Monday, January 19, 2026
Puntland ayaa digniin xooggan u dirtay cid kaste oo hub sidata oo aan kamid ahayn hay’adaha amniga, iyadoo sheegtay in aan hadda kaddib laga leex leexan doonin in tallaabo laga qaado. Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland, Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay, in ay tallaabo ka qaadidoonaan cid kaste oo hubaysan...
Guddi loo xilsaaray baarista dilkii Nabadoon Cumar Cabdullaahi Axmed ayaa soo saaray warbixin dhamaystiran oo ku saabsan dhacdadii lagu dilay caaqilka, taas oo ay ku caddeeyeen xogihii ay ururiyeen hay’adaha amniga Puntland iyo marag-furistii la helay. Warbixin rasmi ah oo ay soo saareen guddigan ayaa lagu sheegay in Caaqil Cumar...
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Talaado ah go’aan ka gartay labo Agaasime oo hore oo ka tirsanaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaddib markii lagu soo eedeeyay eedeymo la xiriira musuq maasuq, iyadoo horey ugu xukuntay saddex sano oo xarig ah. Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, Siciid Cali Maxamed,...
Soomaaliya ayaa rajeynaysa in aan lagula tartami doonin doorashada kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sida ay ku waramayaan ilo diblumaasiyeed oo dowladda katirsan. Warar aan si dhab ah weli loo xaqiijin ayaa sheegaya in uusan jirin dal kaloo Afrikaan ah oo Soomaaliya tartan kula galaya...
Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucayo in dhismooyin dhaadheer laga dhiso nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Degmooyinka kala ah Xamar weyne, Xamar jajab, Waaberi, Wadajir iyo Dharkeynleey qeybta Jasiira oo dhamaatood ka agdhaw garoonka diyaaradaha ayaa laga mamnuucay in laga dhiso dhismooyinka dhaadheer."Laga...
Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ayaa hada laga siidaayay jeelka Madheera, kadib markii ay Maxkamada Sare ee Somaliland amar ku bixisay siidayntiisa. Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Xuseen Mirre Giirre, ayaa warbaahinta u caddeeyay in xabsiga laga siidayay xildhibaanka kadib amarka kasoo baxay maxkamada. Giirre waxa uu sheegay in maxkamadu uga...
 Ciidamo katirsanaa Jubbaland oo ku sugan degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa ku biiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed sida laga sheegay kulan lagusoo bandhigay  ciidamadan. Taliyaha guutada 10aad, qeybteeda 43aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Baladxaawo oo ciidamada la hadlay ayaa u sheegay in maanta...
Madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka madasha wadatashiga qaran. Shirkaan oo daba socda shirkii bishii september ay yeesheen dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ayaa looga arrinsanayaa arrimaha hortebinta u leh dowlad dhiska, iyo...
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay in saraakiil darajo sare leh oo katirsan ciidan Danab lagu qabtay iyagoo gacmaha kula jiray musuq maasuq ka dhan ah raashin loogu talo galay hal guuto oo kamid ah ciidanka Danab. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hadalkan ku sheegay wareysi siiyay universal Tv, isagoo...
Qaramada Midoobay ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay xubinimada Soomaaliya ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025-2026. “Soomaaliya waxay soo martay waddo dheer soddonkii sano ee la soo dhaafay iyadoo ku socotay waddadii nabadda, barwaaqada, iyo amniga. Doorashada kursi ka mid ah golaha ammaanka waa aqoonsiga horumarkaas la mahadiyo,”...