Tuesday, October 6, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Shirka golaha wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta galaya maalintii labaad. Shirkaan oo uu guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka qeyb galayaan Raysal wasaare Xamse, ku xigeenkiisa, madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada kala ah Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug,...
Buugan waa Book Asbuucle ah oo Todobaaskiiba Mar Soo Baxa wuxuu kulminayaa Murashaxiinta Madaxweyne ee Sanadka 2026 Sidoo kale Ururada Siyaasada Doorashada Golayaasha Deegaanka Gobolka Banaadir ka Qeyb galay iyo Sidoo kale Shirkado ganacsi ee Hadii Rabto in aad ku Soo biirto waa Lagu soo Dhaweynayaa Hawl aad ku...
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa sheegay in dowladdu ay joojin doonto lacago uu ku tilmaamay kuwo sharci-darro ah oo laga qaado beerlayda, isla markaana tallaabo adag laga qaadi doono dadka loo yaqaan “gate keeper”-ka ee dadka ka soo kaxeeya dhulka beeraha. Wasiirku wuxuu...
  WAR-SAXAAFADEED Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed Gudiga Fulinta ee Urur Siyaasadeedka Dadka Soomaaliyeed ayaa kulan ku yeeshay aaladda fogaan-aragga, kaas oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Ururka, Cali Maxamed Nuux (Timajilic). Kulanka ayaa diiradda lagu saaray warqadaha iyo qoraallada ay dibadda u dirayaan kooxda isku magacawday Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Dood iyo falanqayn kaddib, waxaa kulanka...
Xukuumadda Somaliland ayaa dowladaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Turkiga ku eedaysay inay qayb ka yihiin faragelin dibadeed oo ay sheegtay in lagu hurinayay colaaddii muddada ku dhow sannadka ka taagnayd qaar ka mid ah deegaannada galbeedka Somaliland ee Awdal iyo Salal. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in...
 Maamulka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo ayaa si kulul uga horyimid talaabo uu qaaday maamulka Puntland. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka SSC Khaatumo Najiib Barkhadle Warsame ayaa xadgudub iyo meel ka dhac ku tilmaamay in Puntland ay sheegato qeybo ka mid ah dhulka SSC Khaatumo. ”Waa wax aan sinaba loo...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb galay shirka Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn (NAM) oo maanta ka furmay magaalada Belgrade ee dalka Serbia. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunidu wajahayo, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga...
Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa si rasmi ah uga hortimid korodh ku yimid qiimaha roodhida oo ay dhawaan ku dhawaaqeen xubno sheegtay inay metelaan “Ururka Warshadaha roodhida” ee Somaliland. Wasaaradda ayaa sheegtay in ururkaasi aanu ka diiwaangashnayn Wasaaradda, isla markaana aanu lahayn shakhsiyad qaanuuni ah oo u oggolaanaysa inuu...
Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kulliyada Tababbarka ciidamada ee TurkSom ee magaalada Muqdisho. Raysal Wasaare Xamse Cabdi...
Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay xadgudubkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa, kaas oo ay sheegtay inuu hoggaaminayay sarkaal Israa’iili ah oo ay weheliyeen kooxo xagjir ah. Dowladda ayaa falkaasi ku tilmaantay mid dhaawacaya xurmada goobta saddexaad ee ugu barakaysan Islaamka, isla markaana gef weyn...