Sunday, February 23, 2020
Home Blog Page 3

Sheekh Shaakir Oo Dowlada Federaalka U Soo Jeediyay In La Dhiso Gole Loo Dhan Yahay.

0

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Madaxii Xukuumada Galmudug kana mid ah hogaanka culimadda Ahlu-Sunah Waljaamaca dhawaan sheegay in loo doortay Madaxweynaha Galmudug ayaa warsaxafadeed faahfaahsan kasoo saaray xaalada guud ee Soomaaliya ay marayso iyo midda ka jirta deegaanada Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ugu horayn sheegay in la waddo qorshe Alshabaab dib loogu celinayso gacan ku haynta deegaanada ay ka taliyaan taasna waxa uu sheegay in aysan dhacayn. sidoo akle waxa uu ka diggay in ciidamada Ajaanibta ah iyo kuwa Soomaaliyeed ee lasoo tababaray dhaqaale ahaana beesha caalamka waxtarto aan loo adeegsan caburinta shacabka.

Gabagabadii Sheekh Shaakir waxa uu dawlada ugu baaqay dowlada federalka iyo Beesha Caalamka in si wadajir ah loo dhiso Gole loo dhan yahay oo u xil-saaran Federaalnimada, Dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Gobolada.

     

Jubbaland Oo Sheegtay In Kenya Ay Wax Faragalin Ku Haynin Arrimaha Gudaha Somaliya.

0

 

Xubnaha Labada gole ee dawlad goboleedka Jubbaland ee ku sugan gobolka Gedo ayaa war murtiyeed ay ka soo saareen kullan ay ku yeesheen magaaladda Beled Xaawo waxay dawladda federaalka ku eedeeyeen inay gobolka kaka hurinayso xaaladda amni darro.

Xubnuhu waxay murtiyeedkooda ku sheegeen inay cadaynaynaa in dowladda Kenya ayan wax faragalin ah ku hayn gobolka Gedo

“ Waxaanu caddaynaynaa in degmoooyinkan wax garogelin ah Ayan ku haynin dowladda Aan dariska nahay ee Kenya oo aan ka ahayn daris wanaag iyo macaamiil ka dhaxeeya dadka walaalaha ah ee degan labada dhinac”

Xubnaha labada golle waxay ku tilmaameen Eedaymaha loo jeedinayo Kenaya ee ka imaanaysa masuuliyiinta dowlada federaalka ay tahay mid lagu khadlayo ummadda Somaaliyeed laguna banneysanayo qorshaha iyo dano gaar ah oo ay sheegeen in degaanada gobolka ay ka leeyihiin shakshsiyaad ku takri falaya awooda dowladeed

“ Bishan febraayo waxaa degmooyinka Doolow, Luuq iyoBaladxaawo kus oo daabulesay ciidamo la so oqaaday Muqdisho, Caardheere iyo Garbahaaray kuwasoo u abaabulan hab jabhadeed toosna u hoos taga shakhsi xubin ka ah hay’ada nabad sugidda iyo sirdoonka qarank kaas oo ku adeeganaya awooda madaxweyne Farmaajo” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka

Gabagabadii, Xubnaha labada golle waxay  ugu baaqeen  labada golle ee barlamaanka Federaalka, dowlad goboleedyada, hay’adaha garsoorka, madasha xisbiyada qaran iyo beesha Calaamka inay soo faragalinayaan xaalada murugsan ee ka taaagan gobolka.

     

Wariye Ka Tirsanaa TV,ga Universal Oo Caawa Lagu Dilay Degmada Afgooye

0

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in caawa lagu dilay Wariye Cabdiweli Cali Online, oo ka mid ahaa Saxafiyiinta degan degmadaasi.

Wariyaha ayaa daqiiqado ka hor u geeriyooday rasaas ay qaybaha sare ee jirkiisa kala dhaceen kooxo hubeysan, oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin.

Wariyaha ayaa Degmada Afgooye uga soo warami jiray Universaltv iyo Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho.

Dilka Wariyaha ayaa ku soo aadaya, xilli maalintii Arbacada ay Hay’adda Amnesty International sheegtay in ay Dowladda Somaliya qayb ka tahay dhibaatooyinka dalka loogu gaysto Saxafiyiinta.

Ururka Al Shabaab ayaa lafdhabar u ah kuwa dhibaatada joogtada ahi dalka ugu gaysta Saxafiyiinta, sababo ku aadan iyagoo ka horyimaada inay baahiyan wararka ka dhan ah.

