Wednesday, August 12, 2026
Waxaa Maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka shirka Golaha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeyay madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, kaasoo socday mudo afar maalmood ah. Golaha wadatashiga qaran ayaa goordhaw oo Maanta ah soo saaray war murtiyeed ka kooban ilaa...
Dagaallada ayaa waxaa ay sigaar ah uga kala dhaceen Saldhigyada Ciidamada dowladda ku leeyihiin Mukayga iyo Haanta-dheer ee degmada Afgooye iyo degaanka Shareey ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose kadib markii ay weerareen Al-Shabaab. Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen in khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la...
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo booqasho ku jooga dalka isutaga Imaaraadka Carabta ayaa kulan la qaatay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta Cali Maxamed Al-Bawaaridi. Labada wasiir ayaa kulankooda kaga wadahadlay arrimaha amniga gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee ka socda qaar...
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka, ayaa maanta shir uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirkaan ayaa looga hadlayaa arrimaha Maaliyadda, hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dhamaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka hadlay shirkan ayaa sheegay...
Golaha Midowga Afrika (AU) ayaa kulankiisii 1121-aad, ee la qabtay 11-kii bishaan November 2022, ku tixgaliyay codsi ka yimid Dowladda Soomaaliya ee ah dhimista ciidamada ATMIS. Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa kaddib u gudbiyay qoraal golaha ammaanka (UNSC), si loo ansixiyo kordhinta dhimista (2,000) oo askari howlgalka ATMIS...
TPLF ayaa dowladda Eritariya ku eedaysay in diyaaradaheeda dagaalku ay duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyeen maanta magaalo kamid ah gobolka Tigray oo lagu magacaabo Irob, sida uu baahiyay Tvga Tigray ee ay maamulaan TPLF. Goobaha ay waxyeelladu ka soo gaartey duqayntu ayay TPLF ku sheegtay inay ahayd goobo ay...
Hogaamiyayaasha mucaaradka Somaliland ayaa shacabka uga digay hogaaminta madaxweyne Biixi. Fariimo ay ku baahiyeen warbaahinta Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, shacabka ugu baaqeen in ay ka digtoonaadaan hogaaminta madaxweynaha. "Dadka Somaliland waxan leeyahay tuu soo wado hadaynaan ka tashan, meel aynaan...
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa markale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay dhibaatada ka socota Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Wasiirka oo hadal ka jeedinayay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa ku celiyey mowqifka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya...
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Jaamac, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  iyo dhammaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa ka qeyb galay shirkan. Ololaha milatari iyo kacdoonka dadweynaha ee ka...
Booliiska Turkiga ayaa xiray haweeney ay mas’uuliyiintu rumeysan yihiin inay dhigtay qaraxii shalay ka dhacay Istanbul, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Turkiga, Suleyman Soylu oo la hadlay Anadalu. Lix qof ayaa ku dhintay 81 kalena way ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay waddada mashquulka badan ee Istiklal Avenue ee badhtamaha...