsom.com oo aan wax ka weydiiney sharci ahaan waxa raadiyaha laga baahiyey oo salka ku haya dano gaara oo ay iyagu doonayaan waa radiyaha shabeelle&#8217;e isla markaana ay u ekeysiiyeen dan guud kuna tilmaameen dawlad siyaasada dalka saaxiib ah kuna tilmaameen gumeysi cusub xasuuqna ka geystey wadamo ay ka midyihiin armenia iyo yeman,waxey noo sheegeen in dawlada turkigu ay xaq u leedahey in ay dacweyso idaacada iyo dadka hadaladaas ku hadley ayna muteysan karaan ciqaab xarig iyo ganaax lacageed isugu jirta.<\/p>\n<p>Sharciyaqaanada ayaa sheegey in radio shabeele uuba iska dhigey xukuumadi dalka hugaamineysey dawladuna ay taas kula xisaab tami karto maadaama ay shabeele garan weysey in ay hey&#8217;adaha sharciga marto hadii bey yiraahdeen guriga iyo qalabka ay ku shaqeynayaan la wax yeeleeyo waa in ay sharciga maraan oo dacwoodaan,xaqna uma laha in ay dagaal iskaga bilaabaan cid kasta oo ay wax dhex maraan,mana aha markii ugu horeysey ee idaacada shabeele ay weerar afka ah ku qaado cid ay coloobeen iyadoo ay ugu danbeysey gudoomiyaha gobolkan banaadir maxamud axmed nuur tarsan oo ay idaacadu sii dayso warar lidi ku ah lamana oga xurgufta u dhaxeysa gudoomiyaha iyo dadka maamula idaacada shabeelle.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kadib markii kambaniga tika ee dalka turkiga laga leeyahey uu beryahan ka wadey dib u dhis iyo hagaajin wadooyinka ku dhaw dhaw airporka ayaa waxa ay kambaniga fujiyeen biro lagu mud mudey laamiga hareertiisa oo ay mud mudeen shaqaalaha radio shabeele si wadada loo balaariyo. Radio shabeelle ayaa isaga oo aan abaarin hey&#8217;adaha sharciga weerar [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-10875","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10875","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10875"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10875\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10880,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10875\/revisions\/10880"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10875"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10875"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10875"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}