{"id":101108,"date":"2024-03-16T00:55:53","date_gmt":"2024-03-15T21:55:53","guid":{"rendered":"http:\/\/warsom.com\/wararka\/?p=101108"},"modified":"2024-03-16T01:45:02","modified_gmt":"2024-03-15T22:45:02","slug":"madaxweynihii-hore-ee-ismaamulka-soomaalida-cabdi-maxamuud-cumar-oo-sheegay-in-uu-kamid-yahey-shacabka-dds","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/2024\/03\/madaxweynihii-hore-ee-ismaamulka-soomaalida-cabdi-maxamuud-cumar-oo-sheegay-in-uu-kamid-yahey-shacabka-dds\/","title":{"rendered":"Madaxweynihii Hore ee Ismaamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo Sheegay in uu Kamid yahey Shacabka DDS."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynihii hore ee Dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) oo siidayntiisii kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay qaabkii uu xoriyadiisa dib ugu helay cidda ka dambaysay siidayntiisa iyo waxa uu wakhti xaadirkan ka aaminsan yahay Xukuumadda Dowlad degaanka Soomaalida.<\/p>\n<p>Cabdi Iley waxa uu ugu horreyn sheegay in siidayntiisa Ilaahay ka sokow uu sabab u ahaa Ra&#8217;iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed, kaas oo maalmo ka hor sheegay in bisha Ramadan dartii dad la siidayn doono, dhinaca kale Cabdi Iley waxa uu sheegay in siidayntiisa ay dhinaca kale sahashay Xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee Dowladda Itoobiya oo xiray Dacwaddii ku socotay Cabdi Iley iyo dadkii kale ee ay isku kiiska ahaayeen, taasina ay dhinaca kale fududaysay in la siidaayo Cabdi Iley iyo dadkii la xidhnaaba.<\/p>\n<p>Dhinaca kale Cabd Iley waxa uu ka hadlay waxa uu ka aaminsan yahay Dowlad Degaanka Soomaalida ee uu majaraha u hayo Mustafe Cagjar, &#8221; Anigu waxaan ka mid ahay shacabka degaanka Soomaalida ee uu Madaxweynaha u yahay Mustafe Maxamuud Cumar, Madaxweynayaashii hore ee degaanka Soomaalida soomaray umbaan lamid ahay, sidaan anigu Madaxweynayaashii hore uga dambeeyay umbay anigana Dowlad iga dambaysay, Aniguna Madaxweynihii hore ee degaanka Soomaalida umbaan ahay&#8221;, ayuu yiri Cabdi Iley.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, Cabdi Iley Madaxweynihii hore ee Dowlad degaanka Soomaalida waxa uu u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay siidayntiisa, sida Odayaal dhaqameedka degaanka Soomaalida Salaadiinta Ugaasyada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degaanka Soomaalida.<\/p>\n<p>Hadalka Cabdi Iley ayaa kusoo aadaya saacado un kaddib markii uu dib xoriyaddiisii u helay isagoo muddo 6 sano ah ku jiray xabsiga Qaaliti ee Addis Ababa, Cabdi Iley waxaa hadalladiisa laga fahmayay in si buuxda uu u taageersan yahay Dowladda Itoobiya iyo Xukuumadda Dowlad degaanka Soomaalida oo mar uu hoggaanka u hayn jiray.<\/p>\n<p>Siidayntiisa wali kamaysan hadlin Xukuumadda Dowlad Degaanka Soomaalida iyo Xisbiyada Mucaaradka ah, marka laga reebo dadweynaha Soomaaliyeed oo ku kala aragti duwan siidaynta Cabdi Iley.<\/p>\n<p>Cabdi Iley ayaa hadda ku sugan Addis Ababa oo uu guri ku leeyahay isla markaana ay reerkiisu joogaan, walina lama sheegin isaguna masoo hadal qaadin wakhtiga uu tagi doono Jigjiga oo ah halkii uu ka arrimin jiray isla markaana laga soo xiray.<\/p>\n<p class=\"td-modal-image\"><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-89424\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 225px) 100vw, 225px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor.jpg 225w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/anchor-150x150.jpg 150w\" alt=\"\" width=\"225\" height=\"225\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58055 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/syl.jpg\" alt=\"\" width=\"228\" height=\"221\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-86614\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 279px) 100vw, 279px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-279x300.jpg 279w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-954x1024.jpg 954w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-768x824.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-696x747.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-391x420.jpg 391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2-782x840.jpg 782w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/02\/boko-2.jpg 1006w\" alt=\"\" width=\"279\" height=\"300\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58054 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-300x111.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-768x285.jpg 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell-696x258.jpg 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/som-tell.jpg 850w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"111\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58053 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 252px) 100vw, 252px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-252x300.jpg 252w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1-353x420.jpg 353w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/salaam-1.jpg 450w\" alt=\"\" width=\"252\" height=\"300\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-58052 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/hormuud-logo.png\" alt=\"\" width=\"251\" height=\"201\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2023\/05\/stam-isbaheysi.png\">\u00a0<\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58051 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj-300x38.jpg 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/taaj.jpg 468w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"38\" \/><\/a><a class=\"td-modal-image\" href=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-58050 td-animation-stack-type1-2 td-animation-stack-type1-1\" src=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" srcset=\"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-300x91.png 300w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-768x232.png 768w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1024x309.png 1024w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-696x210.png 696w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1392x420.png 1392w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1068x323.png 1068w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom-1391x420.png 1391w, https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-content\/uploads\/2019\/08\/Xayeysii-Warsom.png 1722w\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"91\" \/><\/a><\/p>\n<div id=\"rc-widget-66e9d9\" data-rc-widget=\"\" data-widget-host=\"habitat\" data-endpoint=\"\/\/trends.revcontent.com\" data-widget-id=\"225504\">\n<div class=\"sc-bdnxRM jvCTkj\"><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynihii hore ee Dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) oo siidayntiisii kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay qaabkii uu xoriyadiisa dib ugu helay cidda ka dambaysay siidayntiisa iyo waxa uu wakhti xaadirkan ka aaminsan yahay Xukuumadda Dowlad degaanka Soomaalida. Cabdi Iley waxa uu ugu horreyn sheegay in siidayntiisa Ilaahay ka sokow uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":101109,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[3,36],"tags":[],"class_list":["post-101108","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-wararka","category-wararka-caalamka"],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/101108","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=101108"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/101108\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":101126,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/101108\/revisions\/101126"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/101109"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=101108"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=101108"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/warsom.com\/wararka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=101108"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}