Sunday, February 15, 2026
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Bujumbura ee Caasimadda dalka Burundi halkaas oo uu kulan kulan qaatay dhigiisa dalkaas Évariste Ndayishimiye. Labada madaxweyne ee dalalka Soomaaliya iyo Burundi ayaa kulan ay ku yeesheen madaxtooyada dalka Burundi kaga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal,...
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Magacaabay Guddiga Madaxa banaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland. Xubnaha Guddiga ayaa ka kooban todobo xubnood waxaana uu faray in ay soo diyaariyaan doorasho dad ban xilli Dowladda Federaalka ay diiday in dalka laga qabto wax aan ka aheyn Doorasho...
Warbixin cusub oo ay daabacday Financial Times ayaa sheegaysa in shirkadda caalamiga ah ee la-talinta ah ee Boston Consulting Group (BCG) ay diyaarisay qorshe muran badan dhaliyay oo lagu eegayo suurtagalnimada in dadka Gaza qaarkood loo raro meelo ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Somaliland. Warbixinta ayaa sheegtay in qorshahan...
Dowladda Jabuuti ayaa markale muujisay sida ay uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo ku dhawaaqday qorshe ay kusoo dirayso ciidamo dheeraad ah si ay uga hortagaan hanjabaadaha joogtada ah ee ay wadaan kooxda Al-Shabaab. Wakiilka joogtada ah ee Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobay, Mohamed Siad Doualeh, ayaa...
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in doorashada madaxtooyadu dhicidoonto xilligii ay iyagu u gartaan inay ku dhacdo. Wasiirka  ayaa caddeeyay in Puntland aysan dib ugu laaban doonin doorasho qabiil, isagoo sheegay go’aanka doorashada inuu horyaallo guddiga doorashada iyo xisibiyada soo baxa. “8 january, 24 sano ayaa qabiil wax...
Somaliland iyo Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ku kala saxeexday heshiis ay Itoobiya Somaliland ugu tababarayso ciidamo booliis ah oo cusub. Heshiiska oo lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa lagu sheegay in ay dhanacyadu gaadheen heshiis ku saabsan tababarada ciidamada booliiska. "Hoggaanka Tababarka Ciidanka Booliska JSL Gen. Cabdi...
Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa todobaadkii labaad oo xiriir ah howlgalo ka dhan ah dadka baraha bulshada ka dhex sameeya anshax xumada iyo kicinta dadweynaha ka wada gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu...
Kulan ay yeesheen guddiga amniga qaranka oo uu shir gudoominayay madaxweynahaa dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa lagu go’aamiyay in maxkamad lasoo taago dadkii hubka sharci darrada dhawaan dalka soo galiyay. Guddiga Amniga Qaranka ayaa wasaaradda caddaaladda iyo hay’adaha sharci fulinta u xilsaaray in ay soo gudbiyaan warbixin faahfaahsan iyo...
Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Golaha aqalka sare usoo gudbiyay qoraal ku saabsan inuu xubinimadii aqalka sare lumiyay raysal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac. Kulanka aqalka sare ayaa laga sheegay in Senator Saalax Jaamac uu maqnaa 4 kalfadhi oo xiriir ah, isagoo...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil si  aad ah looga argagaxay oo maanta ka dhacay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, kadib markii nin dhalinyaro ahaa uu si arxandaro ah u dilay Xaaskiisii. Ninka dilka geystay oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa Xaaskiisa ku dilay Tooreey oo...