{"id":108063,"date":"2024-09-25T22:53:22","date_gmt":"2024-09-25T19:53:22","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=108063"},"modified":"2024-09-25T23:10:22","modified_gmt":"2024-09-25T20:10:22","slug":"heshiis-la-xiriira-isdhaafsiga-xogta-sirdoonka-oo-soomaaliya-iyo-turkigu-kala-saxiixdeen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2024\/09\/heshiis-la-xiriira-isdhaafsiga-xogta-sirdoonka-oo-soomaaliya-iyo-turkigu-kala-saxiixdeen\/","title":{"rendered":"Heshiis La Xiriira Isdhaafsiga Xogta Sirdoonka oo Soomaaliya iyo Turkigu Kala Saxiixdeen."},"content":{"rendered":"<p>Hay\u2019adda Sirdoonka Maaliyadda ee dalka Turkiga (MASAK) iyo Xarunta Warbixinadda Maaliyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku kala saxiixday heshiis is faham iyo wada shaqeyn dhex marta hay\u2019addaha sirdoonka maaliyadadeed ee labada dal.<\/p>\n<p>Heshiiska dhexmaray labada hay&#8217;adood ee dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu xoojinaayo xiriirka iyo wadashaqeynta ee ka dhaxeeysa labada dowladood.<\/p>\n<p>Heshiiska is faham ee dhexmaray hay\u2019addaha sirdoonka maaliyadadeed ee labada dal ayaa la tilmaamay inuu muhiim u yahay labada dhinac iney iska kaashadaan ka hortaga dembiyada maaliyadda lacag dhaqida iyo la dagaalanka maalgalinta kooxaha loogu yeero argagixisada.<\/p>\n<p>&#8220;Unugyada Sirdoonka Maaliyadda ee labada dal, ayaa iska kaashandoona si waafaqsan sharciga ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada ee dalalkooda, ururinta, hormarinta, falanqeynta macluumaadka iyo xogaha la xiriira dembiyada maaliyadda ee ka dhaca laba dal, sidoo kale labada dal ayaa isweydaarsandoona khibradaha iyo waaya aragnimada la xiriira la-dagaalanka dembiyada maaliyadda gaar ahaan ka-hortaga lacag dhaqidda iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada, heshiiskan ayaa sare u qaadaya isla markaana xoojinaya talaabooyinka iyo qorshayaasha ka-hortaga dhammaan dembiyada maaliyadda ee ka dhaca labada dal&#8221; ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Hay\u2019addaha Labada dal ayaa sidoo kale ku heshiiyay iney si xor ah isku dhaafsan doonaan macluumaadka iyo xogaha muhiimka ah, iyada oo la raacayo mabaadi\u2019da Isweydaarsiga macluumaadka ee u dhexeeya Hay\u2019adaha Sirdoonka Maaliyadda iyo tan caalamiga ah.<\/p>\n<p>&#8220;Xarunta Warbixinadda Maaliyadda (XWM) iyo hay\u2019adda sirdoonka maaliyadda ee Jamhuudriyadda Turkiga ayaa dhisidoona awoodooda, waxayna ka qayb qaadanayaan barnaamijyo tababar wadajir ah, aqoon-is-weydaarsiyo, iyo dadaallo kale si loo dhiso awoodda loona horumariyo xirfadaha shaqaalaha hay\u2019addaha sirdoon ee labada dal&#8221; ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Munasabada lagu kala saxiixanayey heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa safiirka soomaaliya u fadhiya Turkiga Fatxu\u2019diin Cali Maxamed, agaasimaha xarunta warbixinnada maaliyadda Aamina Maxamed Cali iyo Agaasimaha hay\u2019adda sirdoonka maaliyadda Turkiga Mr. Hassan KEYMAK.<\/p>\n<p><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hay\u2019adda Sirdoonka Maaliyadda ee dalka Turkiga (MASAK) iyo Xarunta Warbixinadda Maaliyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku kala saxiixday heshiis is faham iyo wada shaqeyn dhex marta hay\u2019addaha sirdoonka maaliyadadeed ee labada dal. Heshiiska dhexmaray labada hay&#8217;adood ee dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu xoojinaayo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":108064,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-108063","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/108063","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=108063"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/108063\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":108073,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/108063\/revisions\/108073"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/108064"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=108063"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=108063"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=108063"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}