{"id":101313,"date":"2024-03-23T01:14:43","date_gmt":"2024-03-22T22:14:43","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=101313"},"modified":"2024-03-23T01:40:17","modified_gmt":"2024-03-22T22:40:17","slug":"dawlad-goboleedka-puntland-oo-markale-ka-soo-horjeesatay-wax-ka-badelka-dastuurka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2024\/03\/dawlad-goboleedka-puntland-oo-markale-ka-soo-horjeesatay-wax-ka-badelka-dastuurka\/","title":{"rendered":"Dawlad Goboleedka Puntland oo Markale Ka soo Horjeesatay Wax ka Badelka Dastuurka."},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka Wasaaradda Cadaalada arrimaha Diinta iyo Dastuurka maamulka Puntland Maxamed Cabdiwahab ayaa si kulul uga hadlay qorshaha wax ka badalka Dastuurka oo ay ku howlan tahay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiir Maxamed Cabdiwahab ayaa si gaar ah weerar afka ah ugu qaaday wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p>&#8220;Wasiir Fiqiyoow dastuur aan soomali u dhammeyn adiga iyo Xassan Shiikh iyo Xassan Macalin ma badalikartaan, meel aad gayn kartaana ma jirto ee cayaarta jooji, Dastuurka KMG ee qeexaya hanaanka Federaalka iyo nidaamka dowliga ah ee dalku qaatey oo ah Baarlamantari, leh Xisbiyo badan, Madaxwayne iyo Raisulwasaare waxaa shaqadiisu ka soo bilaabatey\u00a0 cahdi-qarameedkii ka soo baxey Shirkwaynihii Imbigaati 2003-2004 kaas oo ay ansaxiyeen 3000 oo ah Ergo Somaliyeed. Waxaa sidaas lagu qaatey Nidaamka Federaalka ah&#8221; ayuu yiri Wasiirka Cadaalada arrimaha Diinta iyo Dastuurka Puntland Maxamed Cabdiwahab.<\/p>\n<p>Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka Cadaalada arrimaha Diinta iyo Dastuurka Puntland Maxamed Cabdiwahab in Wasiir Fiqi looga baahan yahay inuu Al-shabaab ka xureeyo deegaanada uu kasoo jeedo oo ay kooxdu ka talineyso mudo ka badan 15 sano.<\/p>\n<p>&#8220;Fiqiyoow deegaanka aad ka soo jeedaan ee shabaabku haysto 15 sano calan Soomaliyeed aan laga taagin orad oo ka xoree shabaabka, adeegyada dowladdana dadka gaarsiiya, ayadaa dan inoo wada ah maante&#8221; ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdiwahab.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay inaan waqtigaan loo baahneen in la badalo Dastuurka, hayeeshee waxa loo baahan yahay ay tahay kaliya in la heshiiyo oo la dhameystiro qodobada dhiman.<\/p>\n<p>&#8220;In cahdi-qarameedkaas loo badalo dastuur, waxaa shaqadiisu bilaabatey 2005, waxaa loo xilsaarey Guddi Qaran (IFCC), kuwaas oo soo diyaariyey dastuurka KMG kaas oo ku yimid wadatashi bulsho iyo mid siyaasadeed oo socdey sanadihii 2010 &#8211; 2012, ka dibna lagu ansaxiyey Afti laga qaadey Ergo somaliyeed oo dhan 825 Mugadishu 1st Aug, 2012. Waxaa sidaas ku dhaqan-galay dastuurka KMG, dalkuna wuxuu ka baxey dowladdii KMG aheyd. ayadoo loo marayo wadatashi ballaaran iyo heshiis siyaasadeed loo dhanyahey, sida uu farayo dastuurka KMG qodobadiisa 50aad ilaa 54aad, qodobkiisa 133aad, farqadiisa 1aad ilaa 12aad si dastuurka dalku uga baxo ku meel gaarka Looguna diyaariyo afti dadwayne&#8221; ayuu yiri Wasiirka Cadaalada arrimaha Diinta iyo Dastuurka maamulka Puntland.<\/p>\n<p>Hadalka kasoo yeeray wasiirkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo ay sii kordheyso diidmada qorshaha wax ka badalka Dastuurka oo ay mudooyinkii dambe doodiisu ka socotay Baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya.<\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<div id=\"rc-widget-66e9d9\" data-rc-widget=\"\" data-widget-host=\"habitat\" data-endpoint=\"\/\/trends.revcontent.com\" data-widget-id=\"225504\">\n<div class=\"sc-bdnxRM jvCTkj\"><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka Wasaaradda Cadaalada arrimaha Diinta iyo Dastuurka maamulka Puntland Maxamed Cabdiwahab ayaa si kulul uga hadlay qorshaha wax ka badalka Dastuurka oo ay ku howlan tahay dowladda Fedaraalka Soomaaliya. Wasiir Maxamed Cabdiwahab ayaa si gaar ah weerar afka ah ugu qaaday wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo madaxweyne Xasan Sheekh [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":101314,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-101313","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/101313","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=101313"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/101313\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":101322,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/101313\/revisions\/101322"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/101314"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=101313"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=101313"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=101313"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}