Monday, March 30, 2020
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey uqaabilsan soomaaliya Ambassador Micheal Keating ayaa hambalyo waxaa uu udiray afhayeenka cusub ee Golaha shacabka, kaa oo shalay Muqdisho lagu doortay. Ambadr Keating ayaa sidoo kale ku amaanay xildhibaanada Golaha shacabka qaabka daah-furnaanta leh ee ku guteen waajibkooda. Dhanka kale Micheal Keating ayaa u mahad...
Iyadoo Beryahanba ay Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasaddu ay Kormeerayeen Xarumaha Xisbiyada Siyaasaddu Ku Leeyihiin Caasimadda Muqdisho Ayaa Maanta Waxa ay Kormeer Ku Tageen Xarumaha Shan Xisbi Siyaasadeed,kuwaasoo Si Heer Sare ah ay Madaxda Xisbiyadu ugu Soo Dhaweeyeen Gudiga iyo Xubnaha Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada...
Barta Facebook-ga ee bulshada Dunidu ku xiriiraan ayaa dhawaan soo kordhin doonta Fal-celinno Cusub oo la mid ah ereyga ‘Like’ ee Qofku doorto marka wuxuu jeclaado uu ku arko barta Facebook-ga. Dhawaan ayaa Dadka Facebook-ga isticmaala waxay awood u yeelan doonaan inay adeeg-sadaan ereyo ay ka mid yihiin ‘Angry’ oo...
Magaalada Hargeysa ayaa waaxa lagu soo bandhigay Buug cusub oo ka hadlaya suugaantii Abwaanka weyn ee Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey) kaas oo loo bixiyey Bad macaan. Daah-furka buugga Bad Macaan oo lagu qabtay hotel Maansoor, ayaa waxaa kasoo qayb-galay madaxweyne ku xigeeenka Somailand C/raxmaan Saylici, guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse...
Haweenka Soomaaliyeed waa in ka badan kala bar bulshada Soomaaliyeed, waxay kaalin muhiim ah ka qaataan dhammaan qeybaha nolosha ee kala duwan iyagoo marwalba tilmaam u noqday hufnaan, karti iyo horumar. Haddaba maxaa hor istaagan in haweenku kaalin mug leh ka qaataan siyaasadda dalka? Kulan looga doodayay kaqeyb-galka haweenka ee...
Ku dhawaad 25 xisbi siyaasadeed ayaa sameystey dalad ay si wada jir ah ugu shaqeyn doonaan taas oo loo bixiyey ISBAHEYSIGA XISBIYADDA SIYAASADA SOOMAALIYA. Isbaheysigan ayaa waxa uu ka koobanyahey xisbiyo siyaasadeed oo dalka ka jira,waxeyna madaxdoodu iku raaceen in la mideeyo aragtida xisbiyada ee ku wajahan doorashooyinka soo socda...
Dab xooggan ayaa xalay ka kacay Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, sida Ganacsato ay u sheegeen WARARKA WARSOM Gawaarida dab demiska ee maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa ay leeyihiin shirkado gaar ah ayaa ku guuleystay deminta dabka. Dabka ayaa la sheegay in uu ka dhashay Koronto Qaldantay, waxaana dabka uu...
Madaxwynaha dalka Turkiga, Recap Tayyib Erdogan ayaa uga baaqay dalalka muslimiinta ah ee caalamka inay u midoobaaan dagaalka kooxaha argagixisada ah lagula jiro. “Muslim ahaan…. waxaa inoo taalla hawl muhiim ah oo ah inaan dhamaanteen u midowno dagaalka ka dhan ah kooxaha argagixisada sida; Daacish, Al-Qaacida, Boko Haram iyo Al-shabaab;...
Gudiga Madaxa Banaan oo Ay Horkaceyso Gudoomiyaha GMDQ Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey) iyo Xubno Ka Socdey Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Ayaa Maalintii Afaraad Waxey Kormeer Ku Tageen Xarumo Xisbiyo Siyaasadeed uu Kamid ahaa Xisbiga Shaqaalaha Soomaaliyeed Iyadoo ay Halkaasi Kula Kulmeen Madaxda Xisbigaas uuna Hormuud u Ahaa Gudoomiye Kuxigeenka...
Munaasabad lagu caleemo-saarayay Imaamka Beesha Ajuuraan, Imaamka Caabduqaadir Maxamuud Sh. Muxumed oo ay qayb-galeen Ugaaso, Salaadiin, Garaadyo, Nabadoono, Culima’udiin, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween iyo marti-sharaf kale ayaa ka dhacday Muqdisho. Munaasabada waxaa ugu horreyn ka hadlya Maxamuud Sheekh Xasan oo ka mid ahaa guddiga qaban-qaabada xafladda, isagoo ku dheeraadey Taariikhdii Imaamyadii...