Nin Soomaali ah oo lagu helay inuu xaaskiisa ku dilay magaalada Cleveland Heights ee gobolka California ayaa lagu xukumay 26 sano oo xabsi ah.
Maxamed Abidaaziz Keerow oo 48 jir ah ayay xeer beegtida San Diego ku xukuntay horaantii sanadkan dil darajada 1-aad ah, isagoo loo haystay geeridii Muna Salaad...
Ururka Alshabaab ayaa deegaanka Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeellada dhexe ka bilaabay inay abaabulaan oo hubeeyaan qabaailka, si ay dagaal ugala hortagaan ciidanka dowladda ee ku wajahan dhulka uu Shabaabku haysto.
Warbaahinta ku hadasha afka Alshabaab ayaa lagasii daayay sawirro iyo muuqaallo laga soo duubay dad lagu sheegay inay...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay kulankii ugu horreeyay la qaatay madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay qoddobo dhawr ah oo ay ugu horreeyaan xaaladda amniga ee dalka iyo gurmadka loogu jiro xal u...
Garaadka Guud ee Beelaha Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa sheegay in uu rabo in dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ay soo faragaliyaan arrinta Laascaanood.
Garaad Cali oo waraysi siiyay Brit Somali TV, ayaa sheegay in uu Soomaaliya iyo Jabuuti ka codsanayo in ay soo kala gaadhaan...
Dilka sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish oo ku dhawaad labo todobaad ka hor ay ciidamada Mareykanka ku dileen buuralayda gobolka Bari ee Puntland, ayaa tooshka ku ifiyay shabakad maaliyadeed oo ka jirta Geeska Afrika sida uu sheegay sirdoonka Maraykanka.
Xoghayaha difaaca Lloyd Austin ayaa sheegay in Bilaal Suudaani...
Xukuumada Somaliland, oo ka jawaabaysa diidmo ay xukuumada Soomaaliya ka muujisay shidaal shirkada Genel Energy ka qodayso Somaliland, ayaa sheegtay in ay iyadu masuul ka tahay maamulka khayraad keeda.
War-saxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland, ayaa lagu xusay in shacabka Somaliland ay xukuumadooda u igmadeen ilaalinta iyo maamulka...
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimu oo ka tirsan Golaha Shacabka oo booqday mid kamid ah saldhigyada Booliska ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay ‘arrin fajaciso ku noqotay’ oo uu kusoo arkay saldhiggaasi.
Macallimu oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka sheekeeyay falkaas oo uu tilmaamay inuu aad ula yaabay, kadib...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shaaciyay in ciidamada Soomaaliyeed ee Eritrea ku maqan ay dalka kusoo laaban doonaan dhammaadka bishaan illaa bisha January ee sannadka cusub.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhamaatay dib u dhacyadii ku imaan jiray dib usoo celinta ciidamada Soomaaliyeed ee lagu tababaray dalka...
Ciidamada Booliiska ee ka howlgala Saldhiga deegaanka Garasbaaleey ee magaalada Muqdisho ayaa goordhaw nin hubeysnaa ku toogtay xaafada Tabeelaha Sheekh Ibraahin ee duuleedka magaalada Muqdisho.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay ninka ciidanka ay toogteen inuu ahaa Al-shabaab, islamarkaana uu qorsheynaayay inuu dilo...
Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab gaar ahaan Ururka 5-aad guutada 16-aad ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ku yaala Waqooyiga magaalada Kismaayo.
Deegaanada ay ciidanka Kumaandooska Danab howlgalada ka sameeyeen ayaa kala ah Dheycabdi, mayoonde, Qudhac Madoobe, Koban, Araare iyo bandarjadiid oo...