Maamulada dalka ka jira oo sidoo kale ku lug leh caburinta ka dhanka ah Saxaafadda ayaa waxaa lagu dhaliilaa inaysan dulqaad u lahayn kolka warar liddi ku ah ay tebiyan Wariye-yaasha.

Somaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo, iyadoo loogu gaysto handadaad/cago jugleen, xarig iyo dilba.     

Booqashada Farmaajo Ee Hargeysa, Bilowga, Dhamaadka Gooni-isu-taaga Somaliland! (WAR-BIXIN).

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan kula kulmey magaalada Adis Ababa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kulankan waxaa ka soo shaqeeyey raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaana uu ka dhacay xafiiskiisa.

Kulanka ayaa ahaa mid maqaamkiisa hoos loo dhigey, warbaahinta aan lala socodsiin wixii ka soo baxay, laakiin waxa jiritaankiisa iyo waxyaabaha looga hadley qaarkood laga xaqiijiyey labada dhinac ee Villa Somalia iyo Hargeysa.

Haddaba kulanka kadib waxaa soo baxay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Macamed Cabdullaahi iyo Rayslawasaaraha Itoobiya ay wada booqan doonaan magaalada Hargeysa.

Haddaba waxaa jira su’aalo badan oo la is weydiinayo, maxaa ka jira booqashada Madaxweyne Farmaajo uu ku tegayo Hargeysa todobaadka socoosocda?, yaa iska leh hindisaha booqashada Hargeysa, Somaliland sidee u aragtaa in Madaxweynaha Federaalku uu booqdo Hargeysa? Yey u tahay guul siyaasadeed?, maxaase uga halaysmi kara Somaliland haddii ay diido booqashada.

Muddooyinkii danbe waxaa albaabada siyaasadeed ka soo xirmeen siyaasadda Somaliland oo iskeed ugu dhawaaqdey in ay Soomaaliya ka go’dey muddo haatan laga jooho 29 sano, waxaana ay beesha caalamka kala kulantey cadaadis xoog leh. Madaxweynaha hadda xilka haya ayaa deeq bixiyaasha caalamka, iyo maalgashadayaashuba ula dhaqmeen si ka duwan madaxdii ka horeysey isaga. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa caqabada siyaasadeed ee helay kadib si weyn isugu dhiibey dalka Itoobiya siyaasad ahaan, si ay u helaan galaangal siyaasadeed, damaanad maalgashi iyo loobi siyaasadeed.

Dhanka kale waxaa aad u wanaagsadaadey xiriirka Raysalwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xiriirkaas oo gaarey in si muuqata Madaxweynaha Somaaliya u amaano siyaasadda Itoobiya ee ku aadan gobolka, iyada oo la xusuusto doorashadaii 2017 ee uu ku guuleystey Madaxweyne Farmaajo in lagu doortey caro loo qabey siyaasaddii Itoobiya iyo galaangalkii Gen Gabre. xiriirka wanaagsanaadey ee Abiy Axmed iyo Famraajo ayaa gaarey in la sameeyo hindise iskaashi ah kaas oo u dhexeeya Adis baba, Muqdisho iyo Casmara laakiin aan wax badan laga ogeyn qorshaha uu ku fadhiyo.

Haddaba xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Abiy Axmed iyo Farmaajo iyo is-dhiibidda siyaasadeed ee Somaliland si toos ah isugu dhiibtey Adis Ababa ayaa la dhihi karaa waxa uu soo dedejiyey kulankii hordhaca ahaa ee Farmaajo iyo Biixi, iyo qorshaha ka dhashey kulankaas ee booqashada wada jirka ah.

Horseed Media oo ilo xog-ogaal ah soo xiganaysa ayaa ogaatey in Abiy Axmed Raysalwasaaraha Itoobiya uu Muuse Biixi u sheegay in uu jecel yahay in Hargeysa booqdo laakiin kulanka xafiiskiisa ka dhacay ee Biixi iyo Farmaajo uu yahay bilowga qorshaha nabadda Geeska Afrika, waxaana uu ka codsadey Muuse Biixi in uu arintaas aqbalo. Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland oo si u diidan qorshahan, isla markaana si weyn u doonaya booqashada Abiy Axmed ee Hargeysa ayey ku noqotey laba daran mid dooro waxaana uu Abiy Axmed u sheegay in qorshahan uu oggolaadey shakhsi ahaan laakiin uu kala tashanayo Golaha Xukuumadiisa iyo Aqalka Guurida Somaliland.

