{"id":10796,"date":"2012-12-04T00:51:12","date_gmt":"2012-12-03T21:51:12","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=10796"},"modified":"2012-12-04T02:10:40","modified_gmt":"2012-12-03T23:10:40","slug":"golaha-wasiirada-fedeeraalka-oo-maanta-ansixiyey-miisaaniyada-sanadka-2013","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/12\/golaha-wasiirada-fedeeraalka-oo-maanta-ansixiyey-miisaaniyada-sanadka-2013\/","title":{"rendered":"Golaha Wasiirada Fedeeraalka Oo Maanta Ansixiyey Miisaaniyada Sanadka 2013"},"content":{"rendered":"<p>GolahaWasiirada Shir ay maanta isugu yimmaaddeen  oo uu gudoominayey  Ra\u2019iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Mudane: Cabdi Faarax Shirdoon \u201cSaacid\u201d ayaa waxaa looga hadaly arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin Amniga, Miisaaniyada Sanadka 2013ka iyo Hantida Safaaradaha Soomaaliya ku leedahay Talyaaniga iyo Maraykanka.<\/p>\n<p>wasiirada ayaa aad u soo dhaweeyey qaadida isbaarooyinkii yaalay magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda iyadoo gaadiidka looga qaadi jiray lacag lagu qiyaasay 30,000 doolar oo sharci darroah maalin kasta,  taas oo maanta sababtay in ay qiimo dhimis sameeyaan gaadiidka ka shaqeeya magaalada muqdisho iyo gobolada dalkuba.<\/p>\n<p>*. Ugu horrayntii Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta, Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan, ayaa golaha u soo gudbiyey Miisaaniyadda Sanadka 2013ka, taas oo aad uga badan Miisaaniyaddii ka horaysay ee sanadkan aan ku jirno ee 2012ka. <\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sheegay in Miisaaniyadda uu soo gudbiyey 75% ka imaan doonto dakhliga gudaha dalka ka soo geli doona dawladda. Ugu dambeyntiina markii la isla eegay,  waxaa  golaha wasiiradu ah ku ansixiyeen Miisaaniyada cod aqlabiyad ah, iyadoo la hor gayn doonaa Golaha Baarlamaanka.<\/p>\n<p>*. Waxa kale oo Golaha Wasiirradu isku raacay in la joojiyo lacagaha qaababka kala duwan loogu qaado Dekedda Muqdisho, iyadoo lacagta keliya ee la oggol yahay in Dekedda Dhexdeeda lagu qaadaa ay tahay Cashuurta Dawladda Dhexe.<\/p>\n<p>*. Sidoo kale Golaha Wasiirrada ayaa ka dooday sidii laga yeeli lahaa Hantida ma guurtada ah ee safaaradaha Soomaaliya ku leedahay Roma iyo NewYork, iyadoo maalmahaan ay soo baxayeen warar sheegaya in dad ajaanib ah laga kireeyey dhismayaashasafaaradahaasi. Dooddii golaha ka dib, waxa la go\u2019aamiyey in la magacaabo guddi Wasiirro ah oo ka soo baaraan dega arrintaasi. Guddiga waxa hoggaamin doona Ra\u2019iisal Wasaare Kun Xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fawsiya Xaaji Aadan.<\/p>\n<p>Mudane: Cabdi Faarax Shirdoon \u201c Saacid\u201d<br \/>\nRa\u2019iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda cusub  siyaasadeedu tahay iney adeegyada dowladda gaarsiiso gobolada dalka, madaxda dowladuna booqan doonaan goboladaas. Wuxuuna amaan u jeediyey Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Kismaayo oo maalintii shalay ahayd ka hortagay gawaari laga soo buuxshay waxyaalaha qaraxa oo la damacsanaa in lagu waxyeeleeyo shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo Taasina Ay Usuurowday In Gacanta Lagu Dhigo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>GolahaWasiirada Shir ay maanta isugu yimmaaddeen oo uu gudoominayey Ra\u2019iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane: Cabdi Faarax Shirdoon \u201cSaacid\u201d ayaa waxaa looga hadaly arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin Amniga, Miisaaniyada Sanadka 2013ka iyo Hantida Safaaradaha Soomaaliya ku leedahay Talyaaniga iyo Maraykanka. wasiirada ayaa aad u soo dhaweeyey qaadida isbaarooyinkii yaalay magaalada Muqdisho [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-10796","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10796","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10796"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10796\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10810,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10796\/revisions\/10810"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10796"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10796"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10796"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}