Kooxda khawaariijta arxanka daran ayaa wajahaya cabsi iyo kala carar ka dib markii ay jab xooggan kala kulmeen gulufka dagaal ee ay ku hayaan Ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa dib u xoraynta deeganada,kooxda oo beryahan ba la kulmaysay jab joogto ah ayaa hadda bilaabay in ay ka fakadaan deegaanadii...
Wasiirka caafimaadka xukuumada Soomaaliya, Dr Cali Xaaji ayaa sheegay in maanta 9 kamid ah dhaawacyadii Qaraxii Soobe loo qaaday dalka Imaraatka Carabta, si xaaladdooda caafimaad loogusoo dabiibo.
Wasiirka caafimaadka oo ka qeyb galayay barnaamijka todobaadka ee warbaahinta dowladda, ayaa ka sheegay in guddiga gurmadka qof kaste oo kamid ah dhaawacyada...
Midowga Yurub ayaa muddo kordhin hor leh u sameeyay hawlgallada militari ee ay ka wadaan badda Soomaaliya iyo geeska afrika si ay u fuliyaan siyaasaddooda amniga iyo Difaaca.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ciiddanka badda ee Atlanta oo ka mid ah hawlgalladda milliteri ee EU-da, uu...
Hoggaamiyaha Ahlu sunna Wal-jameeca Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya kula jiraan wada hadal ku saabsan sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka Alshabaab.
Sheikh Shaakir oo wareysi siiyay BBC Soomaali, ayaa sheegay inaysan jirin sabab ay uga haraan dagaalka Alshabaab, isagoo soo dhoweeyay in dowladda iyo shacabku iska...
Waxaa jaamacadda Boosaaso faraceeda ku yaalla gobalka Bari ka qalin-jabisay 194-arday, kuwaasoo wax ka wax bartay kuliyadaha kale duwan ee jaamcaddu bixiso.
Ardayda ka qalin-jabisay jaamacada oo isgu jirtay gabdho iyo wiilal ayaa la guddoonsiiyey shahaadooyin, kaddib xaflad ballaaran oo ka dhacday hoolka shirarka ee jaamacadda.
Xafladda waxaa ka qaybgalay maamulka...
Askeri Dhawaan Qof Shacab u Diley Toban kun Sh.so oo Maxkamadda Ciidamadu Dil Toogasho ah ku Riddey.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Cabdiraxmaan Caddow Ciise Maxamed, xukunkaas oo ah qisaasta dil uu u geystay Marxuum Saylax Cabdulle Axmed.
Cabdiraxmaan Caddow waxa uu 29-kii November ee bishii tagtay ku dilay Saylax Cabdulle oo ahaa darawal PL, isbaaro sharci darro ah oo...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalkaa Uganda ayaa Maanta kulan la qaatay dhigiisa dalkaas Yoweri Kaguta Museveni, iyagoona ka wada hadlay xasiloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Madaxweyne Museveni halganka wadajirka...
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa markale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay dhibaatada ka socota Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Wasiirka oo hadal ka jeedinayay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa ku celiyey mowqifka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya...
Dadwayne cadhaysan ayaa saaka iskugu soo baxay wadooyinka degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag ee Somaliland, kadib dil ay ciidamada booliisku u gaysteen qof shacab ah.
Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee RRU-da ayaa goob magaalada u dhaw ku dilay muwaadin la odhan jiray Abokor Cumar Cali, hadaba booliisku wax...
Baaq ayaa kasoo baxay shirkii magaalada laascaanood uga socday Isimada gobolada SSC, iyagoo ku dhawaaqay go'aano culus.
Isimada SSC ayaa ku dhawaaqay in aysan ka tirsanayn Somaliland iyo gooni istaageeda. Waxay sheegeen in laga bilaabo maanta ay katirsan yihiin dowladda federalka Soomaaliya, dhulkoodana lagu maamulidoono dastuurka Soomaaliya.
Baaqa kasoo baxay shirka...


















