Wednesday, March 19, 2025
Inta la xaqiijiyay laba caruur ah ayaa ku geeriyootay roob xoogan oo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ka da'ay gudaha magaalada Muqdisho10 saacadood oo xiriir ah. Roobkaan oo ahaa kii ugu xoogana ee ka da'a mudooyinkaan dambe gudaha magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac, burburka guryo...
Weerarada kooxaha Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto ka geysanayaan badda cas ayaa fursad u noqotay kooxaha burcad badeeda Soomaalida, iyadoo burcad badeedda tiro ahaan iyo awood ahaanba ay sii kordhayaan, sida uu sheegay taliyaha howlgalka ciidamada badda ee Midowga Yurub. Xuutiyiinta Yemen ayaa sanadkii hore bilaabay inay weeraraan maraakiibta ku...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedyada macno darrada ah ee ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo. Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa maamulka goboleedka Jubaland ay qaadayso tallaabooyin degdeg ah oo lagu...
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa qabtay hub ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado is-miidaaminta, kuwaas oo aan horay loogu arkin gudaha dalka. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale xiray toddobo qof oo la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin al-Shabab ama Daacish, kaddib howgallo lagu baaray kolonyo gaadiid...
Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday awaamiir cusub oo lagusoo rogay maraakiibta isticmaala biyaha Soomaaliya, iyadoo awaamiirtan looga dan leeyahay in lagu kordhiyo sida dowladdu sheegtay, kormeerka iyo xakameynta dhul-badeedka Soomaaliya. Dhammaan maraakiibta soo galaya biyaha Soomaaliya ayaa lagu amray in ay ka babadaan calanka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa qayb ka ah istaraatiijiyad...
Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay, dowladda Masar inay danaheeda gaar ah ka leedahay faragelinta arrimaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay fursad weyn u aragto in ay danaheeda ku difaacdo Wabiga Niil. “Masar way na dhex martay, dabcan danteeda ayay leedahay, wabiga Niilkeeda ayay...
Maxkamadda sare ee Ciidmada Qalabka Sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday laba askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya. Maxkamadda ayaa xukun dil toogasho ku riday Dable Nisa Mahad Cali Cabdi oo ah qisaasta Marxmuun Cabdiraxmaan Cismaan Muuse, halka Dable Bol Cadnaan Muuse Maxamed Maxkamaddu ku xukuntay...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay la wareegtay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Kooxda Al-shabaab ayaa la sheegay in galabta ay si nabad ah kula wareegtay gacan ku heynta deegaanka Ceelbaraf. La wareegista Al-shabaab ee deegaanka Ceelbaraf ayaa kusoo aadeysa, kadib markii kooxdu...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 5-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa jeediiyay khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabaneysay, sida arrimaha doorashada, Dastuurka, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo dagaal beeleedyada dalka kusoo laablaabtay. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud...
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shaaca ka qaaday inuu bilaabay baaritaan ku saabsan fal dil ah oo ka dhacday degmada Buulo Mareer 17-kii July 2024. Dhacdadan ayaa  sababtay dhimashada laba qof iyo dhaawaca mid kale. ATMIS waxay qiratay eedeymaha ah in ay ciidamadooda si kas ah u dileen...