Saturday, November 7, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u beeniyay wararka sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta ku hayso dhaqaalaha loogu talagalay dhismaha waddada isku xirta degmada Xarfo iyo magaalada Gaalkacyo. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in aysan jirin wax sabab ah oo lagu eedeyn karo Puntland in...
Saraakiil ka tirsan Dowladda Sudan ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay inay dagaalka Sudan u dirto calooshood-u-shaqaystayaal ka barbar dagaallama RSF Taliyaha Ku-xigeenka Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Sudan, Sareeye Guuto Yasser al-Atta, ayaa Puntland ku eedeeyay inay ciidamo calooshood-u-shaqaystayaal ah u dirto Sudan, kuwaas oo la safan xoogagga RSF ee...
WAR-SAXAAFADEED Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed oo Bogaadiyey Waxqabadka Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed. (SoDMA) Muqdisho, Soomaaliya Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn u bogaadiyey dadaalka, kartida iyo hufnaanta ay muujiyeen Hoggaanka iyo Masuuliyiinta Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), kuwaas oo si joogto ah ula socda xaaladaha bani'aadannimo ee ka jira...
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la gaaray waqtigii ay Soomaaliya si buuxda u qaadan lahayd mas’uuliyadda amniga dalka, kaddib sannado ay taageero ka helaysay beesha caalamka iyo dalalka saaxiibka la ah. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in Soomaaliya muddo dheer ay ka faa’iidaysanaysay taageero caalami...
Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay Somaliland kala shaqaynayso la dagaallanka kooxaha Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta, oo ay sheegtay inay khatar ku yihiin London iyo Hargeysa labadaba. Gavin Williamson, oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska isla markaana horay usoo noqday Xoghayaha Difaaca, ayaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda waydiiyay su’aal ahayd: "La dagaallanka Xuutiyiinta, oo...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weli diyaar u tahay wadahadal iyo xal siyaasadeed oo laga gaaro khilaafaadka kala dhexeeya mucaaradka, isaga oo xusay in albaabbada dowladda ay mar walba u furan yihiin wada hadal. Madaxweynaha ayaa wareysi uu siiyay Dawan Tv ku sheegay...
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo dilka askari ka tirsanaa ciidanka, kaas oo aano qabiil loogu dilay deegaanka Calaag ee degmada Ceel Baraf ee gobolka Shabeellada Dhexe, xilli uu fasax kasoo qaatay shaqadiisa. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in marxuum D/le Axmed Shire Xuseen uu...
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in kuraasta baarlamaanka federaalka ee deegaannada aan doorashadu ka dhici karin ama aan ka qaybgelin hannaanka doorashada lagu matali karo kuraasta laga soo doorto deegaanno kale oo dalka ah. Guddoomiyaha guddiga ayaa sheegay in nidaamka doorasho ee ay diyaarinayaan uu ku dhisan...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni inuu hadalladiisa iyo mowqifkiisa ku dhiirrigelinayo burcad-badeedda inay madax-furasho ka dalbadaan maraakiibta ay afduubtaan. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in warqad uu soo saaray maamulka Puntland ay ku jirto difaac uu ku tilmaamay mid lagu taageerayo...
Afhayeenka madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa ka hadlay dagaalka saaka ka dhacay magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in ciidamada uu ku tilmaamay kuwa Koonfur Galbeed ay howlgal ka wadaan gudaha magaalada Baydhabo. Ugaas Xasan ayaa shacabka Baydhabo ugu baaqay inay guryahooda ku nagaadaan inta uu socdo...