Sunday, March 29, 2020
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee dhalinyaradda aduunka oo sanad walba la qabto 12-ka bisha Ogoosto oo ku beegeyd shalay. Munaasabada ayaa waxaa soo qaban-qaabiysay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qayb...
Suuqa degmada janaale ayaa maanta waxaa lagu tuurey bambo gacmeed iyadoo ay ku dhinteen tiro sadex qof halka sideed qof oo kale la sheegey in ay ku dhaawacmeen. Markii qaraxu dhacey ayaa goobta waxaa soo gaarey ciidamo kuwa dawlada ka tirsan ah,waxaana la sheegayaa in la qabtey nin la sheegey...
  Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya mudnaanta koowaad siineyso arrimaha dib-u-heshiisiinta. Wasiir Juxa ayaa sheegay in wax yaabaha leysku hayo yihiin kuwo kala gadisan laakiin guud ahaan marka la eego u baahan in laga wada hadlo si leyskula meel...
Labada dowladood ee deriska ah Congada Dimoqraadiga ah iyo Ugandha ayaa markii ugu horeysay shaaciyey in kooxda falaagada ah ee ADF oo ka dagaalanta xadka labada dal ay keensatay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo gacan siinaya. Saraakiisha dowladaha Congada Dimoqraadiga ah iyo Ugandha ayaa sheegay in hogaamiyaha Jabhadaas uu dhowaan...
Ciidan ka tirsan kuwa AMISOM ee ka Hawl-gala Gobolka Shabeellada Hoose ayaa la sheegay inay maanta toogasho ku dileen Afar qof oo rayid ah oo ay ku jireen Haweeney waayeel ah iyo Gabar yar oo sagaal jir ahayd, kuwaasoo Gaari yar watay. C/waaxid Macallin Ismaaciil oo la hadlay Warbaahinta ayaa...
Ciidamada Nabad Sugida iyo Kuwa AMISOM ayaa saaka howl galo baaritaano Ah ka wada degmooyinka Hodan iyo Dayniile halkaasoo xalay lagu weeraray saldhigyada ciidamada Dowlada. Ciidamada ayaa Saakay aroornimadii hore ee ku dheelmaday Xaafadaha Shiirkole, Al baraka, Warshadii Caanaha, nawaaxiga Wasaaradii Gaashaandhiga iyo Degmada Dayniile Xaafado Ka Tirsan. Sido Kale Wararka...
Ciidamada Jabuuti ee B/weyne ku sugan ayaa wacad ku marey in ay la dagaalami doonaan cidii amniga iyo xasiloonida khal khal gelisa,iyagoo ka duulaya dagaalo dhawaanahan ka socdey gobolka hiiraan magaalada B/weyne. Ciidamada dalka Jabuuti oo ay weeraro joogta ah ku hayaan ciidamada xarakada dagaalyahanada Alshabaab ayaan waxba ka qaban...
Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta isugu yimid kulan aan caadi ahayn, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha ku xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta mudane Ridwaan Maxamed Xirsi. Kulanka ayaa looga hadlay Wadooyinka Xiran, Xariga lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Nairobi, iyo Xarigii loo...
Wararka Soomaaliya Xilbaanda baarlamaanka calooshood u shaqeestayaasha ayaa kulan maanta ku yeeshay xarunta golaha baarlamaanka ee Magaalada muqdisho. Kulanaka oo ay maanta sooxaadireen 436 xildhibaana ayaa waxa lloga dooday hasheeskii shirqoolka iyo qayaanada ahaa oo ay magaalada Kampala ee dalka Uganda ku gaareenn labada shariif, waxaan shir gudoominayay gudoomiya baarlamaanka shariif...
Dhakhaatiir Tiradoodu gaarayso 155 ayaa ka Qalin-jebiyay kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir ayaa xaflad loogu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo dhaqaatiirtan ay yihiin dufcadii 9aad ee ka qelin jebisay. Munaasabadan oo aheyd mid ardayda qelin jebisay oo kooxo badan loo qeybiyey ay ku difaacanayeen buugga qelin jebinta ayaa waxay ku soo...