Markabka Turkiga ee Oruç Reis ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo Soomaaliya dhammaadka todobaadkan, sida uu sheegay wasiirka tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah Alparslan Bayraktar.
Wasiirku waxa uu ku dhawaaqay hawl-galkan shir ka dhacay caasimadda Ankara 2-dii Oct.
Tallaabadan ayaa waxay daba socotaa heshiis ay Turkiga iyo Soomaaliya kala saxiixdeen oo...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta isugu yimid shir deg deg ahaa ayaa ansixiyey soo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha oo la xariirtay inuu noqdo Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad.
Agaasimaha cusub ee hay'adda NISA ayaa xilkaan kala wareegi doona Agaasimahii...
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la kulmay cambaareyn uga timid mas'uuliyiin iyo ururrada xuquuqda Muslimiinta kaddib markii uu baraha bulshada ku baahiyay muuqaal ay ka muuqdaan carruur Soomaaliyeed oo xijaaban, kuwaas oo ka qeybgalayay munaasabad qalin-jabin ah oo ka dhacday dugsi ku yaalla gobolka Minnesota.
Muuqaalka oo socday 14 ilbiriqsi...
Ciidmaada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysnaa ku dilay horjooge sare oo ka tirsana Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan xadka gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.
Horjoogaha howlgalka lagu dilay ayaa lagu macaabi jiray Axmed Sheekh Cumar oo horay u soo noqday guddoomiyihii kooxda ee deegaanka...
Josep Borrell Fontelles oo ah madaxweyne ku xigeenka ahna u qeybsanaha Midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda, ayaa kulan qadka taleefoonka ah la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wax looga qaban lahaa xiisadaha ka taagan gobolka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo la...
Wasiirada Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya inay meesha ka saartay wadashaqayntii ay la lahayd dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir
Warqad ay si wada jir ah u soo saareen ayay ku sheegeen inay walaac ka qabaan fashilinta Wasaaraddu ee fulinta mashaariicda horumarinta caafimaadka, gaar...
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku shaaciyay in wadaxaajoodkii uu la lahaa Dawladda Federaalka Soomaaliya uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan, kaddib maalmo wadahadalladu socdeen.
Goluhu wuxuu sheegay in wadahadalka uu ku galay niyad-wanaag iyo mas’uuliyad qaran, si xal loogu helo xaaladaha adag ee dalka ka jira,...
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku shaacinayso tallaabooyin cusub oo lagu adkaynayo nidaamka warbaahinta iyo amniga, kaas oo warbaahinta aan ruqsada haysan ka mamnuucaya hawlaha warbaahineed.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Wasaaraddu waxay sheegtay inay gudanayso waajibaadkeeda dastuuriga ah isla markaana fulinayso awoodaha uu siinayo...
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku ay afartii weerar ee ugu dambeeyay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya toddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo duqeymahaasi lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.
Sida ay AFRICOM ku sheegtay war-saxaafadeedkeedi, weerarrada ayaa dhacay 14-kii, 16-kii, 18-kii iyo 19-kii Juun, Hay’addu ma...
Dowladaha Qatar, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Mareykanka, ayaa xaqiijiyay inay taageerayaan madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, madaxbannaanida dhuleed, iyo midnimada waxayna ku celiyeen baahida loo qabo in la yareeyo xiisadaha gobolka iyada oo loo marayo dadaallada dhexdhexaadinta ee uu Turkigu wado.
Wakiillo ka socday dowladahan oo ku...


















