{"id":106177,"date":"2024-07-30T00:11:42","date_gmt":"2024-07-29T21:11:42","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=106177"},"modified":"2024-07-30T00:39:26","modified_gmt":"2024-07-29T21:39:26","slug":"allaha-u-naxariistee-aas-aasihii-hiiraan-online-guure-oo-magaalada-ottawa-ee-dalka-canada-ku-geeryoodey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2024\/07\/allaha-u-naxariistee-aas-aasihii-hiiraan-online-guure-oo-magaalada-ottawa-ee-dalka-canada-ku-geeryoodey\/","title":{"rendered":"Allaha U Naxariistee Aas-Aasihii Hiiraan online Guure oo Magaalada Ottawa ee Dalka Canada ku Geeryoodey."},"content":{"rendered":"<p>Aasaasihii iyo maareeyihii shakabada wararka\u00a0Hiiraan Online oo ah mareegaha ugu da\u2019da weyn ee wararka Soomaalida, Axmed Xaaji Cilmi Guure ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Ottawa ee dalka Canada. ka dib markii uu muddo dheer xanuunsanaa.<\/p>\n<p>Marxuumka ayaa ka tagay taariikh aad u saraysa oo dhinaca duulista iyo saxaafadda ahba.<\/p>\n<p><b>Taariikh nololeedkiisa.<\/b><\/p>\n<p>Axmed Xaaji Cilmi Guure\u00a0 waxa uu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, sanadkii 1956. Noloshiisii hore waxaa uu kusoo qaatay magaalada Beledweyne.\u00a0 Marxuumku waxa uu waxbarashadiisa badi kusoo qaatay magaalada Muqdisho. Intii\u00a0 uu ku jiray waxbarashadiisa, Axmed Xaaji Cilmi Guure waxaa lagu soo tababaray duuliye diyaaradeed xarunta caanka ah ee Lufthansa Aviation Training Centre oo ku taal magaalada Bremen ee dalka Jarmalka. Markii uu dalka dib ugu laabtay wuxuu ka howlgalay shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airlines.<\/p>\n<p>Geesinimadiisa iyo degenaanshihiisa waxaa la tijaabiyay 1991-kii markii diyaarad uu ka raacay Muqdisho kuna socotay Jabuuti lagu afduubtay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya, taasoo uu si nabad galyada ah uga soo dajiyay diyaaradaas garoonka diyaaradaha ee Luuq, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray rakaabkii saarnaa. Waxayna daliil u ahayd xirfadiisa iyo deganaanshiyihiisa.<\/p>\n<p>Dagaalkii sokeeye ee dalka, Axmed iyo qoyskiisii waxay u guureen dalka Canada 1992, halkaas oo uu kasii bilaabay waxbarashadiisa cilmiga kombuyuutarka ee kuliyada Algonquin ee Ottawa, isaga oo aakhirkii boos ka helay shabakadaha Nortel, wakhtigaas oo ah meesha ugu saraysa ee warshadaha isgaadhsiinta ee Canada.<\/p>\n<p>1999kii, ayuu Axmed arkay fursad in uu qaaradaha iskugu xiri karo, iskuna soo dhawaynayo qurba-joogta Soomaaliyeed. Waxaana uu aas aasay shakabada weyn ee Hiiraan Online, taasoo uu dhidibada ugu taagay Ottowa, July 1, 1999. Waxay ahayd tallaabo sax ah oo waqtigeedii kusoo aadday, waxayna holbowle u noqotay Madal lagu soo bandhigayay shirkii Nabadda Soomaaliya ee 2000 ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Waxayna Hiiraan Online astaan u noqotay bilawga doorkeeda tiir-dhexaadka ah ee saxaafadda Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Muddo 25 sano ah, Axmed wuxuu naftiisa u huray inuu abuuro ilo wareed lagu kalsoonaan karo, oo iftiimaya runta iyo daacadnimada. Hase ahaatee, riyadiisa ah in uu dib u yagleelo Somali Airlines ayaa ku kaliftay inuu sanadkii 2019 uu shahaadada Master-ka ee Maamulka Hawada ka qaato Jaamacadda Coventry, waxaana aqoontiisa aqoonsatay Wasaaradda Gaadiidka ee Soomaaliya, isagoo la taliye sare ka noqday, isagoo si hagar la\u2019aan ah uga shaqeynayay hiigsigiisa.<\/p>\n<p>Geerida Axmed Guure ayaa aad u qabsatay baraha bulshada. Abuukar Cismaan oo ah ergeyga joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, qaraabo iyo saaxiib dhowna la ahaa marxuumka, ayaa yiri, \u201cAad baan uga murugooday geerida adeerkay iyo saaxiibkay, Kabtan Axmed Guure, waxii uu ku soo kordhiyey warbaahinta Soomaaliyeed ee Hiiraan Online waa wax aan la qiyaasi karin.