{"id":10655,"date":"2012-11-28T02:04:29","date_gmt":"2012-11-27T23:04:29","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=10655"},"modified":"2012-11-28T02:04:29","modified_gmt":"2012-11-27T23:04:29","slug":"taliye-saldhig-boolis-oo-xirey-wiil-uu-sodog-u-yahey-kadib-muran-dhexmarey-gabadhi-uu-dhaley-iyo-ninkeedi-qabey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/11\/taliye-saldhig-boolis-oo-xirey-wiil-uu-sodog-u-yahey-kadib-muran-dhexmarey-gabadhi-uu-dhaley-iyo-ninkeedi-qabey\/","title":{"rendered":"Taliye saldhig boolis oo xirey wiil uu sodog u yahey kadib muran dhexmarey gabadhi uu dhaley iyo ninkeedi qabey."},"content":{"rendered":"<p>Waxaa habeenimadii arbacadu soo galeysey soo galey taliye saldhiga booliska deg hodan guriga uu degenyahey xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliya kaas oo ay ka socotey wada hadal iyo heshiisiin loo sameynayey labada ruux ee isqabey.<\/p>\n<p>Waxeyse arintu cirka isku shareertey markii wada hadalkii u dhaxeeyey labadii is qabey waa wiilki iyo gabadhiye ay ku kala boodeen hadalkii uuna wiilki ka istaagey gogashii lagu wada hadlayey,hase yeeshee gabadhii oo iyadu wiilka aad u jecel ayaa wacdey aabaheed oo ah taliyaha saldhiga hodan oo lagu magacaabo maxamed cumar kawaan darajadiisuna ay tahey gaashaalle,iyadoo si lama filaanana ku soo galey xarunta xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed isagoo ku amrey askartii la socotey in ay soo qabtaan wiilki uu sodoga u ahaa kadibna uu isaga laftiisu kusoo boodey wiilkii kuleeti qabasho ay la socoto dharbaaxo xabadkaana ku dhuftey isagoo aan qofna wax weydiina gaari saartey wiilki oo maxbuus qoryo lagu hayo ah iyo gabadhii uu isagu dhaley.<\/p>\n<p>Taliyaha ayaa wiilki ku xirey saldhigii uu isagu xukumey isagoo ka watey xuduud uusan shaqo ku laheyn oo uusan ka hawlgeli karin isagoo xusuusan waayey in uu yahey taliye saldhig,in uu ku xadgudbayo zone uusan shaqo ku laheyn oo laga xukumo saldhiga afarirdood,isagoo garanwaayey in haduuba wiilka xirayo uu geeyo saldhiga ku shaqada leh,waxaana aad ula yaabey ficilka taliyaha madax iyo masuuliyiin ka kala tirsan wasaarada arimaha gudaha xafiska ra&#8217;iisalwazaaraha iyo kuwa xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed. <\/p>\n<p>Ugu danbeyn waxaa la wacey taliyaha ciidanka boliska gobolka banaadir,general maalin isagoo isna la hadley taliyaha qeybta waliyow cade,wadahadal iyo muran badan kadib wuxuu ogolaadey taliye kawaan in la soo daayo wiilki uu sodoga u ahaa waxeyse su&#8217;aasha taagani tahey hada wiilki iyo gabadhii aragtidiina maxey ku dhamaan kartaa in wada noolaanshahoodu ku danbeydoono?<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa habeenimadii arbacadu soo galeysey soo galey taliye saldhiga booliska deg hodan guriga uu degenyahey xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliya kaas oo ay ka socotey wada hadal iyo heshiisiin loo sameynayey labada ruux ee isqabey. Waxeyse arintu cirka isku shareertey markii wada hadalkii u dhaxeeyey labadii is qabey waa wiilki iyo gabadhiye ay ku kala boodeen [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-10655","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10655","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10655"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10655\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10661,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10655\/revisions\/10661"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10655"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10655"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10655"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}