Friday, April 25, 2025

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulan ka qaatay madaxa waaxda horumarinta adeegga bulshada midowgga Yurub gaar ahaan Soomaaliya Mr, Olivier Louis. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa xoghayaha joogtada ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Axmed Xassan iyo Maxamed Sabuul oo ka socday midowga Yurub. Arrimaha...
War ka soo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika  ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Alshabaab,kaasi oo ka dhacay 5-dii bishan  Koonfurta Soomaaliya, waxaana Mareykanka uu sheegay in uu Al-shabaab gaarsiiyay Khasaare. Warka ayaa lagu sheegay in ciidamada oo kaashanaya kuwa Mareykanka ay bartilmaameedsadeen degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha...
Hoggaamiyaha aqlabiyada ee Kenya Aadan Ducaale oo ah nin Soomaalida Kenya ah ayaa ugu baaqay xoolaleyda Kenya gaar ahaan dhanka waqooyi ee Kenya inay nabad ku wada noolaadaan ayna joojiyaan colaado dhawaan dhacay. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in si dagdag ah loo qabto shir nabadeed kaasoo loo qabanaayo...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka David Malpass , kulanka oo saacad iyo wax ka badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan. Labada mas’uul ayaa kulankooda diirada ku saaray horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, xoojinta...
Magaalada Jowhar waxaa ka soconaya diyaar-garoowga wajigii kowaad doorashada xubnaha aqalka hoose oo maanta lagu tartami doono sidda qorshuhu yahay 13 kursiga oo ka mid ah 37 xildhibaan ee la fillayo in ay ku matallaan maamulka Hirshabeelle baarlamaanka cusub ee federaalka. Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa maalin ka hor shaaciyay...
Tibor Nagy oo ahaa kaaliyihii hore ee xogeeyaha arrimaha dibada Maraykanka Africa u qaabilsana, ayaa sheegay in qaar kamid taageerayaasha dowlada Soomaaliya ay tamar badan ku bixiyaan burburinta Somaliland. Nagy oo aad ugu olloleeya aqoonsi raadinta Somaliland, ayaa sheegay in uu la yaabo markuu arko qaar kamid ah taageerayaasha Soomaaliya,...
Xoogaga Taalibaan ayaa sheegtay iney si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Madaxtooyada dalka Afganistaan ee ku taala magaalada Caasimada ah ee dalkaasi Kabul. Taalibaan ayaa gudaha u gashay xarunta Madaxtooyada dalkaasi saacado kadib markii uu halkaasi isaga baxsaday madaxweynahii wadankaas Ashraf Ghani. Hogaamiyaha Taalibaan iyo ilaaladiisa ayaa kasoo dhex muuqday xarunta Madaxtooyada dalkaasi oo...
War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa lagu sheegay in uu amar ku bixiyey weerar qorsheysan oo lagu qaadey saldhig ururka al-Shabaab ku lahaayeen degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe subaxnimadii maanta. Sida lagu sheegay warka ka soo abxay xafiiska Madaxweynaha Saldhigaa ayaa loo itsicmaali jirey...
Shacabka dalka Uganda ayaa waxay Khamiista soo socota ee Toddobaadkan u dareeri doona Doorashada Madaxweynaha ee dalkooda ka dhici doonta, Taasoo ay ku Tartamayaan Siddeed Murashax oo uu ka mid yahay Madaxweynaha talada haya Museveni, ayna ku jirto Haweeney. Musharaxiinta dalka Uganda ayaa maanta soo gaba-gabeynaya ololahooda doorashada iyo Dibad-baxyada...
bka ku adkeysay mawqifka ay ka taagan tahay sida loo xiraayo xeryaha Dhadhaab. Shalay ayaa Wasiirada Arimaha Dibada ee Kenya, Aamina Maxamed ay sheegtay in durba ilaa hada ay laabteen 16000 oo qaxootiga Dhadhaab ka tirsanaa isla markaana inta hadhay la celin doono- hadba in. Waxay intaasi ku dartay in hannaanka celinta qaxootiga ay taageerayaan dawladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo weliba...