&#8221;<\/p>\n<p>Sahra Cabdi oo katirsan VOA Soomaali oo ay horay u wada shaqeyn jireen marxuumka, ayaa dib u xasuusatay waqtiyadii ay kasoo shaqeysay Hiiraan Online sanadihii 2005-2009. &#8220;Hiiraan Online way sii jiri doontaa weligeed,&#8221; ayay dhahday.<\/p>\n<p>Dadka kale, sida Nuura Axmed, ayaa iftiimisay saamaynta ay geerida Axmed Xaaji Cilmi Guure ku yeelanayso warbaahinta Soomaalida: &#8220;Halkee ayay ahaan ahayd warbaahinta Soomaalida Hiiraan la&#8217;aanteed,\u201d ayay tiri.<\/p>\n<p>Weriyaha caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdicasiis Golfyare ayaa yiri \u201cInnaa Lilaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, Alle ha u naxariistee Axmed Guure, geeridiisa waa mid murugo leh, Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka baxayna Samir Allaha ka siiyo.<\/p>\n<p>Farxaan Jimcaale, Afhayeenka xafiiska warfaafinta xafiiska Raysal wasaaraha iyo weriyihii hore ee BBC-da, ayaa sheegay in uu aad uga murugooday geerida Axmed Guure: \u201cInnaa Lilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, Allaah ha u naxariisto walaalkey iyo saaxiibkayaga Saxaafadda Axmedey Cilmi Guure, aasaasihii iyo tafatirihii Warfidiyeenka. Hiiraan Online, marka laga soo tago xirfadiisa saxafinimo, Axmed Guure waxa uu ahaa duuliye \u2013 qof qiimo badan, qalbi furan, hawl kar ah, kaftan badan, cibaado badan, saaxiibbadii iyo qoyskii uu ka baxayna ay jeclaayeen.<\/p>\n<p>Nolosha Axmed Guure waxa ay ka marag kacaysay awoodda adkaysiga, himilada iyo dedaalka aan leexleexa lahayn. Waxqabadkii uu ku soo kordhiyey warbaahinta Soomaalida iyo riyadiisii ahayd mustaqbalka ifaya ee duulista Soomaaliya, waa mid weligii lagu xasuusan doono, dhaxalkiisiina waxa uu ka kor maray daruuraha.<\/p>\n<p>Kabtan Axmed Guure waxa uu ifka kaga tagay xaas, todoba carruur ah iyo laba ay sii dhaleen. Dalmar Axmed Guure ayaa guda geli doona xilka Maareynta Tafatiraha, isaga oo hubinaya in aragtida Aabihii ay sii socoto hagidda Hiiraan Online.<\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<div id=\"rc-widget-66e9d9\" data-rc-widget=\"\" data-widget-host=\"habitat\" data-endpoint=\"\/\/trends.revcontent.com\" data-widget-id=\"225504\">\n<div class=\"sc-bdnxRM jvCTkj\"><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Aasaasihii iyo maareeyihii shakabada wararka\u00a0Hiiraan Online oo ah mareegaha ugu da\u2019da weyn ee wararka Soomaalida, Axmed Xaaji Cilmi Guure ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Ottawa ee dalka Canada. ka dib markii uu muddo dheer xanuunsanaa. Marxuumka ayaa ka tagay taariikh aad u saraysa oo dhinaca duulista iyo saxaafadda ahba. Taariikh nololeedkiisa. Axmed Xaaji Cilmi Guure\u00a0 [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":106178,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-106177","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106177","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=106177"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106177\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":106188,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/106177\/revisions\/106188"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/106178"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=106177"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=106177"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=106177"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}