{"id":10637,"date":"2012-11-27T00:47:05","date_gmt":"2012-11-26T21:47:05","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=10637"},"modified":"2012-11-27T01:14:05","modified_gmt":"2012-11-26T22:14:05","slug":"madaxweynaha-soomaaliya-oo-maanta-ka-duulay-magaalada-muqdisho-gaarayna-dalkaasi-jabuuti","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/11\/madaxweynaha-soomaaliya-oo-maanta-ka-duulay-magaalada-muqdisho-gaarayna-dalkaasi-jabuuti\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta Ka Duulay Magaalada Muqdisho Gaarayna Dalkaasi Jabuuti."},"content":{"rendered":"<p>Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti halkaasoo booqasho rasmi ah ay uga Ku Aaday Dalkaasi.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa waxaa Safarkiisa ku wehliyay Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C\/kariin Xaaji Maxamuud Fiqi, Xildhibaan Faarax Sheekh C\/qaadir ahna La taliyaha Madaxweynaha, Agaasimaha Madaxtooyada iyo xubno kale Oo Ka Mid Ah Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya.<\/p>\n<p>Sidoo Kale Wafdiga Madaxweynaha oo saaka ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho diyaarada Jubba Airways oo rakaab ka qaaday Muqdisho ayaa waxaa markii ay gaareen Jabuuti waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Ra&#8217;iisul Wasaare Dileyte Maxamed Dileyti, Marti sharaf iyo Safiirada dalka Jabuuti Caalamka u fadhiya.<\/p>\n<p>Xasan Sheekh Gur Guurte ayaa salaan sharaf ka qaatay Ciidamada Baambeyda dalka Jabuuti, iyadoo ay u garaaceen Astaanta Calanka qaranka Soomaaliya, kadibna Waxaa loo soo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Jabuuti oo uu kulan kula qaatay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle Oo Ah Madaxweynaha Dalkaasi Jabuuti.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jabuuti Ayaa Kulanka kadib Waxa Ay Si Wada Jir Ah U wada qabteen Shir Jaraa&#8217;id Oo ay uga hadleen xaaladda labadda dal, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu warbixin ka siiyey dhigiisa Jabuuti Ciidamadda Jabuuti ee qaybta ka ah kuwa AMISOM ee jooga Soomaaliya, kaalinta ay kaqaadanayaan howlaha nabad ilaalinta Ay U Joogaan Dalkaani Soomaaliya Qeybo Ka Mid Ah.<\/p>\n<p>Mudane Gur Guurte Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan taageerada Jabuuti iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya nabadgelyo taam ah u heli laheyd, isagoo Madaxweynuhu ka dhawaajiyay inay ay sii xoojin doonaan xiriirka labada dal ee walaalaha ah.<\/p>\n<p>Safarkaani Booqashada ah Oo Uu Madaxweynaha Soomaaliya Ku Aaday Jabuuti ayaa ah tii ugu horeysay ee uu ku tago Jabuuti, tan iyo markii uu qabtay xilka madaxtinimada Waxaana Madaxweynuhu safarkiisa uga sii tallaabi doono dalka Itoobiya Oo Uu Halkaasi Kula Soo Kulmi Doonaa Madaxda Dalkaasi.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti halkaasoo booqasho rasmi ah ay uga Ku Aaday Dalkaasi. Madaxweynaha ayaa waxaa Safarkiisa ku wehliyay Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C\/kariin Xaaji Maxamuud Fiqi, Xildhibaan Faarax Sheekh C\/qaadir ahna La taliyaha Madaxweynaha, Agaasimaha Madaxtooyada iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-10637","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10637","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10637"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10637\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10645,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10637\/revisions\/10645"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10637"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10637"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10637"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}