{"id":104431,"date":"2024-06-13T22:41:50","date_gmt":"2024-06-13T19:41:50","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=104431"},"modified":"2024-06-14T00:23:37","modified_gmt":"2024-06-13T21:23:37","slug":"madaxweynaha-galmudug-axmed-qoor-qoor-oo-sheegay-in-ay-hayaan-cadeymaha-dadkii-huriyey-dagaalkii-dhawaan-dhacey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2024\/06\/madaxweynaha-galmudug-axmed-qoor-qoor-oo-sheegay-in-ay-hayaan-cadeymaha-dadkii-huriyey-dagaalkii-dhawaan-dhacey\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo Sheegay in ay Hayaan Cadeymaha Dadkii Huriyey dagaalkii Dhawaan Dhacey."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Shalay galinkii dambe kulan la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka beelaha Mareexaan iyo Dir oo Sabtigii lasoo dhaafay uu dhexmaray dagaal ay isaga dileen ku dhawaad 100 ruux.<\/p>\n<p>Madaxweyne Qoorqoor ayaa labada dhinac ugu baaqay gogol nabadeed oo lagu dhameynayo colaada u dhaxeysa, taasoo uu sheegay iney taalo magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug, wuxuuna ku booriyay labada dhinac iney isla qaataan nabad waarta si looga fogaado isku dhacyada soo noqnoqday.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan rabnaa in loo diyaar garoobo go\u2019aankii aan wada qaadanay, gogoshiina lala yimaado, si nabadd salka loo dhigo. Cadow badan bay nabaddu leedahay waxaan rabnaa dhinac walbana inuu xagiisa ku filnaano oo adkeeyo oo aanay biyo deys yeelan, dhamaadkuna uu noo noqdo haddii Ilaahay yiraahdo gogoshii oo si buuxdo looga soo qaybgalo si Kala sheegashada, tabashooyinkii iyo dhibaatadii dhacday doodeedu la iskula meel dhigo&#8221; ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.<\/p>\n<p>Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweyne Qoorqoor in dagaalkii dhacay uu ahaa mid aan iska dhicin oo uu ahaa mid ay ka dambeeyeen siyaasiyiin\u00a0 ka dhex raadinayay dano siyaasadeed.<\/p>\n<p>&#8220;Waxa dhacay waan isla ognahay oo wax baa la wada fahmayaa oo wax iska dhacay keliya ma ahanee, wax laga shaqeynayay oo fursad laga dhex raadinayo oo dano siyaasadeed laga leeyahay oo aan ka soo baxeynin meesha ayay ahayren, dadkii ra\u2019yigooda sidaas tusay oo ay tahay aragtidooda sida ay u gaaban tahay iyo sida ay u qariban tahay, ayagaas ayaa waxaan rabnaa inaan Ilaahay ka nabadgalno oo iska qabano, lagana feejignaado&#8221; ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.<\/p>\n<p>Madaxweyne Galmudug ayaa nasiib daro weyn ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed ku dhintaan meel duur ah aan waxba oolin, isagoona sheegay in hay\u2019adaha amaanka ay hayaan cadeymo la xariira kuwii ka shaqeeyay dhibaatada ee colaada huriyay dhaqaalahana ku bixiyay in la soo bandhigi doono.<\/p>\n<p>\u201cWaxyaabaha dhacay hay\u2019adaha baarista kuli waa hayaan, meelo badan oo waxyaabaha dhacay ka mid ah caddeyntooda ayaa la hayaa dadkii waxaas ka shaqeeyay, colaadda huriyay, xoolana ku bixiyay caddeyntooda waa la hayaa, waana la soo bandhigi doonnaa waqtiga ku habboon, haddii Ilaahay yiraahdo. Hay\u2019adaha amniga ayaa soo bandhigi doona, loogana hari maayo&#8221; ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.<\/p>\n<p>Hadalka madaxweynaha Galmudug ayaa imaanaya, iyadoo deegaanada maamulkaas ay ku soo laablaabteen dagaal beeleedyada dhexmara qaar ka mid ah beelaha wada dega deegaanada maamulkaas oo isku qabta muruno ka dhasha lahaansho dhul daaqimeed.<\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<div id=\"rc-widget-66e9d9\" data-rc-widget=\"\" data-widget-host=\"habitat\" data-endpoint=\"\/\/trends.revcontent.com\" data-widget-id=\"225504\">\n<div class=\"sc-bdnxRM jvCTkj\"><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Shalay galinkii dambe kulan la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka beelaha Mareexaan iyo Dir oo Sabtigii lasoo dhaafay uu dhexmaray dagaal ay isaga dileen ku dhawaad 100 ruux. Madaxweyne Qoorqoor ayaa labada dhinac ugu baaqay gogol nabadeed oo lagu dhameynayo colaada u dhaxeysa, taasoo uu sheegay iney taalo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":104432,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-104431","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104431","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=104431"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104431\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":104453,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104431\/revisions\/104453"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/104432"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=104431"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=104431"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=104431"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}