Wednesday, April 1, 2020
Puntland ayaa caawo laga bilaabo salaada maqrib kadib waxay goboladeeda ka dhaqan galindoontaa bandow lagu yarayndoono isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka, si looga hortaggo faafitaanka cudurka coronavirus. Bandowgaan ayaa soconaya waqtiyadii habeenkii oo kaliya, sida ku xusan bayaan uu soo saaray guddiga ka hortagga iyo wacyi galinta cudurka Coronavirus, kuwaas...
Ethiopia ayaa shaacisay inay dib u dhicidoonaan doorashooyinka guud ee loo qorsheeyay dhamaadka bisha Agoosto, iyadoo loo aaneeyayo walaaca laga qabo faafitaanka caabuqa coronavirus, guddiga doorashada ee dalkaas ayaa maanta sheegay. Ethiopia waxay xaqiijisay 26 kiis oo fayras ah. Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa la filayay inay bilaabato Abril 22 oo ay...
Wasiirka caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdulaahi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa , ayaa sheegay in labadii kiis ee ugu horeeyay ee Coronavirus laga helay labo qof oo ku kala sugan Berbera iyo Burco. Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay qof kamid ah labada qof ee cudurka laga helay inuu u dhashay...
Cali Maxamed Caraale oo warbaahinta kula hadlay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadistii uu ku sameeyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo maalintii shalay xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Jeyte Cismaan. Cali Caraale ayaa xil ka qaadista lagu sameeyay ku tilmaamay mid sharci darro...
Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay afar qof oo kasoo laabtay dhinaca Somaliland in laga helay cudurka Coronavurus, kadib markii baaritaan lagu sameeyay iyagoo ku sugan degmada Lowyacadde ee xuduuda kutaala. Xoghayaha caafimaadka Jabuuti, Dr. Saalax Benoyta, ayaa sheegay in dadkaasi laga helay cudurka Coronavirus ay doonayeen inay Jubuuti ku galaan safar...
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa xalay howlgal culus oo ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Garowe waxay kusoo qabqabteen dad lagu tuhunsan yahay in ay ku lug leeyihiin weerarkii ismiidaaminta ee xalay lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Gujir. Puntland ayaa heshay xog la xidhiidhta qofka ismiidaamiyay sida uu sheegay wasiirka arrimaha...
Madaxweynaha dowlad goboeedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa kulan aan caadi ahayn la qaatay la qaatay Guddiga Amniga iyo Guddiga qaabilsan ka hortaga Cudurka Coronavirus. Kulankaan ayaa waxaa kasooo baxay go’aano amniga lagu xoojinayo iyo kuwa looga hortagayo faafitaanka cudurka Coronavirus. Halkaan...
Qof Ismiidaamiyey ayaa Goor Dhaw Qarax La Beegsadey Masuuliyiin iyo Dad Rayid ah oo uu Ka Mid ahaa Gudoomiyihii Gobolka Nugaal C/salaan Xasan Xirsi iyo Taliyihii Hore ee Qaybta Booliska Garoowe Faarax Galangoolli. Illaa Hadda Lama Sheegin Cid Qaraxa Ku Dhimatey Laaakiin waxaa Jira Dhaawacyo Hadda Lagu Dabiibayo Isbitaalka Garoowe...
AMISOM ayaa xanibtay gelitaanka xarunta Halane oo ay ku yaalliin safaarado shisheeye iyo taliska guud ee ciiddanka Amisom. Xanibaadaan waxay qayb ka tahay dadaal loogu talagalay in lagu joojiyo fiditaanka Coronvirus. Bayaan kasoo baxay Amisom ayaa  lagu sheegay in iyagoo tixgalinayo baahida loo qabo in la xakameeyo cudurka coronavirus ay...
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna gudoomiyaha guddida heer qaran ee u diyaar-garawga iyo ka hortaga xanuunka Covid 19 ayaa soo saaray go;aan ah in aanay dalka iman Karin rakaab ka imanaya dalalka Yurub iyo Waqooyiga Maraykanka, kuwaas oo ay la socon karaan dad qaba cudurkan Covid19. Guddidan ayaa ku amray...