Kulankii Farmaajo iyo Muuse Biixi waxyaabaha la isla gartey waxaa kamid ahaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu raaligelin toos ah ka bixiyo tacadiyadii taliskii Siyaad Barre ay ka geysteen gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, taas oo u noqon karta Muuse Biixi cudur-daar uu sheego in Soomaaliya raaligelin bixisey, inkasta oo qaabka ay Somaliland dooneysey aysan u dhicin ee ahaa in qaraar baarlamaan lagu soo saaro, dhanka kale Farmaajo ayaa dalbadey in Somaliland looga fadhiyo in ay raaligelin ka bixiso tacadiyadii Jamhaddii SNM ay ka geysatey gobolada Waqooyi qaarkeed taas oo aan weli ka soo bixin maamulka Somaliland. Haddaba hadalkii dhawaan ka soobaxay Madaxweyne Farmaajo ee ahaa cudur-daarka ayaa hor dhac u ahaa ayaa la dhihi karaa in loo oggolaado in uu booqasho ku tago Hargeysa.

Somaliland waxaa hor yaala fursad weyn oo ah booqashada Raysalwasaaraha Itoobiya oo siyaasad ahaan ay hadda aad ugu xirmeen in ay tahay muhim, laakiin booqashada waxaa ku laran Madaxweyne Farmaajo oo xiligii xafiiska loo dhaariyey ay ka harsan yihiin bilo qura oo keliya. Somaliland waa ku adag tahay in ay oggolaadaan Abiy Axmed oo keliya oo isagu ah ninka wata qorshaha booqashada Farmaajo ee Hargeysa, sidaas darteed waxay gelisey dirqi iyo ciriiri siyaasadeed iyo laba daran kala dooro, waxa taas u dheer sida ay shacabkooda ugu qancin karaan booqashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo ay og yihiin in Farmaajo aaminsan yahay in uu yahay Madaxweynaha Hargeysa sida uu u yahay in uu yahay Madaxweynaha Muqdisho.

Guusha Farmaajo.

Haddii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu booqasho ku tago Hargeysa waxay noqoneysa mid kamid ah guulaha ugu waaweyn ee uu ololaha doorashada ku galo isla markaana ku beddelo Sheekada siyaasadeed ee hadda jirta (Change the narrative), horey uma dhicin in Madaxweyne Soomaaliyeed booqdo Hargeysa kadib sideetamaadkii ee Maxamed Siyaad Barre, sidoo kale waxay alabaabka u fureysa wada hadal siyaasadeed oo dhab ah lagana wada hadlo midnimada dalka.

Waxay fariin cad u direysaa beesha caalamka ee ku daashey in ay Hargeysa iyo Muqdisho isugu keenaan miiska siyaasadeed, waxayna noqon kartaa albaabka ugu horeeya ee laga soo galo siyaasadda midnimada dalka.

Raysalwasaaraha ku guuleystey biladda Nobel Prize

Dr Abiy Ahmed ayaa sanadkii 2019 ku guulesytey abaal marinta caalamiga ah ee Alfred Nobel ee nabadda ee lagu bixiyo magaalada Oslo. Haddaba Abiy Axmed waxa uu dhisayaa aqoonsigiisa caalamiga ah waxaana arrintan u tahay qorshe kale oo uu nabadda uga sii shaqeyn karo loona arko in uu yahay shakshi keeni kara xal siyaasadeed, Abiy Axmed waxa uu dhawaan galayaa doorashooyin, waxaana dalkiisa uga furan dhibaatooyin aad u badan oo ay sababeen siyaasadaha qawmiyadaha, haddii uu ku guuleysto arrintan ee Somaliland iyo Dowladda federaalka ayuu muujinayaa in uu yahay siyaasi door muhim ah oo nabadeed ku leh Geeska Afrika.

Wejigabax Siyaasadeed Ee Muuse Biixi.

Haddii Madaxweyne Farmaajo u tahay guul siyaasadeed booqashada Hargeysa waxay weji gabax siyaasadeed ku noqoneysaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee kamid ah siyaasiyiinta hadalada beenta ah ku fogeeyey shacabkiisa isla markaana lagu doortey in uu ahaa Jamhad dhib badan u soo marey Somaliland.

Inkasta oo aysan horseedeyn kacdoon shacab, ama mid ciidan marka la eego qaabka siyaasadeed ee Somaliland u dhisan tahay, laakiin, waxay xoojineysaa in ay kor u kacdo awooda iyo dhaq-dhaqaaqa kuwa aamisan midnimada dalka una arka Somaliland in gooni istaageedi wax weyn lagu gaarey laakiin aqoonsi dal madaxbanaan aan marna la gaareyn.     

