Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah u soo saaray go'aano laga gaaray cabashada Darawalada ku shaqeysta Mooto Bajaajyada ee la xariirtay lacagta lagu qaadanayo leysinka wadista gaadiidka.
Go'aanada kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa yimid kadib markii laba maalmood oo...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay gudaha magaalada Buula burte ee gobolka Hiiraan.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay maqaaxi lagu shaaho oo ku taala bartamaha magaalada, taasoo ay fariisan jireyn dad u badan askar iyo macawiisleey.
Hal ruux ayaa...
Markabka Turkiga ee Oruç Reis ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo Soomaaliya dhammaadka todobaadkan, sida uu sheegay wasiirka tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah Alparslan Bayraktar.
Wasiirku waxa uu ku dhawaaqay hawl-galkan shir ka dhacay caasimadda Ankara 2-dii Oct.
Tallaabadan ayaa waxay daba socotaa heshiis ay Turkiga iyo Soomaaliya kala saxiixdeen oo...
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi Axmed iyo dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha dalka Masar Dr. Badr Abdelatty ayaa maanta oo Jimco ah magaalada Muqdisho si rasmi ah uga daah furay khad duulimaad toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo...
Soomaaliya ayaa sheegtay in Masar ay u yaboohday in ay ciidamo nabad ilaalin ah geyso dalkeeda, si ay isaga kaashadaan amniga.
Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sissi ayaa Khamiistii shalay ka qeyb galay shir madaxeed ka dhacay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaasi oo isaga iyo madaxda Soomaaliya iyo Eritrea...
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay taageerayaan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu qabsado doorasho uu maamulkiisa u madax bannaan yahay.
“Waxaan rabaa inaan halkaan ka caddeeyo inaan garab iyo gaashaan u nahay Jubbaland oo goosatay inay doorashadeeda sida sharcigu iyo nidaamku yahay ku qabsato. Waxaan ku boorinaynaa...
Itoobiya ayaa ciidamo badan oo gaashaaman ku daabushay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, kadib markii Masar ay Soomaaliya la saxiixatay heshiis milateri kaasoo 10,000 oo askari oo Masar ah lagu geynayo Soomaaliya.
Xiisadan ayaa timid kadib markii Itoobiya ay bilowday wajigii 5-aad ee buuxinta biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam...
Wajigii 3aad ee wadahadalada Ankara ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee loo ballansanaa 17-ka Sebtembar, ayaa dib loo dhigay, lamana oga sababta.
Baaqashada shirkaan ayaa kusoo aadday iyadoo labada dal ay hawada isku marinayaan hadalo xanafleh oo saamayn ku yeelan kara sii socoshada wada xaajoodka Ankara.
Labada dal ayaa horey...
Dowlada Itoobiya, ayaa ka fiirsanaysa in ay shidaalka kala soo dagto dekeda magaalada Berbera ee Somaliland, sida lagu baahiyay qaybo badan oo kamid ah warbaahinta madaxa bannaan ee Itoobiya.
Agaasimaha Guud ee Suuqgaynta iyo Cilmi-baadhista Saliida ee Hay'adda Maamulka Saliida iyo Tamarta Itoobiya, Ato Lemesa Tulu, ayaa sheegay in hoos...
Khubarada ammaanka ayaa ka digaya in xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ay halis ku tahay xasiloonida gobolka Geeska Afrika, islamarkaasna ay fursad u abuurayso Al Shabaab.
“Soomaaliya, oo ah dal markii horeba hubku ku badnaa, waxaa hadda laga dareemayaa in hub badan la soo dejinayo iyada...