Friday, April 25, 2025
 Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay oo khamiis ah xukun dil ah ku fulisay Cumar Aadan Maxamed iyo Cabdulle Axmed Muumin oo katirsan Alshabaab. Labadan nin ayaa sannadkii 2019 dilalka qorshaysan ka geysan jiray magaalada Muqdisho, waxayna dileen labo askari oo katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ka hor inta...
Wadamada Ruushka iyo Turkiga ayaa heshiis ku gaaray in si lacag la’aan ah loo gaarsiiyo raashin Haruur ah dalal ay ka mid yihiin Jabuuti, Soomaaliya iyo Suudaan, sida uu sheegay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. “Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin waxa uu ii sheegay intii aan ku wada hadalnay taleefoonka in...
Koox Bastoolada ku hubeysan ayaa 2 nin ku dishay Isgoyska Fagax ee Muqdisho halka ay dhaawaceen 2 kale, waxaana la sheegayaa halka uu dilka ka dhacay in ay aheyd goob lagu iibiyo Maandooriyaha. Waa goobtii 2-aad oo 24 saac gudahood ay weeraraan koox Bastooladey ah islamarkaana ay dad ku dilaan....
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin ayaa maanta la kulmay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska, Gudoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir. Kulanka oo ka dhacay Xarunta Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle sare Mahdi Cumar Muumin iyo Gudoomiyaha Maamulka...
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in qalalaasihii Laascaanood ay ka faa'iidaysteen kooxo la fikir ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre. Faysal waxa uu sheegay in isku dhicii Ciidamada Somaliland iyo dadkii ka mudaharaadayay dilalka soo noq noqday ee Laascaanood, uu isku badalay dagaal xaaraan ah,...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar muddo kordhin ah oo loo sameeyay hawlgalka kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Muddo hal sano ah, oo ku eg ilaa Oktoobar 31, 2023, ayaa loo kordhiyay xafiiska UNSOM. Muddo kordhintan waxay kusoo aaday iyadoo dhawaan uu dhamaaday waajibaadka ergaygii QM ee Soomaaliya,...
Nin Soomaali ah oo xabsi daa’in ku xukumnaa oo lagu eedeeyay inuu dad tahriibinayay ayaa shalay kasoo muuqday maxkamad kutaala Greece si uu racfaan uga qaato xukunkii lagu riday, iyadoo kiiskan ay taageereen koox ka tirsan baarlamaanka Yurub oo sheegay in si qaldan loo xukumay. Mohammad Hanad Cabdi ayaa lagu...
Siyaasi Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee caanka ah, islamarkaana kasoo jeeda gobolka Hiraan ayaa si adag uga hadlay dagaalada ka socda deegaanada gobolka Hiiraan ee u dhaxeeya Beesha Xawaadle oo garab ka heleysa ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab. Siyaasigaan oo horay xilal kala duwan uga...
Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay fara-gelinta dowladda federaalka Itoobiya ee dagaalka uu dhiigga badan ku daatay ee weli ka socda magaalada Laascaanood, kaasi oo lagu rabo in xal nabadeed looga gaaro xiisadda taagan. “Waxaa uga mahad-celinaya dadaalka Itoobiya wado ee ku raadineyso dhex-dhexaadinta iyo xal oo...
Qaar kamid ah musharraxiintii xilka madaxweynaha Puntland u tartamay doorashadii 2019, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu damacsan yahay muddo kororsi labo sano ah. Musharraxiintan oo ay kamid yihiin Cali Xaaji Warsame, wasiirkii hore waxbarashada Puntland iyo Faarax Cali Shire, wasiirkii maaliyadda Puntland, ayaa sheegay in qorshaha Deni uu yahay...