Inta la ogyahay 1 qof ayaa dhintay 2 kalena way dhaawacmeen, kadib markii dablay aan haybtooda la aqoonsani ay rasaas huwiyeen dad shacab ah oo ku cawaynayay maqaaxi ku taala degmada Dararwayne ee gobolka Sanaag ee Somaliland.
Lama garanayo sababta keentay in dad maqaaxi ku cawaynaya, rasaas lagu furo iyo...
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin ayaa maanta la kulmay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska, Gudoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle sare Mahdi Cumar Muumin iyo Gudoomiyaha Maamulka...
Maraykanka ayaa shaaciyay in dhoolatus millateri oo uu gadhwadeen ka yahay lagu qaban doono magaalada Berbera bisha labaad ee sannadkan.
War-saxaafadeed kasoo baxday dowlada Maraykanka ayaa lagu sheegay in ciidanka Maraykanka iyo ciidamo ka socda waddamo kale oo Geeska Afrika dhaca, ay dhoolatus millateri ku samayn doonaan magaalada Berbera ee...
Cod uu baahiyay xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa muujinaya guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo nin uu sheegay in uu ka tirsanyahay millateriga Somaliland ku guubaabinaya in uu jabhadeeyo.
Ninka uu xisbigu sheegay in uu Faysal lasoo hadlay oo uu askari yahay, oo guddoomiyaha u sheegay in uu ciidanka ka...
Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa joojisay qaadashada warqadda caddeynta baaritaan Caabuqa COVID-19, taasoo laga qaadi jiray cid kasta oo ka dhoofaysa garoomada diyaaradaha Soomaaliya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in dadka usoo safraya Soomaaliya aan looga baahnayn in ay la yimaadaan warqadda caddeynta baaritaanka caabuqa COVID-19 (PCR...
Siyaasi Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee caanka ah, islamarkaana kasoo jeeda gobolka Hiraan ayaa si adag uga hadlay dagaalada ka socda deegaanada gobolka Hiiraan ee u dhaxeeya Beesha Xawaadle oo garab ka heleysa ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab.
Siyaasigaan oo horay xilal kala duwan uga...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay oo khamiis ah xukun dil ah ku fulisay Cumar Aadan Maxamed iyo Cabdulle Axmed Muumin oo katirsan Alshabaab.
Labadan nin ayaa sannadkii 2019 dilalka qorshaysan ka geysan jiray magaalada Muqdisho, waxayna dileen labo askari oo katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ka hor inta...
Nin Soomaali ah oo xabsi daa’in ku xukumnaa oo lagu eedeeyay inuu dad tahriibinayay ayaa shalay kasoo muuqday maxkamad kutaala Greece si uu racfaan uga qaato xukunkii lagu riday, iyadoo kiiskan ay taageereen koox ka tirsan baarlamaanka Yurub oo sheegay in si qaldan loo xukumay.
Mohammad Hanad Cabdi ayaa lagu...
Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay warbixin kasoo saartay xarriga Cabdalle Axmed Muumin oo ah guddoomiyaha mid kamid ah ururada saxaafadda Soomaaliya.
Cabdalle Muumin ayaa dhawaan la xiray kadib markii uu saxaafadda ka cambaareeyay, sharci darrana ku tilmaamay go’aan dowladdu ku diiday inay saxaafadda faafiso wararka Alshabaab.
Wasaaradda warfaafuinta ayaa...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar muddo kordhin ah oo loo sameeyay hawlgalka kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Muddo hal sano ah, oo ku eg ilaa Oktoobar 31, 2023, ayaa loo kordhiyay xafiiska UNSOM.
Muddo kordhintan waxay kusoo aaday iyadoo dhawaan uu dhamaaday waajibaadka ergaygii QM ee Soomaaliya,...


















