{"id":10135,"date":"2012-10-30T23:20:15","date_gmt":"2012-10-30T20:20:15","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=10135"},"modified":"2012-10-30T23:20:15","modified_gmt":"2012-10-30T20:20:15","slug":"xuquuqda-haweynka-uu-siinayo-dastuurka-kmgsomalia-oo-maanta-la-soo-bandhigay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2012\/10\/xuquuqda-haweynka-uu-siinayo-dastuurka-kmgsomalia-oo-maanta-la-soo-bandhigay\/","title":{"rendered":"Xuquuqda Haweynka Uu Siinayo Dastuurka KMG,Somalia Oo Maanta La Soo Bandhigay."},"content":{"rendered":"<p>Ururka Horumarinta Hawenka ee  IIDA ayaa soo bandhigay siyaasad kooban oo ku aadan xuquuqda haweenka uu  siinayo Dastuurka kumeelgaarka ee Somaliya Haatan Ka Jira.<\/p>\n<p> (Warsaxaafadeed)<\/p>\n<p>IIDA Ururka horumarinta haweenka waxa ay maanta soo bandhigatay warbixinta  siyaasad kooban oo lagu faah faahinayo siduu ahaa halganaka haweenka soomaali u soo galeen labaatankii sano dastuurka ku meelgaarka.<\/p>\n<p>Soo bandhigidda waxa ay ka dhacday xarunta IIDA Goodir ee Mogadishu. Curinta  IIDA waxaa taageeray Ururka SWA,  STEP , CCHD. Soo bandhigidda waxaa ka soo qeyb galay dad badan oo ay si rasmi ah uga  mid ahaayeen Xildhibaan Abdirahman Hosh Jibril Wasiirka Dastuurka iyo dib-uheshiisiinta, Halima Ismail Ibrahim la gudoomiyaha gudiga farsamada soo xulida baarlamaanka, Dunio Mohamed Ali oo ka socotay IIDA , Sahra Omar Moalin madaxa gudiga siyaasada SWA, islamarahaantaana ahayd Gudoomiyihii Gudiga hoosaadka qoridda qabyo qoraalka Dastuurka.<\/p>\n<p>Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay saraakiil sare oo ciidamadii hore ee xooga dalka ahaa , kuwaas oo ka shaqeynaayay amniga qaranka iyo qorshaha dib-udejinta. Qudbadaha Generaalada AbdiWeli Sheikh Mohamud Hussein iyo Ahmed Mohamud Mohamed waxay ku sheegeen \u201ctani waa markii ugu horeysay ay si Wadajir ah u kulmaan saraakiisha xoogga dalka , Xildhibaano iyo bulshada rayidka iyo dadkale oo bulshada dhaxdeeda saameyn ku leh\u201d waxa ayna ka mahadceliyeen dadaalka ay wado IIDA. <\/p>\n<p>Sidaas si la mid ah waxaa soo xaadiray kulanka xubno ka mid ah baarlamaanka sida Xildhibaanad  Dunio Mohamed Cali Farax, Xildhibaanad Jawaahir Ahmed Elmi, Xildhibaanad Casho Koos Mohamud Omar iyo Xildhibaan Mohamed Mohamud Guure.<\/p>\n<p>Waxaa kale oo ka soo qeyb galay aqoonyahano sida professor Cabdi Abshir,   Ururo xirfadlayaal, wakiilo SWA,SCSC wakiiladeeda iyo xubno ka socoday ururada bulshada.<br \/>\ninta uu socday soobandhigida Halima Ibrahim, waxa ay hoosta ka xariiqday caqabadaha horyaalay dumarka, sida diyaarinta, xulashada golaha sharciyada qaran, NCA iyo ansaxinta dastuurka.  Dunio Mohamed Ali, waxa ay faahfaahin ka bixisay halganka haweenka u soo galeen ururada bulshada rayidka ay hogaaminayeen IIDA iyo SWA, si loo xaqiijiyo Xuquuqda madaniga ,siyaasada bulshada , dhaqaalaha iyo dhaqanka. <\/p>\n<p>Xildhibaan Hosh,  waxa uu qeexay haweenka in ay la kulmayaan caqabado xiliga fasiraada iyo dhaqangalinta dastuurka kumeelgaarka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ururka Horumarinta Hawenka ee IIDA ayaa soo bandhigay siyaasad kooban oo ku aadan xuquuqda haweenka uu siinayo Dastuurka kumeelgaarka ee Somaliya Haatan Ka Jira. (Warsaxaafadeed) IIDA Ururka horumarinta haweenka waxa ay maanta soo bandhigatay warbixinta siyaasad kooban oo lagu faah faahinayo siduu ahaa halganaka haweenka soomaali u soo galeen labaatankii sano dastuurka ku meelgaarka. Soo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3],"tags":[],"class_list":["post-10135","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-wararka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10135","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10135"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10135\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10139,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10135\/revisions\/10139"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10135"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10135"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10135"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}