Somaliland iyo Maraykanka ayaa yeelanaya iskaashi difaac oo toos ah, kadib markii uu madaxweyne Biden qalinka ku duugay Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka Maraykanka ee loo soo gaabiyo NDAA.
Xeerkan oo uu hore cod gacan taag ah ugu ansixiyay Koongaraska Maraykanku, ayaa faraya in Somaliland iyo Maraykanku ay yeeshaan iskaashi difaac...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad oo kaashanaysa ciidanka dib u xureynta deegaanka ayaa Duhurnimadii Maanta weerar qorsheeysan ka fuliyay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa...
Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somaliland ugu tunka wayn ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa xukuumada usoo jeediyay in ay xal siyaasi ah keento 13 November kahor.
Musharaxa oo ay weheliyaan saraakiil sar sare oo xisbiga katirsan, oo kumanaan taageerayaashiisa ah kula hadlay magaalada Ceerigaabo, ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay...
Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya weerar qarax Ismiidaamin ah ku bilaawday oo lagu qaaday hoteel Tawakal oo ku yaala magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana weerarka qaraxa xigay dagaal toos ah oo dabley hubeysan gudaha ugu galeen hoteel Tawakal.
Gudaha hoteelka Tawakal ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka...
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Alshabaab oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray howlgal ciidanka xoogga ay bil ka hor ka fuliyeen xadka labada Shabeelle.
Maxamed Xasan Cumar oo loo yaqaanay abuu Cabdiraxnmaan oo ahaa horjoogihii Alshabaab ee gobolka Banaadir ayaa ku geeriyooday magaalada Jilib ee...
Guddoomiye ku xigeenkii gobolka Sool, ayaa is casilay kadib markii uu ku guuldaraystay in uu wax ka qabto dilalka lagu beegsanayo dadka shacab ka ah.
Garyaqaan Maxamed Aadan, oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii gobolka Sool, ayaa la sheegay in uu baneeyay xilkii guddoomiye ku xigeenimo, kadib markii uu maamulkiisu ku...
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo tikniko wata ay ciidamada Somaliland weerareen, lakiin ay ciidamadu kaliya is difaaceen, xeryahoodiina anay ka bixin.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed, oo Laascaanood ku sugan, ayaa yidhi "Ciidan hubaysan oo tikniko wata, oo hoobiyayaal wata, oo baasuukayaal waata ayaa weeraray qaar kamid ah...
Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay holwgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda deegaanada ku yaala Koonfurta gobolka Mudug.
Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dagaal xoogan iyo duqeymo isbarbar socday kadib ay...
Allaha ha u naxariistee, waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo katirsanaa barlamaanka Soomaaliya, sida u shaaciyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.
"Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey...
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ayaa bandow kusoo rogay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Kadib kulan ay yeesheen saraakiisha amniga ayaa lagu dhawaaqay in habeenkii laga bilaabo lixda maqribnimo illaa waaberiga la joojiyay dhammaan isku socodka iyo dhaqdhaqaaqyada bulshada.
Ciidamada ku sugan gudaha magaalada ayaa lagu amray inay...


















