Thursday, May 1, 2025
Wasiirka Wasaaradda ariimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in go'aan adag ka qaadan doonto dowladda Soomaaliya sii joogitaanka dalka ee sii hayaha madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AUSSOM, kaasoo uu ku eedeeyey inuu  taageere u yahay Al-Shabaab. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Danjire...
Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise, oo hoggaamiye sare ka ah kooxda Daacish. Khadra Ciise, oo loo yaqaano Ummu Qacqaac Soomaaliya, xogteedana lagu daabacay bogga waaxda...
Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar  dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray kooxda Daacish, iyadoo ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen sida ay sheegeen saraakiil ciidan, hub tiro badan iyo saldhigyo istaraatiiji...
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni aan calan wadan iyo dooni kale oo yar oo taageero siinaysay. War kasoo baxay AFRICOM ayaa xaqiijiyay in hubkaasi loogu...
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan duqeynta ahaa waxaa iska kaashaday ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ee AFRICOM, kasoo u jeedkiisu ahaa ciribtirka kooxda Al-shabaab oo...
Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab. Dagaalka oo laisku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa bilowday aroornimadii...
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-dubbaridka Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo (OCHA) ayaa sheegay in tirada dhacdooyinka xaddidaya helitaanka gargaarka bani’aadannimo ee Soomaaliya ay hoos u dhaceen 29% saddexdii bilood ee ugu horreysay 2025, iyadoo la diiwaangeliyay 44 dhacdo, marka loo eego 62 dhacdo oo la diiwaangeliyay bishii Oktoobar ilaa Diseembar ee...
Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda Arrimaha Dibadda. Xogta ay heshay CNN ayaa sidoo kale sheegaysa in Washington ay dhimayso awoodda safaaradaheeda Soomaaliya iyo Ciraaq, iyadoo...
 Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac weyn oo la xiriira mustaqbalka howlgalka caalamiga ah ee la dagaallama kooxda Al-Shabaab. Diidmada Mareykanka ayaa imaaneysa iyadoo Golaha Ammaanka...
Waxaa magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan gaaray ciidamo cusub oo ka socda dalka Jabuuti kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka cusub ee AUSSOM, waxaana la geeyay Buula Burde iyo Jalalaqsi oo ah labada magaalo ee istiraatiijiga ah ee gobolka Hiiraan. Taliyaha Qeybta Afaraad ee howlgalka AUSSOM, Col. Saciid Waaberi iyo...