Saturday, April 4, 2020
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ku raadjoogta dad looga shakiyay inay la kulmeen qofkii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Corona gudaha dalka. “Waxaa la raadinaya oo lagu daba jiraa..muwaadinkii koowaad markii  laga helay..cid alaale ciddii la fadhiday diyaaradda ama u dhaweyd ama  xiriir toos...
Diyaarad yar oo ka timid xaga Jabuuti ayaa maanta oo Isniin ah  iyo khamiistii dul wareegaysay gobolka Sanaag iyo Sool, taas mararka qaarkood joog hoose ku duulaysa. Diyaaradan oo u muuqatay mid sahan ah ayaa maalmahan dambe dul heehaabaysay gobolada Sool iyo Sanaag, taas oo aan wali la aqoonsan dalka...
Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa waxay sheegtay inay joojinayso dhammaan shaqooyinkii ay u haysay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya. Arintaan ayaa daba socota kadib markii Kenya ay mamnuucday dhamaan goobaha isku imaatinka dadweynaha sababo la xiriira faafitaanka coronavirus. Kenya waxay haatan xaqiijisay 15 kiis oo ah COVID-19.Badi safaaraddaha caalamka...
Puntland ayaa amar ku bixisay in la xiro masaajidda muddo 2 usbuuc ah si looga digtoonaado halista Caronavirus. Wasiirka wasaaradda Cadaalada iyo arrimaha diinta Puntland Cawil Shiikh Xaamud oo ka hadlay shir jaraa,id oo ay qabteen guddiga hortaga covid-19 ayaa amarkaan ku shaaciyey. Wasiirku wuxuu sheegay inay qaadayaan tilaabo kasta oo...
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa albaabada laysugu dhufanayay masaajid ay leeyihiin muslimiinta iyadoo lagu marmarsiyoonayo xadeynta cudurka Carona Virus. Sheekh Xasaan ayaa ugu baaqay culimada muslimiinta iyo jaaliyadaha soomaalida ee dalka dibaddiisa ku dhaqan in aysan masaajidda xirin balse ay si kale uga taxadaraan Carona Virus. Hoos ka Daawo Kalimadda Sheekh Xasaan      
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo soo saaray War-saxaafadeed ayaa lagu sheegay in la fasaxay duulimaadyada caalamiga mudda laba maalmood ah, Wazaarada Ayaa Arinkaasi Ku Sheegtay si loo soo qaado mawaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran garoomada diyaaradaha, kadibna uu sii socon doono go’aanka xayiraada duulimaadyada caalamiga ah, si looga hortago...
Wasiirka Maaliyadda XFS  Dr Cabdirahman Ducaale Beyle ayaa qadka isgaarsiinta (Video Conference) kula shiray masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Russia oo ka mid ah Dowladaha Soomaaliya deynta kuleh. Dhinaca Dowladda Ruushka waxaa shirka fadhiyay Wasiir ku-Xigeenka Maaliyadda oo lagu  TIMUR MAKSIMOV waxaa looga hadlay dadaalka dowladda Soomaaliya...
Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xafiiskiisa kula kulmay maamulka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah ganacsatada Gobolka Banaadir. Raysal-wasaaraha ayaa kala hadlay sida la iskaga kaashan karo ka hortagga faafidda cudurka Coronavirus ee sida safmarka ah u saameeyay caalamka. Kulanka ayaa sidoo kale...
Gelinkii danbe ee Galabta Waxaa Magaalada Garoowe shir jaraaid ku qabtay Waftigii ka socday Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan golaha wasiirada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Waftiga ayaa soo saaray 4 qodob oo ay kaga aragti dhiibanyeen shirkii wada-tashigga Puntland ee dhawaan...
Howlgal ciidanka gaarka ah ee xoogga dalka ay ku fuliyeen duleedka deegaanka Janaalle ee gooblka Shabeelaha hoose ayay ku gubeen gaari walxaha qarxa ay ka soo buuxiyeen kooxda Alshabaab, Gaariga xamuulka ah ayaa ciidamadu sheegeen in Alshabaab  ku doonayeen in ay ku soo weeraraan gudaha magaalada Jannaale Ciidanka waxay kaloo sheegeen...