Sunday, January 26, 2025

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa maanta magaalada Qaahira ee Caasimadda dalkaas ku kala saxiixday heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Amniga, kadib shir muhiim ah oo dhexmaray labada madaxweyne iyo wasiiro ka kala socday labada dowladood. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Masar Cabdifatax El- sisi ayaa si wadajir ah u...
Ciidamada ammaanka Puntland ayaa qabtay hub ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado is-miidaaminta, kuwaas oo aan horay loogu arkin gudaha dalka. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale xiray toddobo qof oo la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin al-Shabab ama Daacish, kaddib howgallo lagu baaray kolonyo gaadiid...
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa soo bandhigay hindise ay dowladda Jabuuti doonayso in lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Isagoo wareysi siinayay BBC, ayuu wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti soo jeedisay in Itoobiya loo ogolaado inay gasho badda iyada oo sii mareysa Jabuuti, islamarkaasna...
Ku-xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee Itoobiya u fadhiya Midowga Afrika, Nebiyu Tedla, ayaa ka  hadlay hadal dhawaan ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo ku aaddanaa in Soomaaliya ay taageerayso Xooggaga Mucaaradka Itoobiya. Qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ayuu Nebiyu ku tilmaamay hadalka wasiir Fiqi...
Ciidamada Booliiska maamulka Hirshabeelle ayaa howgalo ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe kusoo qabqabtay rag burcad ah oo dhac u geysanaayay. Ragaan burcada ah ee gacanta lagu soo dhigay ayaa ka kooban 5 ruux, waxaana la sheegay in lasoo qabtay iyagoo ku...
Maamulka Puntland ayaa qorsheynaya howlgallo culus oo looga hortagayo kooxda Daacish, oo si xawli ah isugu ballaarinaysa deegaanada gobolka Bari. War rasmi ah oo laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, uu ku wajahan yahay magaalada Boosaaso si uu u diyaariyo hawlgalka ka dhanka...
Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmad Black oo ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay qorshe uu sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu ku doonayo in xilka looga qaado guddoomiyaha degmada Xudur oo uu tilmaamay inuu ku yimid doorasho. Xildhibaan Black ayaa uga digay maamulka Koonfur Galbeed ineysan qalalaase...
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa si adag uga jawaab celiyay dhaliilo qaar ka mid ah siyaasiyiinta u jeediyeen dowladda Fedaraalka. Wasiir Jaamac ayaa sheegay iney jiraan siyaasiyiin xil ku raadinaya sharaf dilka ciidamada qaranka oo maalin walba baraha bulshada la taagan wax ka sheega...
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah waxay xukun ku ridday 7 dhallinyaro ah oo Tiktoore ah, kuwaasi oo midkiiba lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah. Dacwad dhameysatay heerarkeedii ayaa eedeysanayaasha oo ka koobnaa sagaal hablood, waxaa 7 ka mid ah lagu xukumay min lix bilood oo xabsi...
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku guuleystay xalinta kala aragti duwanaasho xoogan oo u dhaxeysay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo kala jeeda maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Banaadir. Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas iyo Senator Siciid Siyaad Shirwac oo...