{"id":104400,"date":"2024-06-13T00:36:04","date_gmt":"2024-06-12T21:36:04","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=104400"},"modified":"2024-06-13T00:53:49","modified_gmt":"2024-06-12T21:53:49","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-kala-hadley-jaaliyadda-soomaalida-ee-dalka-norway-doodda-dastuurka-iyo-qodobo-kale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2024\/06\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-kala-hadley-jaaliyadda-soomaalida-ee-dalka-norway-doodda-dastuurka-iyo-qodobo-kale\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kala Hadley Jaaliyadda Soomaalida ee Dalka Norway Doodda Dastuurka iyo Qodobo kale."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Norway ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas u jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo khuseysay xaalada guud ee dalka.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa khudbadiisa uga hadlay\u00a0 arrimo ay ka mid yihiin Amniga, Siyaasadda, Horumarka dalka, Dastuurka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.<\/p>\n<p>Wuxuu ku dheeraaday madaxweynaha ka hadlida dhinaca amniga dalka, isagoona xusay in dowladdiisa ay xooga saartay la dagaalanka Al-shabaab oo uu tilmaamay in guulo la taaban karo dhankaas ka gaartay dowladda Soomaaliya.<\/p>\n<p>\u201cDib u xorraynta Dalka, dhammaystirka Dastuurka iyo Xoojinta Federaalaynta Dalka waa howlaha inta badan si siman uwada socda, Dalkeenna waxa aan rabnaa in aan Khawaariijta ka saarno, 17-sano ayay Dalka Soomaaliya dhib ku hayeen, hadana sida muuqato guulo waa weyn ayaan ka gaarnay dagaalka dalka looga sifeynayo\u201d ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka dalbaday Jaaliyadda dalka Norway iney muujiyaan doorkooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo uu tilmaamay in haatan gabalkoodu uu sii dhacayo.<\/p>\n<p>Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Jaaliyada reer Norway sharaxaad ka siiyay doodaha xooga leh ee ka dhashay arrimaha wax ka badalka Dastuurka dalka, isagoona tilmaamay inaan marnaba la hakin doonin howsha laga haayo Dastuurka oo doodiisu ay soo taaganeyd mudo 12 sano ah.<\/p>\n<p>\u201cDood iyo Iswarsi uma dhinna Dastuurka, 12-sano waqti nagu filan waaye oo Dastuurku kasoo doodno, Dadkii Ayaan nahay, Dastuurka Kumeel-gaarka ah waa Dastuurkii lee, 15 cutub ayuu ka koobnaa waa isla 15kii, waa intii aan soo kala dhig-dhigaynay, 12-sano Doodda aan ku qanci waynay Dadka weli isii hibanaya in weli lasii doodo oo lasii wado 12-sano kale, Dadka Soomaaliyeed waxa aan leenahay Walaalayaal waqti nooma dhinna\u201d ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p>Ugu dambeyntii Jaaliyada reer Norway ayaa dhankooda u balan qaaday madaxweynaha Soomaaliya iney ku garab istaagayaan dagaalka dowladiisa ay kula jirto sidii guud ahaan dalka uga ciribtiri laheyd kooxda Al-shabaab.<\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<div id=\"rc-widget-66e9d9\" data-rc-widget=\"\" data-widget-host=\"habitat\" data-endpoint=\"\/\/trends.revcontent.com\" data-widget-id=\"225504\">\n<div class=\"sc-bdnxRM jvCTkj\"><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Norway ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas u jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo khuseysay xaalada guud ee dalka. Madaxweynaha ayaa khudbadiisa uga hadlay\u00a0 arrimo ay ka mid yihiin Amniga, Siyaasadda, Horumarka dalka, Dastuurka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda qaar [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":104401,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-104400","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104400","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=104400"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104400\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":104415,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/104400\/revisions\/104415"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/104401"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=104400"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=104400"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=104400"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}