IGAD Iyo Dowladda Federaalka Oo Kulan Wadatashi Ah Ku Yeeshay Muqdisho+ SAWIRO.

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa magaalada Muqdisho kuyeeshay kulan wada-tashi ku saabsan hannaanka Ilaalinta nabad galyada iyo wada shaqeynta heer Gobol ee dowladaha kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Kulankan wada tashiga ah oo ay guddoomiyeen U qeybsanaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Isbahaysiga Badda Cas iyo Gacanka Cadan Mudane Balal Maxamed Cismaan, Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Amb. Cali Siciid Fiqi iyo Ergeyga Gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD Mudane Mohamed Ali Guyo ayaa daba-socda qodobbadii ka soo baxay shirkii 46-aad ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka IGAD ay ku yeesheen magaalada Jabuuti 27-kii bishii Febaraayo ee sanadkii 2019-kii.

U qeybsanaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Isbahaysiga Badda Cas iyo Gacanka Cadan Mudane Balal Maxamed Cismaan ayaa sheegay in Soomaaliya ay noqoneyso dalkii 4aad ee dalalka IGAD ee lagu qabanayo wadatashigan, iyadoo khubarada Soomaaliyeed ay so bandhigayaan qiimeyntooda ku saabsan mustaqbalka dhow iyo kan fog ee arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, fursadaha ku jira iyo caqabadaha ku xeeran.

Mudane Balal ayaa tilmaamay in dadaallada iyo wada tashiyada heer IGAD ay xoojinayaan Isbahaysiga Riyad ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo ay ku mideysan yihiin dalalka Soomaaliya, Sucuudiga, Urdun, Masar, Jabuuti, Ereteria, Yamen iyo Suudaan, maadaama afar ka mid ah dalalka Isbahaysigan ay ka tirsan yihiin Ururka IGAD.

Dhankiisa, Maxamed Cali Guyo oo ah Ergeyga gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadan ayaa sheegay in Soomaaliya ay kaalin weyn ku leedahay qorshe kasta oo heer Gobol ah oo ku saabsan amniga iyo xasilloonida marin badeedyada, maadaama ay leedahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer Gobolka.

Soomaaliya ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa Isbadellada siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee heer gobol iyo heer Qaaradeed.

Somaliland Oo Mar kale Diiday Farmaajo Inuu Ka Dego Hargaysa.

0

Warqadan ayaa xukuumadda Somaliland ku sheegtay inaysa raali ka ahayn inay soo dhawayso Madaxweynaha Somaliya.

Sida ay wararku sheegayaan madaxweynaha Somaliland Muuse biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu toddobaadkan uu hortego barlamaanka isagoo faahfaahin ka bixin doono Kulankii isaga iyo farmaajo ee Magaaladda Adis-ababa

24 Saac ee la soo dhaafay waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta qabsaday wararka la xiriira in Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku tegi magaalada Hargaysa isagoo ay wada socdaan Ra;isul wasaaraha Itoobiya Abi Axmed.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse biixi ayaa toddobaadkii hore yeeshay kulan qaatay 40 daqiiqo oo ka dhaqay xafiiska Ra;isul wasaaraha Ethiopia, kulankaasi oo aan weli war rasmi ah aan laga soo saarin.

Wadahadalada u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa muddo 3anno ah wauxuu ku jiray Hakad. Maamulka Somaliland ayaa 29 Sanno ka hor ku dhawaaqay inuu ka go’ay Somaliya inteeda kale.     

Ciidamo Ka Tirsan DF,ka Oo Ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Muqdisho.

0

Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ayaa geeriyooday ka dib markii baabuur ay wateen oo ah nooca dagaalka uu dulmaray Miino nooca dhulka lagu Aaso ah.

Qaraxan waxaa kaloo ku dhaawacyo ka soo gaareen tiro kale oo askartii saarnayd baabuurka oo xiliga qaraxu uu qabsaday marayay xaafada xoosha ee degmada Dharkeenley ee Magaaladda Muqdisho.

Dhaawaca askarta ayaa la geeyay cusbitaalada Magaaladda Muqdisho.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaasi, waxayna sheegeen inay ku dileen 3 askari oo ka tirsan milateriga federaalka sida ay ku faafiyeen baraha internetka ee Alshabaab.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Federaalka Somaliya oo ku saabsan qaraxan dhimashada iyo dhaawacu uu ka soo garay ciidamada dowladda.     

Mas’uul Ka Tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir Oo Lagu Helay Inuu La Shaqaynayay Al-shabaab.

