Monday, March 30, 2020
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay isbedelka hoggaamineed ee dalka ka dhacay in uu keeni karo nidaam, nabad iyo hormar. Waxaa uu sheegay mar walba in loo baahnaa in dalka uu ka dhaco isbedel, isagoo sheegay Madaxweynaha cusub oo in uu ka rajeynayo isku keenida...
Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoogan galinkii danbe ee shalay uu ku dhex maray duleedka Waqoyi ee degmadaas ciidamada Militariga Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab. Dagaalka  ayaa bilowday kaddib markii weerar lagu soo qaaday ciidamo fariisin ka dhigtey Haan Sheekh...
Hay’addaha amniga dowladda Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in ay soo bandhigaan baaritaanka socda lagu wadaa inay soo bandhigaan natiijada baaritaanka qaraxii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho. Saraakiisha hay’addaha Amniga ayaa la sheegay in ay soo gabagabeeyeen xog uruurinta Qaraxii Zoobe, saacadaha soo socdana la wadaagi doonaan...
bka ku adkeysay mawqifka ay ka taagan tahay sida loo xiraayo xeryaha Dhadhaab. Shalay ayaa Wasiirada Arimaha Dibada ee Kenya, Aamina Maxamed ay sheegtay in durba ilaa hada ay laabteen 16000 oo qaxootiga Dhadhaab ka tirsanaa isla markaana inta hadhay la celin doono- hadba in. Waxay intaasi ku dartay in hannaanka celinta qaxootiga ay taageerayaan dawladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo weliba...
Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta billababay inay dhageystaan khudbadaha Musharraxiinta u Tartamaya Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee dhismihiisu socdo. Musharraxiinta u tartamaya xilka ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 29-xubin oo ay ku jiraan Toban Haween ah. Waxaana laga doonayaa inay xubnahaan kasoo baxaan 11-xubnood oo laga doonayo Puntland. Sidoo...
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magacaabay 24 masuul  oo iskugu jiray kuwo cusub iyo kuwii hore usii joogay oo uu dib u magacaabay. Mas'uuliyiintan la magacaabay ayaa u badan agaasimeyaal guud, waxaana markii hore xilka hayey masuuliyiintii hore ee la shaqaynayey madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo. Sidoo kale,waxa xilkii...
Dawlada Soomaaliya ayaa safaaradeedii Yemen ka rartay caasimadii Yemen ee Sanca una rartay Cadan. Cadan ayaa haatan ah caasimada kumeel gaarka ah ee Yemen ee dawlada sida waziirka arimaha dibada ee Yemen uu asbuucaan sheegay. Dawlada Yemen ayaa wakaalada wararka ee dalkaa ee SABA u sheegtay in tillaabada Soomaaliya ku...
                        Waxaa goordhow magaalada Kismaayo soo gaaray madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, ayadoo  la filayo in saacadaha nagu soo aadan uu magaalada Kismaayo soo gaaro wafdi ka socda dowlad goboleedka Puntland. Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Max'ed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)  ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha...
Maamulka iyo Bulshada Degmada Buula-burte ayaa dhawaan ka dalbaday Mas'uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furo jidadka xiran ee soo gala degmadooda. Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan, Xasan Maxamed Ibraahim , ayaa sheegay maanta inuu jiro qorshe gaar ah oo...
Waxaa lagu guuleysan la’ yahay in damiyo dab xoogan oo saqdii dhexe ee xalay qabsaday qeybo badan oo ka mid ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, halkaa oo ay saakay isugu tageen inta badan ganacsatada reer Muqdisho oo ku dadaalaya sidii dabka loo damin lahaa. Gaadiidka dab damiska ayaa...