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun xabsi ah ku ridday mas’uul ka tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir oo lagu helay in uu horey uga tirsanaa Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa shan sano oo xabsi ah ku ridday ku-simihii Agaasimaha Shaqadda Gobalka Banaadir, Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) oo lagu helay in uu ka tirsanaa Al-Shababa, isla markaana uusan soo marin habka is diiwaan gelinta Dadka ka haray fikirka Al-shabaab.

Mas’uulkan xukunka lagu riday ayaa laga soo dhex xiray xarunta gobolka Banaadir , waxaana xariggiisa yimid kadib qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng; Cabdiraxmaan Yariisow.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayay maxkamadda fartay in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa Cabdullaahi Cabdiraxmaan Maxamed oo maxkamadda ciidamada sii deysay kadib markii dambe lagu waayay.

Dhinaca kale Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa dambi ku weysay Cabdulaahi Cabdi raxmaan Maxamed oo walaalo ahaayeen Basiira oo Agaasimo ka ahayd Gobolka Banaadir oo lagu eedeeyay in qaraxii xarunta ka dhacay ay iyadu ka dambeeysay, iyadoo laamaha ammaanka dowlada Soomaaliya ay maxkamadda fartay in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa Cabdullaahi Cabdiraxmaan Maxamed oo maxkamadda ciidamada sii deysay kadib markii dambi lagu waayay.     

Gudoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Oo Ka Hadlay Safarka Madaxweyne Farmaajo Ee Hargaysa.

0

Saleebaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Golaha Guurtida Soomaaliland ayaa ka hadlay wararka soo baxayay oo sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu tagayo Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

Gudoomiye Saleebaan ayaa sheegay in Somaliland cadaadis iyo codsiyo dhowr ah uu so jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, kana codsaday inay labaduba yimaadaan Magaalada Hargeysa, sidu sheegay
Gudoomiye Saleebaan ayaa xusay in Xukuumadda Soomaaliland diidey in Madaxweyne Farmaajo uu yimaado Hargeysa.

Hadalka Gudoomiyaha Guurtida Soomaaliland ayaa imaanaya xilli warbaahinta qaarkeed iyo baraha bulshada lagu daabacay in  golaha  Wasiiradda Somaliland ay cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen soo jeedinta Madaxweyne Muuse Biixi ee ahaa in uu Hargeysa ka dago Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.     

 

Dowladda Federaalka Iyo Saddex Maamul Goboleed Oo Shir Uga Socda Muqdisho.

0

Shir ay soo qaban qaabiyeen wasaaradda Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,isla markaana ay ka qeybgalayaan Wasaraddaasi iyo Wasaaradaha Hawlaha Guud ee Saddex maamul goboleed maamul goboleedyada ayaa maalintii labaad  ka socda magaalada Muqdisho.

Shirkaasi oo sidoo kale ay ka qeybgalayaan Hay’adda UNOPS,waxaa looga  wada tashanayey mashruuca tayaynta Shaqaalaha Wasaaradaha Hawlaha Guud SSIWPP,Waxaana ka qaybgalay Madaxda Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasiirada Hawlaha Guud ee Maamul goboleedyada dalka, iyo Xubno kasocday UNOPS ee Qaramada midoobey ee dhinaca mashaariicda.

Mudane Jamaal Xasan Cismaan wasiir kuxigeenka Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeedinayay furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in wasaaradaha Howlaha guud ee heer Federaal iyo heer Dowlada gobaleed ay wadashaqeyn buuxda ay ka dhexeyso,wuxuuna intaasi ku daray in shaqooyin badan ay si wada jir ah u soo qabteen,ayna ku guuleysteen.

Inta uu socdo shirkan ayaa diiradda ;lagu sari doonaa sare u qaadista heerka aqooneed ee shaqaalaha wasaaradda Howlaha guud ee DFS iyo kuwa dowlad gobaleedyada,waxaana hadafka ugu weyn uu yahay in shaqaalaha ay noqdaan kuwo khibrad iyo aqoon durugsan u leh adeegyada ay qarankooda u qabanayaan.

Axmed Nur Sheekh Maxamed oo ah wasiirka Howlaha guud ee Koonfur Galbeed oo ku hadlay magic dowlad gobaleedyada ayaa ku ammaanay Madaxda wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya wadashaqeynta ay la leedahay wasaaradaha kale ee heer dowlad gobaleed.

Shirkan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah waxaa ugu dambayn laga soosaari doonaa war murtiyeed ku saabsan ahmiyadda shirkan.